Aragti 

Akhriso: Maalinta xoriyadda Gobolada Woqooyi ee 26-ka Juun

26-ka Juun waa maalin taariikh wayn ku leh Ummada Soomaaliyeed, islamarkaana ku daabacan qalbiga shacabka, kuna abuurtay dareen hiloow farxadeed leh,  waxayna qiimahaasi ku mutaysatay in ay tahay markii ugu horeysay ee laga dul qotomiyo ciid Soomaaliyeed calan xor ah. Halgamayal badan ayaa u soo kifaaxay hanashada xoriyadda, gaar ahaan gobalada waqooyi,kuwaas oo isugu jiray qaar  halgan muddo badan socday oo qaraar la galay Saancadaalihii gumaysiga,waxaanna ka xusi karnaa oo ka mid ahaa Sayid Max’ed Cabdulle xasan, Shiikh Bashiir, Xaaji Faarax oomaar iyo  Xisbiyadii S.N.L IYO USP. Dhanka kale waxaa…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Wasiir Dubbe oo qormo kusoo kooban wixii uu kusoo arkay magaalada Jowhar

Khamisitii la’ soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda. Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah. Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada: Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

30 Sanno iyo Soomaaliland W/Q Barkhad Jaamac Batuun

Qoyskaygu waxa uu ka mid ahaa qoysas guryaha ay galaan ahaayeen Xafiiska Hay’adda shaqaalaha. Waqtigaas Abdullahi Dirawal ayaa gaadhi nagaga soo qaaday Magaaladda Dila oo aan u qaxnay! Waxa aan ka mid ah dhallinyaraddi bannaanbaxa ku gashay xerada Milatariga  Birjeex, oo ku dhawaaqayey: ” Wuu dhacay Siyaad, Siilaanyo dhalay sida dhibicda roob!” Sidoo kale, waxaa aan ka mid ahaa dhallinyaradii lagu bilaabay Waxbarashada dalka sannadkiii 1993kii dugsiga Axmed Guray ee magaaladda hargeysaa. Waxaa aan arki jiray iyada oo hadhka cad badhtanka Hargeysa la isku baadhanayo oo aan dawladnimadu cago’adag ku…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

5- Qodob oo soo dedejisay guuldarada madaxweyne farmaajo:

1- In uu ku dhiiraday muddo kororsi 2sano ah oo ay sii shaaciyeen mucaaradka ka hor intuusan la hor tegin baarlamaanka, aadna looga  sii digay. 2- Doodda gobolka Gedo gaar ahaan kuraasta loo qoondeey Garbahaarey oo uu ku wayay labo maamul oo muhiim u ahaa. 3- Ku soo dhoweynta Cabdirashiid Jannan Muqdisho oo mucaaradka ku sugan Muqdisho siisay fariin kale oo khalifsan.  5- Shirkii afisiyooni oo uusan si niyad ah u wajhin ayada oo ay dunida dhowreyso natiijada. 6- Beesha caalamka oo uu dafiray doorkeeda dhismaha dowladnino ee Soomaaliya. Farmaajo…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Warqad furan oo ku socoto Raysulwasaare Rooble

Mudane Raysulwasaare, ardayda Soomaaliyeed ee ka baxda jaamacadaha dalka waxay waxbarasho Master iyo PhD u aadi kareen dalka Turkiya. Shardiga kaliya ee ardayga looga baahnaana wuxuu ahaa in ay shahaadadiisu leedahay tasdiiqa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Markii uu July 15, 2016 dalka Turkiya ka dhacay inqilaabkii dhicisoobay ayay dowladda Turkigu xirtay iskuullo, jaamacadado, isbitaallo iyo warhaabinno ay laheyd kooxdii Fatxullaahi Gulen ee inqilaabka isku dayday. July 25, 2016 dowladda Turkiya waxay la wareegtay saddex iskuul iyo Isbitaalkii Deva oo ay maamuli jirtay Hay’adda Nile…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Maalinta dib-u-soo nooleynta dimoqraadiyadda Soomaaliya

