Falanqeyn 

Galmudug sii Xasilayso: Miisaaniyadda ayaa korortay ku dhowaad 60% sanadkan 2021

Dabayaaqadii bishii Juun, dowladda Galmudug waxay soo bandhigtay miisaaniyadda sanadka 2021 oo gaareysa US$ 27 milyan oo doollar. Miisaaniyaddani oo ahayd tii ugu badanayd abid, ayaa u dhigantaa koror 58% marki loo eego tii sanadki 2020. Ka dib dhowr sano oo koror yar oo joogto ahi, marka laga reebo hoos u dhaca sanadki 2019, Galmudug ayaa labadii sano ee la soo dhaafay diiwaan gelisay koror miisaaniyadeed oo aad u ballaaran. Waa Maxay Miisaaniyadda? Sanad kasta dowladaha maamul goboleedyada iyo tan federaalka waxay soo saaraan qorsheyaal lagu qoondeeyo maalgelinta adeegyada iyo…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Falanqeyn 

Maxaad dooneysaa in aad ka oggaato “Midowga Musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed?

Haween musharraxiin ah oo dhammaantood ku cusub saaxada siyaasadda, ayaa shalay magaalada Muqdishu ku daah-furay midowga musharraxiinta cusub ee haweenka Soomaaliyeed. Midowga aragti siyaasadeedka cusub oo ay ku mideysanyihiin ilaa 50 musharraxiin haween ah, ayaa qeyb ka ah xaqiijinta koontada dumarka ee ah 30 boqolkiiba. Dumarkan oo dhammaantood doonaya in ay u tartamaan kuraasta baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa ujeedkoodu yahay muujinta midnimo siyaasadeed, is-guubaabin, abuuridda madal hoggaamisa siyaasiyiinta cusub ee dumarka iyo sameynta xarun kulmisa haweenka kamid noqda baarlamaanka iyo kuwa banaanka jooga ee doonaya kamid noqoshada baarlamaanka. Caasho Cumar…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

1-da Luulyo maalinta xoriyadda iyo israaca 2-da gobol (Warbixin)

Dadka Soomaaliyeed ,waxa ay ka mid yihiin umadaha caalamka ee halganka dheer u galay raadinta sidii looga hoos bixi lahaa gumeysiga shisheeye,isla markaana  loo gaari lahaa xoriyad, midnimo iyo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo wax la qeybsada dunida. Haddaba,1-da Luullyo waa maalin qaran oo loo dabbaaldego xoriyadda gobolada koonfureed iyo israaca labada gobol ee woqooyi iyo koonfur,waana calaamad ama astaan muujineysa in dib loo soo ceshaday madaxbannaanida dhaqdhaqaaqyadii nololeed iyo horumaradii kale ee ay hakiyeen qeybihii gumeysiga ee qabsaday dalka. Taariikhda halgankii Soomaaliya 1-Wajigii koowaad Sanadkii 1507-1543-dii waa markii ugu horeysay…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Muxuu yahay walaaca ay mucaaradku ka muujiyeen Ra’iisal Wasaare Rooble?

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah ee Somaaliya ayaa walaac ka muujinaya hannaanka ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu wado howlaha doorashada iyo shirka loo balansanyahay ee looga hadlayo arrimaha dooorashooyinka. Waxyaabaha ay walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya ay diiday ergaygii Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya madama markii hore dowladdu dalbatay sida ay mucaaradku ku doodayaan iyo in diyaar garowga shirka loo balansanyahay 20- ka bishaan May ay habacsanaan ka muuqato in kasta uu r’iisal wasaare Rooble ku celiyay inuu shirku wakhtigiisa ku dhacayo. Ridwaan…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (warbixin)

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa  waa  dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Dowladda Soomaaliya: Albaabka wadahadalka waa furanyahay balse go’aankii baarlamaanka waa sidiisii

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay. Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa madaxweyne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika. Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli ku dheggan…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dhamaystirka Doorashooyinka Dalka

Maanta oo sabti ah (3-April-2021) ayaa lagu ballansan yahay in uu Muqdisho ka furmo kullan uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaa oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka, Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirkan ayaa daba socda kulamo dhowr ahaa oo maalmo ka hor ka qabsoomay Afisiyooni kaas oo looga arinsanayay qabsoomidda doorasho la isla ogol yahay, oo ay ku wada qanacsan yihiin dhamaan Umadda Soomaaliyeed. Sidee ayuu u qabsoomay kullankii uu Madaxweynaha dalka isugu yeeray madaxda MG iyo Gobolka Banaadir…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Maxaa dhaliyey khilaafkii baarlamaanka ee shalay?

Waxaa guuldarro ku dhamaaday kulan ay shalay qaban lahaayeen golaha shacabka ee barlamaanka federaalka kadib markii xildhibaano ka tirsan golaha ay ku eedeeyeen guddoonka inuu qarinayo ajande aan ahayn kan la iclaamiyay ee ahaa in laga hadlo cudurka Covid-19. Xildhibaannadaas ayaa sheegay in golaha dibaddiisa la keenay ciidamo dhar cad ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka balse xildhibaanno kale ayaa rumeysan in kulanku ahaa mid caadiya oo la mid ah kulamadii hore lagana doodi lahaa ajandaha qoran ee Covid-19. Guddoonka baarlamanka ayaa markii dambe golaha isaga tagay sidaas ayuuna ku…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Dhegeysiga dacwadda badda ayaa maanta ka billowday Maxkamadda ICJ

Soomaaliya waxaa u hadlay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka oo si qurxoon u jeediyay hadal isugu jira gogoldhig iyo tilmaan uu ka bixiyay qareennada iyo khubarada kale ee Soomaaliya u hadlaya iyo mid kastaa dhinaca uu culeyska saari doono. Intaa ka dib waxaa doodda sharciga ah ee Soomaaliya soo bandhigay saddex qareen oo ajnebi ah oo si qoto dheer u guda galay kiiska. Waxay soo bandhigeen hadallo, dokumenti iyo khariiddad ay qaarkood Kenya leedahay kuwaas oo qareennadu ay u cuskadeen in ay markhaati ka yihiin in ay Soomaaliya leedahay badda ay…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn 

Macluumaad: Dhageysiga dacwadda muranka badda ee maanta Hague ka bilaabnaya

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Hague ee dalka Holand uu ka bilaabmo dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Qareenada matalaya Soomaaliya ayaa maanta gudbin doono doodahooda ku aadan muranka badda. Dowladda Kenya ayaa shalay iyadu shaacisay in aysan ka qeyb gali doonin dhageysiga dacwada ee maanta ka bilaabanaysa maxkamada ICJ. Sida ay warbaahinta Kenya ku warantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya…

Akhriso Faahfaahinta