(KALFADHI) – Saalim Caliyow Ibrow oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha hoose, 18-kii Agoosto 1944-kii.
Deegaan-doorashadiisu waa Koofur-galbeed. Magaalada Baraawe ayaa lagu doortay 9-kii Febaraayo sanadkii 2022. Kursiga tirsigiisu uu yahay HOP#165 ee Golaha Shacabka ayuu ku fadhiyaa.
Waxbarashada Aasaasiga ah
Waxbarashada iskuulka wuxuu ka billaabay magaalada Qoryooley bartamihii kontameeyadii. Sanad waxbarasho ah kaddib wuxuu u wareegay magaalada Muqdisho. Wuxuu billaabay Scuola Elementare oo u dhigmay xilligaas dugsiga hoose; Talyaanigana hoos tagayay. Sanad waxbarasheedkii 1959 – 1960 ayuu ka gudbay dugsiga hoose.
Gobolka Shabeellaha hoose ayuu dib ugu laabtay. Magaalada Marka ayuu ka billaabay dugsiga dhexe, Scuola Media Inferiore – Merca, ayuu ka qallin jebiyay sanad-dugsiyeedkii 1963 – 1964.
Magaalada Muqdisho ayuu dib ugu laabtay. Wuxuu ka billaabay Scuola Media Superiore – Mogadiscio, oo u dhigmay dugsi sare, sanad-dugsiyeedkii 1967 – 1968 ayuu ka qallin rogtay tacliinta aasaasiga ah, kaddib ayuu tartan u galay deeq waxbarasho oo uu bixinayay Midowga Yurub. Wuu ku soo baxay. Wuxuu helay jaamacadda Universita’ degli Studi di Perugia – Perugia, Italia.

Sanadkii 1968 wuxuu billaabay kulliyadda daweynta iyo xannaanada xoolaha (Facolta’ Medicina Veterinaria). Heerka koowaad ee waxbarashada jaamacadda (Bachelor’s degree) wuxuu ku soo dhammeystay Talyaaniga November 1974. Dalka ayuu dib ugu soo laabtay 6-dii Janaayo 1975-kii. Kaddib wuxuu galay dugsigii Xalane, kaasoo uu ku qasbanaa muwaaddin kasta oo waxbarasho dibadda ah ka yimaada sida uu Kalfadhi u sheegay xildhibaan Saalim.
Shaqooyinkiisa
Bartamihii 1975-kii wuxuu ka mid noqday dhaqaatiir dowladda hoose ay u qaadatay daweynta xoolo badan oo laga soo badbaadiyay abaar saameysay gobollada dalka, laguna hayay xerooyin looga sameeyay degmooyinka Yaaqshiid iyo Dharkeenley ee gobolka Banaadir.
Horraantii 1976-kii wuxuu ku biiray jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, isagoo ka noqday “kaaliye bare,” 1978-kii ayuu noqday bare rasmi ah. Wuxuu si dhammeystiran macallin uga noqday jaamacadda sanadkii 1984-kii, isagoo dhigayay cudurrada faafa ee ku dhaca xoolaha. Dhowr iyo toban sano oo uu jaamacadda bare ka ahaa wuxuu ka barbar waday cilmi-baarisyo kala duwan, isagoo sida uu inoo sheegay daabacay ku dhowaad afartan cilmi-baaris.
Sanadkii 1993, burburkii dowladda Soomaaliya kaddib ayuu dib ugu laabtay Talyaaniga, durbadiiba wuxuu cilmi-baare ka noqday Jaamacadda Turin- Italy. Cilmi-baarisyadii uu sammeeyay darteed ayaana loogu qiimeeyay heerka labaad ee jaamacadda (Master’s Degree).
Bishii November 1995-kii wuxuu u wareegay dalka Australia. Wuxuu cilmi-baare ka noqday jaamacadda La Trobe University ee magaalada Melbourne, Australia. Sanaddii 2000 ayuu hakiyay cilmi-baarista, halkaas ayuuna uga soo biiray siyaasadda.
Siyaasadda iyo Saalim
Bishii December 1990-kii ayuu xildhibaan Saalim ka mid noqday guddi nabadeyn ah oo laga soo xulay bulshada rayidka ah si ay nabad u kala dhex dhigaan jabhadihii iyo dowladdii dhexe, isagoo matalayay aqoonyahannada iyo dhallinyarada, sida uu xildhibaanku u sheegay Kalfadhi.