Ka sokow iney tahay Maalinta Shaqaalaha Adduunka, 1-da May waxay maanta kaddib ku summadeysnaan doontaa Maalinta Dibu Soo Nooleynta Dimoqraadiyadda Soomaaliya. Kaddib muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee 12 April, shacabka Soomaaliyeed waxay si aan kala har laheyn uga dhiidhiyeen boobka xukunka iyo soo laba kacleynta kalitalisnimada.  Isa soo dhiibidda madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo waxay ka dhigan tahay: 1. Inuu guuleystay halgankii adkaa ee Madasha Badbaado Qaran iyo shacabka xaq u dirirka ah ee Muqdisho  2. Inuusan qof dambe kusoo saqajaami doonin boobka xukunka iyo nidaamka…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Madaxweyne Farmaajo: Saaxiibkeyow mar i maqal ka hor inta aadan hor-tegin Baarlamaanka

Saaxiibow taariikhdu waa isa soo celcelisaa ee aan ku xusuusiyo dhacdo aan xusuusteyda ka go’in. Alle ha u naxariistee Ganacsade Cumar Ganey oo ay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee saaxiibbo ahaayeen mudo 50 sano ah ayaa Madaxtooyada ugu tegay Maxamed Siyaad markii ay Muqdisho xabaddu ka billaabatay Dec 1990. Wuxuu ku yiri “Maxamed Siyaadow waxaan saaxiibbo nahay 50 sano, intii aad Madaxweynaha aheydna waligey xil, hanti iyo dan ii gaar ah kuuguma i maan. Maanta waxaa gurigayga iga keenay lexajeclada adiga iyo dalkaba iga kiin heysa, ee…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Senator Ayuub Ismaaciil “Waxaan canbaaraynayaa tacaddiga loo geysanayo Safiya Tusmo”

Waxaa isoo gaartay muuqaal la soo geliyey baraha bulshada oo muujinaya tacaddi loo geysanayo Safiya Tusmo. Runtii waa wax aad looga xumaado, waana ayaan-darro in ficilada noocaasi ah ay ka dhacaan gudaha maamul ku doodaya inuu yahay mid dimuquraaddi ah oo ilaalinaya xuquuqda aadanaha ee muwaadiniinta oo dhan, oo aan u kala soocayn muwaadiniinta derejada kowaad; oo ah cidda denbi kasta oo ay geysato aan loo qabsanayn, iyo cidda denbi walba lagu samayn karo. Anigoo ku hadlaya sifadayda ah Senator ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda oo metela…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Waa ayaandarro inaan garan weyno cidda isku kaaya direysa oo dabka shideysa!

Waa ayaandarro in la isku dirayo Hawiye iyo Farmaajo. Waa ayaandarro in la rabo inuu Muqdisho ka billowdo dagaal uu dhiig ku daato. Waa ayaandarro inaan intaa garan weyno. Waa ayaandarro inaan garan weyno cidda isku kaaya direysa oo dabka shideysa. Waxaa kaloo ayaan darro ah in la dhibsado runta ayadoo lagu jiro bil Ramadan xaaladda dalkana ay mareyso meel aad u khatar badan. Soomaalida wexey tiraahdaa baroortu orgiga ka weyn. Waxa buuqa iyo qaska faraha badan loo sameynayo ma aha inuu Mad Farmaajo diidan yahay doorasho ee waa in…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti 

Maafiyada qabiilka “The clan mafia”

Erey bixintaani waxay ku qorontaa kooxo daneysteyaal ah oo xil ku raadsada in ay metelaan qabaa’ilka iyo deegaanka ay ka soo jeedaan balse ku daneysta sheegashadaas beenta ah. Sinnaba ugama shaqeeyaan danta dadka ay sheeganayaan in ay metelaan balse waxay la shaqeystaan Kooxo kale oo qabaa’il kala duwan ka soo jeeda oo ku daneysiga siyaasadda ku bahoobeen sidaas ayaana ugu bixiyey ‘clan mafia’ si aan u fahamsiiyo aqristaha dhaqanka siyaasiga xukunka ku fadhiya 4.5ka. Maafiyadu waa kala awood badan yihiin sidaas ayeyna markasta ay u yihiin loo shaqeeye iyo u…

Akhriso Faahfaahinta