Warar Warbaahinta & Dowladda 

Wasiir Bayle: Ma Jirto Lacag Si Sharci Darro Ah Lagu Siiyay Xildhibaannada

Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle sheegay in wasaaraddiisa aysan soo marin isla markaana aysan marnaba dhici karin in si sharci darro ah lacag loo baxasho; isla markaana uu qaato qof aan xaq u laheyn. Hadalka wasiir Bayle ayaa ka dhashay su’aal uu waydiyay mid ka mid ah kasoo qabygalayaashii barnaamij uu qabtay muuqaal baahiyaha qaranka, lana xariirtay lacag loo qaybiyay xildhibaannada intii lagu guda jiray bishii Soon ee ina dhaaftay. Wasiir Bayle ayaa ku adkeystay in aysan jirin wax lacag ah oo soo maray wasaaraddiisa…

Akhriso Faahfaahinta
Warar Warbaahinta & Dowladda 

Soomaaliya oo la soo wareegtay maamulka hawadeeda 27 sanno kadib

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa shalay warbaahinta u sheegay in si rasmi ah loo xiray xafiiskii hey’adda caalamiga ee maamulka hawada (ICAO) ee Nairobi. Hey’adda ICAO ayaa maamuleysay hawada Soomaaliya 27 -kii sanno ee la soo dhaafay kadib markii ay burburtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre. ‘’ Maanta xafiiska Maamulkii hawada Soomaaliya ee magaalada Nairobi  oo shaqeynayay 25 sanno ka badan ayaa la xiray kadib heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo ICAO. ‘’ Dhammaan shaqooyinka maamulka hawada Soomaaliya waxaa laga wadi doonaa Muqdisho,’’  ayuu yiri…

Akhriso Faahfaahinta
Falanqeyn Warbaahinta & Dowladda 

Aan beddelno dhaqanka ah hala dhinto, oo ha laga socdo!

Dad ku dhow shan boqol oo qof oo Soomaali ah oo isugu jira rag iyo dumar, wiil iyo waayeel, iyo carruur iyo cirroole ayaa hal maalin lagu xasuuqay aagga Soobbe. Shan maalin kaddib dhulkii oo dhan waa la nadiifiyay, oo xitaa dhibic dhiig ah in aan lagu arkin baa suurtogal ah. Dhallinyarrada mutadawiciinta ah ee howshaas qabtay waxa ay bulshada Soomaaliyeed ku leeyihiin abaal mug weyn. Laakiin haddii uu jiro qorshe ah in baaritaan lagu sameeyo qaraxaas, howshaas quruxda badan ee aan wanaagga kala jeednay waxa ay tirtirtay raad walba…

Akhriso Faahfaahinta