Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Guddoonka labada Aqalka ee Baarlamaanka oo saxiixay Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa maanta saxiixay Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Siyaasiyiinta Dowladda.   Hindise-Sharciyeedka ayaa kasoo gudbay Golaha Shacabka 5-tii bisha 12-aad ee sannadkii 2018-kii, waxaana uu soo gaaray Aqalka Sare 29-kii bishii 12-aad ee sannadkii 2019, sida waafaqsan qodobka 44-aad (1) ee xeerka Hoosaadka Aqalka Sare.   Sharcigan waxaa uu ka hadlayaa xuquuda siyaasiyiinta dowladda, sida Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, ku-xigeenka, Guddoonka Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadooda, xildhibaannada, wasiiradda iyo siyaasiyiinta kale ee dowladda.   Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo 

Aqalka Sare oo akhrinta 1-aad marsiiyay hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Sabtidii shalay yeeshay kulakii 32-aad ee Kalfadhiga 6-aad, ayaa akhrinta 1-aad marsiiyay hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi, iyadoona uu wehlinayay Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Seentar Abshir Maxamed Axmed . Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin la socday ayaa hor yimid Golaha Aqalka Sare ee BFS si ay wasaaradda uga hor akhriso warbixinta akhrinta 1aad hindise -sharciyeedka Duulista Rayidka. Intaasi kaddib, Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Golaha Aqalka Sare oo ka dooday Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka

Kalfadhiga 6-aad kulankiisa 30-aad ee ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa akhrinta 2-aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka ayaa waxaa shir guddominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka sidoo kale waxaa goob-joog ka ahaa Guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad. Kulanka Golaha Aqalka Sare waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda Qorsheynta. Ku-simaha Guddoomiyaha guddiga Arrimaha…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Warbixin: Faa’iidooyinka Nidaamka Aqlabiyada ee Doorashada 2020/2021?

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa shir-guddoomiyay shalay kulankii 26-aad ee Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Aqalka Sare- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo anjidihiisu ahaa akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka ee heer federaal. Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka, ayaa Golaha Aqalka Sare ka hor-jeediyay, Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka Heer Federaal. Faa’iidooyinka Nidaamka Aqlabiyada? Habkan waxaa uu si xoogle u abuurayaa metelaada degaan ee ka dhaxeysa xildhibaanka iyo bulshada deegaanka. Waa nidaam muujinaya halaanshaha kursiga…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

“Odoroska miisaaniyad Qaranka ee 2020, waa miisaaniyad sannadeedkii 4-aad ee Baarlamaankii 10-aad uu ansixiyay”

Kal-fadhiga 6-aad kulankiisa 4-aad ayay si wada jir ah shalay u yesheen xillibaanadda labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, iyada oo uu ajandaha kulanka ahaa Akhrinta 2-aad ee warbixinta hindise-sharciyeedka miisaaniyadda Qaranka 2020-ka. Gudoomiyayaasha labadda aqal ee Golaha shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa si wada-jir ah u shir-guddoominayay Kal-fadhiga 6-aad kulankiisa 4-aad. Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Barlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Siraaji, ayaa xillibaanada labada aqal u aqriyay warbixintaasi, waxaana intaasi ka dib bilaabatay doodaha-soo-jeedinta eek a imaaneysay xildhibaannada. kulanka waxaa si wada jir ah u shir gudoominaya gudoomiyayaasha labadda…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Golaha Shacabka oo ansixiyay sharciyadda Sharciga Maareeynta-Maaliyadda-Guud iyo Sharciga Shirkadaha

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyay Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka iyo Sharciga shirkadaha. Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan, waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka. Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Senatar Deeqa Xasan “Canshuurta furdooyinka waxaa ay noqon kartaa mid cayiman iyo mid qiimo ku saleysan”

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa manta xaruntooda magaalada Muqdisho ku ansixiyay qodobo dhowr ah oo horyiillay golahasi, Kulankaan oo ahaa kii 20-aad ee Kalfadhiga 6aad waxaa shir Guddomiyay Guddomye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed. Golaha Aqalka sare BFS  ayaa ansixiyey wax-ka bedelka sharciga Iibka iyo qandaraasyada Qaranka ka,kaas oo ay u odeeyeen ama ay ogolaadeen 30 senatar. Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Cabdi Axmed Dhuxuloow ayaa xubnaha golahaasi u so gudbiyay akhrinta 3aad Hindise-Sharciyedyadaasi. “8-ddii November guddiga isaga oo…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Shirka ka wada tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha dalka oo lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe

Magaaladda Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay shirka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha dalka, kaas oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada maamul Goboleedyada. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka maamul GoboleedyadaxXubnaha ka ah  Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka. Gaba-gabada Shirka Wada-tashiga ee…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Guddiga arrimaha Bulshada ee Aqalka sare oo wada kulamo la tashi ah oo ku saabsan hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare BFS ayaa Dowlad Goboleedyada Dalka kulan la tashi ah kala yeeshay hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka. Kulanka ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadannimada warfaafinta dhaqanka ee Golaha Aqalka sare , Sen; Axmed Macallin Cumar Nadiif. Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankan uu yahay la tashi looga hadlayo hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka. Hindise sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ayaa qodob qodob loo aqriyay, iyadoo xubnaha Dowlad Goboleedyada ay iyaguna fikirkooda ka dhiibteen. Xoghayaha  Guddiga horumarinta  adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadanimada warfaafinta dhaqanka Golaha…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Aqalka sare oo ka dooday Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 10aad ee Kalfadhiga 6aad, waxaana kulanka shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta iyo Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Waare, oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada sharciga uu u leeyahay dalka Soomaaliya, waxaana uu Senatarada uu ka codsaday in ay meelmariyaan sharciga. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan Baraha Bulshada ay…

Akhriso Faahfaahinta