• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Beesha caalamka oo soo dhoweysay dhismaha golaha deegaanka degmada Xudur

Kalfadhi by Kalfadhi
September 14, 2022
in Baarlamaanka
Reading Time: 2 mins read
0
Beesha caalamka oo soo dhoweysay dhismaha golaha deegaanka degmada Xudur

Wafdi ka socday qaar kamid ah saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa shalay magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray arrimo kala duwan oo la xiriira siyaasadda, bini’aadantinimada iyo dadaallada horumarka maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabbilsan Soomaaliya James Swan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in beesha caalamka ay soo dhoweynayaan dhismaha golaha deegaanka degmada Xudur oo dhowaan la soo gabo-gabeeyey, iyagoona rajeeyay in ay tusaale u noqoto dadaallada kale ee golayaasha degmooyinka.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in ay soo dhoweynayaan dadaallada joogtada ah ee maamulka Koonfur Galbeed uu ku xoojinayo maamulka deegaanka. Wafdiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo in dadka la siiyo saaxad ay si xor ah ugu cabiri karaan waxay doonaan, oo ay ku jirto xorriyadda isu imaatinka, abaabulka, iyo warbaahinta, iyadoo dadka reer Koonfur Galbeed ay ka doodayaan arrimaha muhiimka ah ee ajandaha guud.

“Marka la eego xaaladda guud, xiriirka shaqo ee adag oo wax tar leh ee dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulada ka jira Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa lagama maarmaan u ah xasilloonida muddada dheer iyo baraarada mustaqbalka dhammaan dadka Soomaaliyeed”

“Arrintan awgeed, waxaan mar kale ku celinay baaqeenii ku aaddanaa xiriir wada shaqayn ee dhexmara Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, waxaana soo dhoweyneynaa ka qeybgalka Madaxweynaha ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho,”, ayuu sii raaciyay.

Isku-duwaha Arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay, Martin Griffiths, ahna guddoomiyaha IASC, ayaa horraantii bishan sheegay in labo deegaan oo ku yaalla Koonfur-Galbeed ay geli doonaan xaalad macluul ah dhammaanka sannadkan haddii xaaladda abaaraha ay sidan sii ahaato.

Malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya ayaa wajahaya dhibaatooyin iyo heerar cunto yari ah oo degdeg ah, iyadoo loo baahanyahay gargaar degdeg ah oo sare loogu qaadayo ka jawaabida xaaladaha bini’aadantinimo ee sii xumaanaya iyo baahiyaha sii kordhaya, ayuu sii raaciyay Martin.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa hoosta ka xariiqay in ay si weyn uga walaacsanyihiin xaaladda adag ee bini’aadantinimada ee saameysay dadka degan Koonfur Galbeed iyo kuwa kusoo barakacay. Beesha caalamka ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay wadaan taageerada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo wajahaya caqabaddan baaxadda leh.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Previous Post

Wasiirradda maaliyadda dowladda federalka iyo dowlad-gobolleedyada oo gaaray heshiis ku aaddan arrimaha maaliyadda

Next Post

Samira Gaid “Madaxda waa in ay kala saaraan amniga iyo siyaasadda”

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
Baarlamaanka

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Maxamed Cabdalla Xuseen (Shariif)

June 15, 2023
Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Baarlamaanka

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

June 3, 2023
Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA: Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

May 30, 2023
Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe
Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA – Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

May 10, 2023
Next Post
Samira Gaid “Madaxda waa in ay kala saaraan amniga iyo siyaasadda”

Samira Gaid “Madaxda waa in ay kala saaraan amniga iyo siyaasadda”

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Latest
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo

Links

  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com