(KALFADHI) – Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay 8-dii November 1954.
Deegaan-doorashadiisu waa Koonfur-galbeed. Magaalada Baydhabo ayaa lagu doortay 19-kii Jannaayo 2022. Kursiga uu tirsigiisu yahay HOP#85 ee Golaha Shacabka ayuu ku fadhiyaa.
Waxbarashada Aasaasiga ah
Sanadkii 1962 ayuu qeybay 114-ta Qur’aanka Kariimka ah. Dugsiga hoose ayuu uga baxay magaalada Baydhabo sanad-dugsiyeedkii 1967/68.
Magaalada Muqdisho ayuu u soo wareegay, isagoo dugsigiisa dhexe uga baxay Dugsigii Allaahida sanad waxbarasheedkii 1971/72. Halka dugsiga sare uu isla iskuulkaas ka qallin-jebiyay sanadkii 1975.
Sanadihii u dhaxeeyay 1980 – 1990, wuxuu tababarro aqoon-kororsi ah oo shaqo u aaday dalal badan oo caalamka ah sida Morocco, Turkiye, Netherlands, Sweden iyo shan goor oo Jarmalka ah.
Bishii Febaraayo ee sanadkii 1990 ayuu ka qallin-rogtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kulliyaddeeda Daraasaadka Islaamka iyo Luqadda Carabiga.
Shariifka iyo Shaqooyinkiisa
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, wuxuu Dowladda hoose ee Xamar ka soo shaqeeyay muddo 17 sano ah oo ka soo billaabata 1-dii December 1973 – December 1990. Sida uu noo sheegay wuxuu ka soo shaqeeyay xafiisyo kala duwan oo uu ka soo qabtay xilal maamul.
Bishii December 1973 wuxuu noqday Karaani (Clerk). Wuxuu xafiiskaas ka shaqeynayay ilaa laga gaaro bishii December 1975-kii. Kaddib waxaa loo dallacsiiyay Karaani sare ( Senior Clerk) bishii Luulyo 1975-kii, halkaas ayuu joogay ilaa laga gaaro bishii November 1975-kii.
Dabayaaqadii 1975 ayaa loo magacaabay madax farac (Head of Branch). Wuxuu xilkaas ku shaqeynayay ilaa laga gaaro bishii Juun 1979-kii. Bil kaddib waxaa loo dallacsiiyay madax laan (Head of Section). Xafiiskaas ayuu ka shaqeynayay ilaa laga gaaro bishii May sanadkii 1981.
Bartamihii sanadkii 1981 waxaa loo wareejiyay xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho. Wuxuu noqday madaxa xafiiska. Wuxuu ka shaqeeyay ilaa laga gaaro bishii Abriil 1983-kii.
Agaasimaha xafiiska duqa magaalada ayaa loo magacaabay bartamihii sanadkii 1983. Wuxuu halkaas ka shaqeynayay ilaa laga gaaro bishii Maarso 1987-kii.
Agaasimaha waaxda maamulka guud ee Dowladda hoose ayaa loo magacaabay 8-dii Maarso 1987-kii, bishii December 1990 ayuu banneeyay shaqadaas.
Billowgii dagaalkii sokeeye wuxuu aaday dalka Switzerland, labo sano kaddib Soomaaliya ayuu dib ugu soo laabtay.
Sida uu Kalfadhi u sheegay xildhibaan Shariif Maxamed, burburkii dowladdii dhexe kaddib wuxuu ka shaqeeyay hay’ado samafal ah. Bishii Juun 1992-kii ilaa bishii Febaraayo 1993-kii wuxuu madax ka noqday hay’ad maxalli ah oo ka howlgalaysay magaalada Baydhabo.
Bishii Febaraayo 1993-kii wuxuu noqday madaxa xafiiska Bisha Cas ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates Red Crescent) ee Soomaaliya. Wuxuu jagadaas banneeyay bisha Juun 2015-kii.
Muddo 22 sano ah oo uu madax ka ahaa hay’addaas wuxuu aasaasay macaahid iyo xarumo waxbarasho oo badan. Wuxuu hirgeliyay iskuulkii ugu horreeyay oo guud oo saddexda heer oo tacliinta aasaasiga lagu bixiyo, buburkii kaddibna laga furay dalka. Waxay ku beegneed bartamihii 1996, iskuulkaas waxa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Ciise, kaasoo markii dambe qeybtiisa dugsiga sare loo bixiyay Al-Xikma oo ilaa hadda shaqeeya.
Xildhibaan Shariif iyo Siyaasadda
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla wuxuu siyaasadda ku soo biiray bishii Agoosto ee sanadkii 2000, markaas oo uu ka mid noqday xildhibaannadii dowladdii lagu soo dhisay Carta, Jabuuti ee uu madaxweynaha ka boqday Cabdiqaasim Salaad Xasan. Muddo-xileedkii xildhibaannadaas wuu la dhammeystay.

Sanadkii 2012 ayuu ka mid noqday xildhibaannada baarlamaankii 9-aad ee Golaha Shacabka. Mar kale muddo-xileedkiisa wuu dhammestay.
Sanadkii 2016 wuxuu ka mid noqday xildhibaannadii Baydhabo kasoo galay baarlamaankii 10-aad ee Golaha Shacabka.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, labo jeer ayuu u tartamay xilka guddoomiyaha baarlamaanka. Markii koowaad waxay ahayd sanadkii 2018, xilligaas waxa uga guuleystay guddoomiye Maxamed Mursal. Halka marka labaad ay ahayd sanadkii 2022, markaas oo uu ka guuleystay Aadan Mohamed Nuur (Madoobe).
“Labada jeer ee aan tartamayay, ujeedkeygu wuxuu ahaa in uu baarlamaanku noqdo mid ka madaxbannaan hay’adaha kale ee dalka sida laanta fulinta. Baarlamaan sharciga ilaalinaya, baarlamaan aan caqabad ku noqon xukuumadda, baarlamaan aasaas fiican u noqda dowladdeenna oo ka hortaga waxyaabaha hadda la sheegayo ee musuqa ah ayaa doonayay,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray: “Waxa ugu weyn ee aan tartanka u galayay waxay ahayd inaan hagaajiyo baarlamaanka, maaddaama aan isku arkayay mudaneyaasha ugu khibradda badan golaha, balse iima suurtagelin sababo is-biirsaday dartood. Mid ka mid ah ayaa ah inaan run sheeg ahay oo ay dadka qaar ii arkeen in haddii aan guuleysto waxyaabo barkood aan la i marsiin karin. Mar kasta oo aan tartamayay waan u sheegayay mudaneyaasha sida aan u howlgelinayo baarlamaanka. Qofka noocaan oo kale ah wuxuu ku fiican yahay inuu xisbi ku soo baxo. Mararka qaar qabiilka xitaa wax buu curyaamiyaa.”
Xildhibaan Shariif, wuxuu sheegay in xildhibaannimada uu u arko heshiis lala galayo bulshada la matalayo, taasoo ka dhigan in bulshada ay qofka siisay xasaanad dhammeystiran, taas beddelkeedana ay u baahan tahay in wixii jira barta matalaadda si dhab ah looga hadlo.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla wuxuu hadda xubin ka yahay Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrrimaha Diinta. Xilligiisa firaaqada ayuu noo sheegay inuu u kala qeybiyo akhrinta Qur’aanka, akhriska buugaagta iyo la-socodka siyaasadaha adduunka, isagoo isticmaalaya baraha bulshada.
Discussion about this post