Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaliyeed

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Qareennada Soomaliyeed, kaas oo Golaha uu ka doodayay muddooyinkii lasoo dhaafay.  Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa si wada jir ah u shir-guddoominayay kulanka.  Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in 139 Mudane ay oggolaatay Hindise Sharciyeedka, iyadoo ay diideen labo mudane, mana jirin mudane ka aamusay. Dhinaca kale xildhibaannada ayaa isla maanta ka dooday akhrinta 1aad ee Hindise-sharciyeedka Hay’adda Baaritaanka Iyo Sharciyadda Beeraha Soomaliyeed iyo akhrinta…

Akhriso Faahfaahinta
Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay ha-braacyada xoogga dalka, Hindise Sharciyeedka Maalgashiga iyo Siyaasadda ilaalinta Bulshada

Golaha Wasiirrada ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen Habraacyada Xoogga Dalka oo qeyb ka ah dib-u-habeynta ciidanka qaranka Soomaaliyeed. Habraacyada ciidanka xoogga ee goluhu ogolaaday ayaa kala ah Habraaca hoggaanka maamulka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka maamulka iyo Maaliyadda Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Saadka Ciidanka Xoogga, Habraaca Hoggaanka Gaadiidka Ciidanka iyo Habraaca Hoggaanka Hubka iyo Rasaasta. Shirka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sidoo kale lagu meel mariyay hindise sharciyeedka maalgashiga iyo maalgashadayaasha iyo siyaasadda ilaalinta bulshada. Hassan Istiila…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Madaxweynaha JFS oo saxiixay sharciga Duulista Rayidka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah. Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan, wuxuuna Eebe uga baryay inuu la garab galo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo meel-mariyey sharciga doorashooyinka Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee so diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018. “Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Falanqeyn Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Sharciga tirakoobka Qaranka, ma waxaa uu joojin doonaa warbixinadii xogaha ku-saleysnaa oo ay qori jireen NGO-yada dalka ka shaqeeya?

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii shalay ansixiyay, sharciga tirakoobka Qaranka, kaas oo ay u codeysay 31 Senator, halka aysan jirin Senator diiday ama ka aamusay. Guddomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mohamed Osman Farah, ayaa golaha ka hor akhriyay soo-jeedintii iyo su’aalihii mudanayaasha ay ka qabeen sharciga. Sharciga tirakoobka Qaranka, ayaa waxaa uu kamid ahaa shuruudihii lagu xiray dowladda Soomaaliya si looga cafiyo deynta lagu leeyahay dalka Soomaaliya. Sharciga waxaa uu dhigayaa in la furo…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Tirikoobka Qaranka

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida iyo Istaatistikada Qaranka. Kulankii 31aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Kulanka ayaa waxaa shir guddominayay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad. Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Maxamed Amiin Sheekh Cismaan ayaa Golaha…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga saxaafadda oo uu muran xooggan ka taagnaa

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gellinkii dambe ee shalay si rasmi ah u ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya, kaasi oo ay hor geysay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya. Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda. Guddomiyaha Guddiga Horumarinta, Adeega Bulshada, Arrimaha Aadanimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Golaha Aqalka Sare Senatar Axmad Macalin Cumar, ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Madaxweyne Saciid Deni oo sheegay in Puntland aysan qeyb-ka aheyn Sharcigii Badroolka ee Baarlamaanka Federaalka uu ansixiyay

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dahi, oo khudbad ka jeediyay munaasabad uu ugu dabaal-degayay, hal-sanno guuraddii kasoo wareegatay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa uu cadeeyay in Puntaland aysan qeyb-ka aheyn xeerka Bartroolka ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Xubnaha Aqalka sare ee ka soo jeeda Puntland ayuu sheegay in ay ka soo hor-jeesteen ansixintii Sharciga Batroolka ee uu meel-mariyay Aqalka sare, waxaana uu madaxweynahu sheegay in uu ku ammaanayo Senetaradii ka baxay kulankii lagu ansixinayay xeerka, markii la baalmaray hab-raacii xeerarka lagu ansixin jiray.…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo si-wada-jir ah u meel-mariyay miisaaniyadda 2020

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay kalfadhiga 6-aad ee kulanka wadajirka ah, fadhigaasi oo ay soo xaadireen 191-Xildhibaan. Kalfadhiga 6-aad ee maanta ayaa ajendihiisu ahaa Akhrinta 3-aad ee warbixinta guddiga ee Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka. Xoghayaha Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la Xisaabtanka Hay’adaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Hassan Jamhuuriya, ayaa Xildhibaanadda u faah faahiyay Warbixinta guddiga ee Odoroska Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2020-ka. Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa intaasi kaddib bilaabay in ay u codeyaan miisaaniyadda sanadkan…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Maxaa kala socotaa Sharciga Tirakoobka Qaranka ee uu meel-mariyay Golaha shacabka?

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa 28-kii bisha Oct meel-mariyay Sharciga Tirakoobka Qaranka, sida uu sheegay Guddoomiye Mursal. Sharcig ayaa horay waxaa loogu soo-sameeyay wax ka bedel, kaddib markii Baarlamaanka uu dib u celiyay. Waxaa shalay uu sharcigu maray akhrintii saddexaad ka hor inta aysan ansixinin xildhibaannada. Meelaha wax-kabedelka lagu sameeyay waxaa kamid ah in magaca Golaha hay’adda tirakoobka, lagu bedelay golaha maamulka iyo hay’adda tirakoobka Qaranka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Sharciga Tirakoobka Qaranka, waxaana uu sheegay…

Akhriso Faahfaahinta