Dowladda Hoose Warar 

Warbixin – Golaha deegaanka cusub ee Badhan oo gabadh u doortay Gudoomiye ku xigeenka degmada

Guddi ay xukuumaddu u saartay dhismaha golaha deegaanka degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa galabta shaaciyay liiska xubnaha golahaas oo ka kooban 28 xubnood oo ay saggaal ka mid ah gabdho noqdeen. Hannaanka doorashada oo ay hoggaaminaysay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa xubnaha cusub ee goluhu gudoomiye ugu doorteen Axmed Maxamed Timir. Guddiga Arrimaha gudaha ee golaha wakiillada Puntland ayaa qayb ka ah maamulka iyo kor-joogtaynta doorashada. Xeerka dowladaha hoose ee Puntland (Xeer L.7) ayaa golayaasha deegaanka siinaya wakhti shaqo oo ah shan sano, hadii aan awood madaxweyne lagu kala…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose Warar 

Puntland oo qorshaysay in muddo laba bilood ka yar ay ku dhisto golayaasha toddobo degmo

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa khamiistii baahisay warqad ay ku shaacisay jadwalka dhismaha golayaasha deegaanka ee toddobo degmo oo ka mid ah gobolada Mudug, Nugaal, Bari iyo Guaradu ee Puntland. Degmooyinka ayaa kala ah Xarfo, Galdogob, Ufayn, Baargaal, Gumbax, Isku-shuban iyo Burtinle. Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay muddo laba bilood gudahood ah ku dhamaystiri doonto dhismaha dowladaha hoose ee degmooyinkaas. Sida caadada ka ah Puntland, odoyaasha dhaqanka ee degmooyinka ayaa hannaan saami-qaybsi qabiil ku dhisan oo hore u jiray waxay ku soo xulaan xubnaha golayaasha deegaanka ee degmo walba…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Dowladda Hoose Falanqeyn Warar 

KALFADHI OO SHAQAALEYSIINAYA WERIYEYAAL CUSUB

KALFADHI FAAHFAAHINTA SHAQADA Shaqada: Weriyeyaal kasoo warrama arrimaha baarlamaanka Goobta: Muqdisho, Soomaaliya KALFADHI waa madal warbaahin oo madaxbannaan oo dadwaynaha Soomaaliyeed u soo bandhigta xogta iyo howlaha baarlamaanka, sida jadwalka kalfadhiyada, doodaha iyo kulamada joogtada ah ee guud iyo kuwo guddiyada, hindiso-sharciyeedyada laga doodayo, kuwa la ansixiyay, iyo ajendeyaasha kale ee guud. Waxaan sidoo kale tebinnaa howlaha iyo adeegyada hay’adaha kale ee dowladda iyo dadwaynaha ee ka shaqeeya dowlad-wanaagga sida garsoorka, doorashooyinka, iyo daahfurnaanta hannaanka maamulka ee dhaqaalaha qaran. KALFADHI wuxuu wararka ku baahiyaa warbaahinta casriga ah sida Kalfadhi.com, YouTube,…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose 

Garowe oo weli wajahaysa caqabado kaga yimaadda isqaqabsiga dhulka. – Warbixinta Kalfadhiga 26aad

Golaha deegaanka degmada Garowe ayuu maanta u furmay kalfadhigoodii 26naad, kaas oo ay kaga tashantaan hawlaha shaqo ee dowladda hoose, isla markaasna ay ku dejiyaan go’aannada masiiriga ah ee degmadda. Waa kulan sannadkiiba laba jeer dhaca. Duqa degmada Garowe Axmed Siciid Muuse ayaa maanta golaha u sheegay horumaro ay ku talaabsadeen muddadii lixda bilood ahayd ee golahani jiray iyo in ay sameeyeen xiriiro dibedda ah oo waxtar u ah caasimadda. Waxaase jirta in boobka iyo khilaafaadka dhulka oo mudo dheer ka soo taagnaa Garowe ayaa weli caqabad weyn ku yihiin…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose Warar 

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo sheegtay in aysan fududaan doonin in la kala diro gole deegaan

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in ay wax ka bedeli doonaan siyaasaddii ku dhisnayd kala diridda golayaasha deegaanka, marka uu khilaafaad ka dhex dhasho. Sanadkii hore golayaasha deegaanka Boosaso, Galkacyo iyo Garowe ayaa lagu kala diray wareegto madaxweyne iyadoo loo cuskaday xeerka dowladaha hoose ee Puntland (Xeer L7). Waxaana meelaha qaar jiray khilaafaad iyo is qabqabsi golaha dhexdiisa ah. Mudane Dhabacad wuxuu sheegay in ay xoogga saari doonaan in fursad wanaagsan la siiyo shaqada golayaasha deegaanka ee cusub, iyadoo marka…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose 