Bishii Jannaayo 1991-kii wuxuu xubin ka noqday golihii xukuumadda ee Raysul wasaare Cumar Carta Qaalib. Waxaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda, isla sanadkaas bishii October waxaa loo wareejiyay inuu noqdo wasiirkii xannaanada xoolaha, isagoo hayay ilaa March 1993-kii.

Bishii June 2000 wuxuu noqday ergay ka mid ah Guddiga Qaran ee Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa xildhibaannadii lagu soo dhisay tuuladii Carta ee dalka Djibouti.
October 2000, wuxuu ka mid noqday golihii wasiirrada ee xukuumaddii Raysul wasaare Cali Khaliif Galleyr. Wuxuu ahaa wasiir ku-xigeenka xannaanada xoolaha, xilkaas oo uu hayay ilaa bishii January 2002.
February sanaddii 2002, wuxuu ka mid ahaa golihii wasiirrada ee xukuumaddii Xasan Abshir Faarax. Waxaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha xannaanada xoolaha, xilaasna wuxuu banneeyay bishii October 2002.
Bishii October 2002 ilaa laga gaaro Agoosto 2004 wuxuu qeyb ka ahaa ergadii shirkii nabadda Soomaaliya ee lagu qabtay Eldoret – Mbagathi, Kenya. Agoosto 2004 wuxuu ka mid noqday xildhibaannadii Golaha Shacabka ee lagu dhisay Mbagathi.
Xukuumaddii Raysul wasaare Cali Maxamed Geeddi wuxuu ka soo qabtay xilal kala duwan. Bishii December 2004 ilaa July 2006 wuxuu noqday raysul wasaare ku-xigeen iyo wasiirkii maaliyadda. Agoosto 2006 ilaa January 2007 waxaa laga dhigay raysul wasaare ku -igeen iyo wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa. February 2007 ilaa October 2007 waxaa loo magacaabay raysul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka tacliinta sare.
November 2007 ayuu mar noqday sii hayaha raysul wasaaraha Soomaaliya, kaddib markii uu xilka banneeyay Cali Maxamed Geedi. January 2008 ilaa December 2008 wuxuu qabtay xilalka kala ah raysul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta, xukuumaddii Nuur Cadde.
February 2014 ilaa February 2015 wuxuu hayay jagada wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed. March 2017 waxaa loo dhiibay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukuumaddii Xasan Cali Kheyre. May 2018 ayuu iska casilay si uu ugu tartamo xilka guddoomiyaha baarlamaanka 10-aad balse waa looga gulleystay.
Sanadkii 2016, wuxuu ka mid noqday baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku fadhiistay kursiga tirsigiisu yahay HOP#165 oo xilligaas deegaan-doorashadiisu auy ahayd magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, muddo-xileedkii kursigaas nabad ayuu ku dhammeystay.
February 2022 mar kale ayuu u tartamay HOP#165 oo markaas deegaan-doorashidiisa loo wareejiyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, 9 February 2022 ayuu ka mid noqday baarlamaanka 11-aad.
Aragtida Xildhibaan Saalim ee Mustaqbalka Siyaasadda Soomaaliya
Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow ayaa ka mid ah mudaneyaasha rug caddaaga ah ee ku jira Baarlamaanka 11-aad.
Wuxuu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya, isagoo yiri “Marka uu dal sammeynayo horumar waxaa dhinaca siyaasadda mar kasta barbar socda horumarka amniga iyo horumarka dhaqaalaha.”
Wuxuu intaa ku daray: “Marka aan eegno dalkeenna Soomaaliya ujeeddadii laga rabay siyaasadda weli lama gaarin, waxa ugu weyn ayaa ahaa markii aasaaska dowladnimada aan billaabaynay in la gaaro xasillooni dhammeystiran, doorasho qof iyo cod ah iyo Soomaaliya oo uu federaalku wada gaaro.”
“Hadda waxaa soo hagaagaya nabadgelyada. Waxaa horumar sammeynaya dhaqaalaha iyo warbarashada, waxaa dhismaya ciidamada. Rajadu ma xuma marka la eego sida ay wax ku socdaan. Inkastoo aan weli la dhisin hay’ado muhiim ah sida maxkamadda dastuurka, haddana Soomaaliya waxay heysaa waddadii horumarka,” ayuu yiri.
Xildhibaan Saalim ayaa xubin ka ah Guddiga Beeraha, Reer-miyiga, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka. Sida uu noo sheegay xilligiisa firaaqada wuxuu badi akhriyaa Quraanka, halka mararka qaarna uu warbaahinta kala socdo dhacdooyinka caalamka.