Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntand oo galay fasax ilaa bisha August

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman oo uu wehliyo  Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 48-aad. Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa cod aqlabiyad leh ku oggolaaday illaa 3-da bisha August, 2021 in fasax kooban goluhu uu galo, waxaana  fadhiga maanta soo xaadiray 41 Xildhibaan. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Guddiga doorashooyinka heer faderaal oo kormeeray hoolka doorashada Aqalka Sare ee Kismaayo

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer faderaal Maxamed Xasan Ciro iyo xubnaha guddiga, ayaa shalay kormeeray hoolka loo asteeyey in ay ka dhacdo codeeynta doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee magaalada Kismaayo. Wafdiga guddoomiyaha ayaa dhinaca kale warbixin ka dhegeystay guddiga doorashadda ee Jubbland, kaddib iyaga oo wada-jira ayey warbixin guud siiyeen madaxweyne Axmed Madoobe. Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer faderaal Maxamed Xasan Ciro ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen, isagoona adkeeyay in loo diyaar-garoobo qabashada doorashadda Aqalka Sare oo dib-u-dhac uu ku yimid. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Dib-u-dhac ayaa ku yimid doorashadda xildhibaannada Aqalka Sare

Doorashadii xildhibaannada Aqalka Sare oo la filayay in ay shalay ka bilaabato xarumaha maamul-gobolleedyada, ayaa waxaa ku yimid dib-u-dhac, iyadoona ilaa iyo hadda aan la oggeyn wakhtiga ay bilaaban doonto. Xubin ka tirsan guddiga doorashadda ayaa sheegay in doorashada aysan wakhtigeeda ku dhici karin. Dooda ah in doorashada aysan ku dhici karin wakhtigeeda, waxaa xoojinaya in maamulada qaar ilaa aysan soo magacaabin guddiyada maxaliga ah ee doorashadda, halkan dhinaca kale dhammaan maamullada aysan soo gudbin liiska musharraxiinta xildhibaannada Aqalka Sare. Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in doorashooyinka ay…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Waxaa la magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan xaqiijinta qoondada haweenka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood oo qaabilsan u ololeynta iyo xaqiijinta qoondada haweenka, ugu yaraan 30% ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya BFS. Xaqiijinta qoondada haweenka, ayaa kamid ahaa ajandayaasha ugu badan ee looga hadlo kulamadda doorashadda ee ka dhacay dalka, iyadoona beesha caalamka ay aad ugu boorisay hoggaamiyeyaasha siyaasadda xushmeynta qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba. Caasho Geesdiir, oo kamid ah musharraxiinta haweenka ee sannadkan u tartamaya kuraasta baarlamaanka ayaa sheegtay in qoondada dumarka lagu xaqiijin karo, haddii…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la yeeshay madaxda maamul-gobolleedyada

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa ka wadda-hadlay dar-dargelinta doorashadda aqalka sare kaddib kulan ay shalay ku yesheen aalada ZOOM-ka. 25-ka bishan oo shalay ku beegneyd ayaa la filayay in maamuladda ay bilaabaan doorashadda xildhibaannada aqalka sare balse ilaa iyo hadda dhaqaaq doorasho kama jiro xarumaha maamuladda. Dhammaan hoggaamiyeyaasha ayaa isku raacay in si dhaqsa ah loo bilaabo doorashadda. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Akhriso: Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo magacowday guddiga doorashadda Aqalka Sare

Guddoomiyaha baarlamanka dowlad-gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi, ayaa maanta magacaabay 11 xildhibaan oo noqonaya guddiga qaabilsan qabashada doorashadda xildhiibaannada aqalka sare ee Soomaaliya. Doorashada xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay maanta ka bilaabato deegaannada maamuladda. Halkan ka aqriso qoraalka magacaabista.

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Habraaca xallinta khilaafaadka doorashada Aqalka Sare oo la shaaciyay

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, ayaa soo saaray habraaca xallinta khilaafaadka doorashadda aqalka sare ee Soomaaliya. Halkan ka akhriso habraaca la soo saaray. Shuruudaha Cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya: Waxaa cabasho u soo gudbinsan kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban; 1- Murashax soo buuxiyay Shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021 loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka heer federal oo maanta ku wajahan magaalada Kismaayo

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT Soomaaliya, ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee caasimadda ku-meel gaarka Jubbaland. Guddoomiyaha guddiga Maxamed Xasan Cirro iyo saddex xubnood oo ka tirsan guddiga oo la filayo in ay maanta gaaraan magaalada ayaa kulamo lagu dar-dargelinayo doorashooyinka la yeelan doona madaxda maamulka iyo guddiyada doorashadda. Doorashada xildhibaannada aqalka sare ayaa la filayaa in ay berri ka bilaabato caasimaddaha maamul-gobolleedyada. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo guddi u magacaabay soo uruurinta tala-bixinnnada guddiyada ee kalfadhiga  48-aad

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdiirashid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka  1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa shalay shir Guddoomiyey fadhiga 16-aad  ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiillada DPL. Guddoomiyaha ayaa guddi  u magacaaabay soo uruurinta tala-bixinnnada guddiyada ee ku saabsan warbixinadii kalfadhiga  48-aad, golahana ugu soo gudbiyaan warbixintooda.

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka 

Baarlamaanka Puntland oo magacaabaya guddiga doorashada xubnaha Aqalka Sare

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo maanta ka soo laabanaya fasaxa Ciida, ayaa lagu wadaa in inuu magacaabo guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya fadhiga 16aad ee kalfadhiga 48aad, kaas oo ajandihiisa uu yahay magacaabida guddi ka kooban 9 xildhibaan oo qaabilsan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare. Dhinaca kale madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa maanta la filayaa inuu dib ugu laabto Garowe, kaddib safaro uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Kenya. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta