(KALDADHI) – Maxamed Cabdullaahi Buraale oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 1-aad ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, bishii Oktoobar, sanadkii 1982.
Muddo yar kaddib dhalashadiisa, qoyskiisu waxa ay u soo wareegeen Muqdisho, xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, halkaas ayuu ka billaabay malcamaddii Qur’aanka. Billowga dagaalladii looga soo horjeeday dowladdii Kacaanka; qoyskiisu wuxuu dib ugu laabtay Beledweyne. Halkaas ayuu ku khatimay Qur’aanka.
Deegaan-doorashadiisu waa Hirshabeelle. Magaalada Beledweyne ayaa lagu doortay 2-dii Abriil ee sanadkii 2022.
Waxbarashada Aasaasiga Ah
Sanadkii 1992, ayuu ka billaabay dugsiga hoose iskuulka Cumar binu Khatab ee magaalada Beledweyne.
Sanadkii 1996, Dugsiga dhexe ayuu ka billaabay iskuulka Mujammac, halkaas ayuu 2003-dii ku dhammeeyay dugsiga sare.
Xildhibaan Buraale waxa uu Kalfadhi u sheegay inuu fursad u waayay sii wadashada waxbarashada sare sababo la xiriira aabbihii oo dhintay sanadkii 1999-kii, taasoo keentay inuu qabto mas’uuliyadda qoyska, maaddaama uu isagu u weynaa.
Toddobo sano kaddib 2010-kii ayuu dib ugu laabtay nidaamka waxbarashada. Jaamacadda Hiiraan ee laga furay Beledweyne ayuu 30-kii Juun ee sanadkii 2014 uga baxay kulliyadda caafimaadka – General nursing. Wuxuu ka qallin rogtay heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda.
Shantii Luulyo ee sanadkii 2019-kii, ayuu mar kale qaatay shahaado jaamacadeed. Maamulka howlaha guud (Public administration) ayuu ka diyaariyay jaamacadda Jobkey, qeybteeda magaalada Beledweyne.
Sooyaalkiisa Kubbadda Cagta
Xildhibaan Buraale ayaa Kalfadhi u sheegay in yaraantiisii uu soo billaabay ciyaaridda kubbadda cagta. Waxa uu soo matalay iskuulkiisa Mujammac, kaddib xaafaddiisa ilaa uu ku biiray ciyaartoyda da’yarta ah ee degmada Beledweyne sanadkii 1996, afar sano kaddib oo ku beegnayd sanadkii 2000, wuxuu u tallaabay xulka degmada. Isagoo matalayay ilaa sanadkii 2006.
Heerka kooxaha waxa uu sheegay inuu sanadihii 1993 – 1996 u soo ciyaaray kooxda Isbartiibo. sanadkii 1997, wuxuu ku biiray kooxda Ciise-diin oo ahayd koox heerka koowaad ka ciyaarta, kana dhisneyd Beledweyne, waxa uu ka tirsanaa toban sano oo xiriir ah, wuxuuna ciyaaraha ka fariistay sanadkii 2007.
Bartamaha sanadkii 2007 wuxuu isku rogay macallin xulka degmada ah kaddib markuu tababar macallinimo ku soo qaatay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Afar sano kaddib dhammaadka sanadkii 2011, wuxuu u dallacay xulka gobolka Hiiraan. Waayihiisii kubbadda cagta wuxuu soo afjaray 2013.
Shaqooyinkiisa
Sanadkii 2003 ayuu noo sheegay inuu la shaqo billaabay shirkadda British American Tobacco, isagoo wakiil uga ahaa magaalada Beledweyne.
Saddexdii Oktoobar ee sanadkii 2013 waxaa loo doortay guddoomiyaha dhallinyarada ee gobolka Hiiraan, kaddib doorasho saacado qaadatay oo uu ku soo baxay cod aqlabiyad ah.
Jannaayo 14-dii sanadkii 2014 wuxuu noqday madaxa xafiiska gobolka Hiiraan ee hay’adda Relief International, isagoo la shaqeeyay ilaa 30-kii Diseembar 2020.
Toddobadii sano ee uu joogay xafiiska hay’adda ayuu noo sheegay inuu ku guuleystay hirgelinta mashaariic badan oo degmooyinka gobolka ah sida sugnaanta cuntada, shaqooyinka ay dadku noloshooda ku maareeyaan, faya-dhowrka, caafimaadka iyo waxbarashada. Adeegyadaas ayuu xusay in ay wax badan ka tareen baahiyihii ka jiray degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Hiiraan.
Billowgii sanadkii 2019 waxaa loo magacaabay guddoomiyaha dhallinyarada Hirshabeelle, isagoo xilkaas hayay ilaa looga doorto xildhibaan Golaha Shacabka ah labadii Abriil ee 2022.
“Intii aan ahaa guddoomiyaha dhallinyarada Hirshabeelle ama aan madaxda ka ahaa xafiiska hay’adda Relief International, waxaan xoogga saari jiray abuuridda fursado shaqo oo dhallinyarada ah, is-dhex-galka dhallinyarada, dhisidda jidadka muhiimka ah, ka war heynta carruurta agoonta ah, daboolidda baahida dhibbaneyaasha iyo u-gurmashada danyarta xilliyada adag sida fatahaaddu marka ay dhacdo, abaaraha iyo colaadaha,” ayuu yiri xildhibaan Buraale oo la hadlay Kalfadhi.
Xildhibaan Buraale iyo Siyaasadda
Xildhibaan Buraale ayaa noo sheegay u tartamidda kursi siyaasadeed inay ku dhalatay markiisii ugu horreysay sanadkii 2020, isagoo sida uu yiri ‘ka faa’ideysanaya khibradda dhowr doorasho oo uu horay u galay’ balse aan siyaasad ahayn.
Sanadkii 2021, wuxuu u ololeeyay ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad. Tartan adag ayuu u galay kursiga tirsigiisu yahay HOP#059 ee Golaha Shacabka.
Xildhibaan Buraale ayaa Kalfadhi u sheegay guushiisa kursigaas inay uga dhigan tahay libintii ugu waynayd ee uu gaaray noloshiisa, maadaama uu hoos ka soo billaabay u shaqeynta dadkiisa.
Waxa uu intaas sii raaciyay in uu saxayo siyaasadda deegaannada uu matalo iyo in uu wax ka qabto baahiyaha bulshada soo dooratay sida u qodidda ceel-biyoodyo iyo geynta mootoorro ay ka faa’iideystaan beeraleyda.
Buraale ayaa hadda ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, isagoo sheegay waqtigiisa firaaqada inuu xiiseeyo daawashada kubbadda cagta iyo akhrinta taariikhaha.