(KALDADHI) – Faa’isa Maxamed Jeyte oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho bishii June ee sanadkii 1983. Deegaan-doorashadeedu waa Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu doortay 25 bishii Febaraayo ee sanadkii 2022.
Waxbarashada Aasaasiga Ah
Dugsiga hoose iyo dhexe waxay ku qaadatay Muqdisho, iskuulka Abuubakar Al-Saddiiq ee degmada Yaaqshiid.
Sanadkii 1998, hakad ayay gelisay waxbarashada, iyadoo iskuulka uga tagtay fasalka siddeedaad. Sanadkii 1999-kii ayay iyadoo 16 jir ah qoys dhisatay, wayna u go’day sida ay Kalfadhi u sheegtay.
Kow iyo toban sano kaddib ayay sanadkii 2010 dib ugu laabtay nidaamka waxbarashada. Dugsiga hoose, dhexe iyo sare ee Al-Khaliil oo ku yaalla xaafadda Xamarjadiid ee degmada Warta-Nabadda ee magaalada Muqsiho ayayna ku dhammeystay waxbarashada aasaasiga ah.
Waxay sanadkii 2014 ku biirtay Kulliyadda Sharciga iyo Qaanuunka ee Jaamacadda Muqdisho,. Heerka koowaad ee waxbarashada ayay ka qallin rogatay 2018-kii. Kaddib waxa ay tababarro la xiriira xagga shariciyada ka qaadatay hay’ado dhowr ah.
Faa’isa iyo Siyaasadda
Wasaaradda Caddaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayay ka shaqo billowday sanadkii 2019. Waxay ka howlgaleysay waaxda sharciyada ee wasaaradda.
Markii ugu horreysay oo ay isku dayday inay xildhibaan noqoto waxay ahayd 2019-kii, markaas oo ay raadisay xildhibaan maamul goboleed oo deegaan-doorashadeeda ah, wayna ku soo guuldarreysatay.
Sanadkii 2020, ayay ka qeyb gashay imtixaan loo qabtay garsoorka dalka, waxa ay ka mid noqotay 90 qof oo ku guuleystay imtixaankaas. Xubnahaas waxay isugu jireen 40 garsoore iyo 50 kaaliye. Isla sanadkaas ayaa loo magacaabay inay kaaliye sare ka noqoto Maxkamadda degmada Howlwadaag.
Sanadkii 2022, waxay olole u gashay inay ka mid noqoto Baarlamaanka 11-aad. Tartan ayay u gashay kursiga tirsigiisu yahay HOP#048 ee Golaha Shacabka, deegaan-doorashiisuna ay tahay Galmudug.
Faa’isa ayaa Kalfadhi u sheegtay inay muddo dheer ku taameysay ka mid noqoshada Baarlamaanka, iyadoo ujeedka ugu weyn ku sheegtay inay cod ku yeelato masiirka dalka, heshana fursad ay codka dadkeeda ku gaarsiin karto halka ugu sarreysa ee laga maamulo dalka.
Waxay sheegtay inay si hoose ula socoto duruufaha dadka ay matasho, oo ay waqtigeeda ugu badan geliso sidii ay uga caawin lahayd fursadaha jira, kuwa ay helaanna ay ku garab istaagto marka loo baahdo dammaanad.
Faa’isa ayaa hadda ka mid ah Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arimaha Diinta, iyadoo sheegtay inay xoogga saarto sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahayd caddaalad, dalkana loo gaarsiin lahaa nidaam garsoor oo loo siman yahay.