Golaha deegaanka Gaalkacyo oo doortay duqa maagalada ahna gudoomiyaha golaha

Mudane Saahid Maxamuud Cali oo ka mid ah golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee xalay la dhaariyay  ayaa goor dhowayd loo doortay duqa magaalada ahna gudoomiyaha golaha deegaanka. doorasho ay codayntu qarsoodi ahayd oo galabta ka dhacday Gaalkacyo. Gudoomiye Saahid wuxuu helay 23 cod oo ka mid ah codadka 31da mudane ee golaha deegaanka. Wuxuu ka guulaystay mudane Cabdiqani Diiriye Dhegaweyne. Gudoomiyaha la doortay oo ah dhalinyaro ayaa haysta shahaadada labbaad ee jaamacadda oo uu ku diiriyay maamulka guud, wuxuuna teer iyo 2009 oo ah markii uu waxbarashada ka soo noqday…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose Warar 

Xubnaha golaha deegaanka degmada Gaalkacyo oo la shaaciyay iyo haweenka oo door ka helay

Guddiga xullida golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa galabta shaaciyay 31 xubnood oo ah golaha cusub ee deegaanka. Xubnahan ayaa buuxiyay shuruudaha habraacii guddiga soo xulidda. Golahan oo ka yimi qaybaha bulshada ayaa muda xileedkoodu noqonayaa shan sano, sida uu dhigayo xeerka dowladaha hoose ee Puntland (Xeer Lr.7), waxayna dhowaan dooran doonaan gudoomiyaha iyo ku xigeenka cusub ee magaaladda. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in guddigu qabteen ilaa 90 arji oo lagu codsaday ka mid noqoshada xubnaha golaha deegaanka. Haweenka ayaa saami wanaagsan ka…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose Warar 

Doorashada golaha deegaanka Gaalkacyo oo loo badinayo in ay dib uga dhacayso wakhtigii hore ee loo qorsheeyay

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyadda Puntland ayaa bishii hore go’aamisay xilliga ay dhacayso doorashada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, taas oo ay go’aamiyeen in ay qabsoonto 25ka Maarso, 2019 oo beri ku beegan. Wararka aan ka helayno hawlaha doorashadaas ayaa muujinaya in ay xiligeedii dib uga dhacayso, welina lama dhamaystirin xullidda iyo shaacinta liiska golaha deegaanka cusub. Soox xulidda xubnaha golaha oo ay iska soo doortaan bulshada magaalada Gaalkacyo ayaa wakhtigii la filayay in ka badan qaadatay, sidoo kalena, waxaa maalin ka hor madaxweynuhu magcaabay guddi isugu jira wasiiro iyo…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose 

Midowga dowladaha hoose ee Puntland oo dhamaystiraya xeerka ururka Al-GAPL

Ururka ay ku midaysan yihiin dowlaha hoose ee Puntland ee la yiraahdo AlGAPL ayaa shaaciyay in ay bilaabeen dib u eegis lagu dhamaystirayo xeer hoosaadka ururkaas oo mudo laga shaqaynayay. Dhawrkii cisho ee u dambeeyay waxaa Garowe ka socday kulan ay lahaayeen madaxda dowladaha hoose ee ilaa 10 degmo oo ka mid ah Puntland, si ay gacan uga geystaan dib habaynta xeerka oo la dhamaystirayo. Duqa degmada Garowe oo ah gudoomiyaha xilligan ee ururka dowladaha hoose ayaa sheegay in xeerkaas uu muhiimad u leeyahay ururka ALGAPL. Ururka dowladaha hoose ee…

Akhriso Faahfaahinta
Dowladda Hoose Warar 

Xildhibaan hore Surcad “Gole-yaasha deegaanka waa muhiim inay hogaamiyaan dadka bulshada qiimaha weyn ugu fadhiya”

Magaalada Gaalkacyo ee xaruunta gobolka Mudug waxa ka socda dadaalo lagu doonayo in 25ka bishan lagu soo dhiso golaha deegaanka degmada, kadib markii bishii nofembar la kala diray golihii deegaanka degmadaas. Masuuliyiin isugu jira Baarlamanka oo fasax ku jira iyo xukuumadda ayaa toddobaadkan hawshaas u tegay magaalada, waxaase soo baxaya talooyin bulsho oo ku aadan xulidda xubnaha golaha deegaanka iyo in aad looga fiirsado si loo helo gole xasiloon oo baahiyaha magaalada wax ka qaban kara. Mudane Siciid Surcad oo ku jiray golihii hore ee wakiillada Puntland ayaa ka mid…

Akhriso Faahfaahinta