War-Saxaafadeedyo 

Madaxweyne Farmaajo oo dhallinyarada ugu hambalyeeyay xuska 15-ka May oo ku beegan aas-aaska SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Halgamayaasha SYL oo bud-dhig u ah halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga. Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 78 guuradii Aas-aaska Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isaga oo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidammada Baambayda ay ku maamuusayeen Heesta…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

“Ra’iisul Wasaare Rooble doorashadooda ha u madax-banneeyo dadka kasoo jeedo Goboladda Waqooyi”

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ka codsaday in dadka kasoo jeedo Goboladda Waqooyi ee u taagan midnimadda uu u madax baneeyo doorashadooda, madaama Ra’iisul Wasaaraha lagu wareejiyay maamulka doorashooyinka. Mudane Maareeye, ayaa sidoo kale codsaday in la kala diro guddiyadii shaqaallaha iyo askarta ahaa, hadda kaddibna la iskugu yeero dadka lagana heshiiyo habraacyada iyo guddiyadda doorashada. Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ee aan taageersaneen dowladda mudane Farmaajo, ayaa dhaliilay habraacyadii loo maray dhismaha guddiyadda maamulka doorashooyinka ee Gobolada Waqooyi. Ra’iisul Wasaaraha…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

Xoogag siyaasadeed oo isugu jira xildhibaanno ayaa isbaaro u dhigtay in Farmaajo uu dalka ka qabto doorasho Qof iyo Cod ah

Anigoo ah Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Hoggaamiyaha Xisbiga Waddaniga Soomaaliyeed -XWS- (Somali Patriotic Party -SPP-, ahna Musharrax Madaxweyne doorashada 2021-2025, salaan kal iyo laab ah kaddib waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xisbiyada qaranka iyo wakiillada kutlada xildhibaannada badbaadada shacabka ee BFS ee ku kulmay HOTEL DECALE oo ku yaal garoonka dayuuradaha ee Aadan Cadde – Muqdisho 23.03.2021. Xisbiyada iyo Kutladu waxay ku midoobeen aragti siyaasadeed, amni, bulsho iyo dhaqan-dhaqaale oo waddani ah ka tarjumaysa danaha dadka iyo dalka. Xisbiyadu waxay ku dhismeen sharci uu meel…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

Guddiga hir-gelinta doorashooyinka oo soo dhoweeyay shirka loo ballansanyahay ee dhex mari doona maamul gobolleedyada iyo dowlada dhexe

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta soo dhoweeyay kulanka hoggaanka Golaha siyaasadda ay qorshaynayaan in ay deg deg u qabtaan, una xalliyaan tabashooyinka jira si dalka ay uga bilaabato doorasho loo dhan yahay oo  caddaalad u dhacda, taas oo ah himilada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. “Guddigu wuxuu ka codsanayaa hoggaamiyayaasha Golaha siyaasadda in ay ku daraan arrimaha doorashada ee go’aammada  ka gaarayaan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada haweenka ee ka mid noqoshada baarlamaanka 11aad ee 2021, qoondadaas oo ku cadayd heshiisyadii horey loo gaaray oo dhigaya…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, ayaa xalay magaalada Mogadishu kulan kula yeeshay madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe. Labada dhinac ayaa kulanka uga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo tan doorasho ee dalka iyo arrimo la xiriira dastuurka. Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa uu sidoo kale la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Mudane Guudlaawe, ayaa magaalada Mogadishu u jooga ka qeyb-galka shirka arrimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo.

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo sheegay in Doorashada Hirshabelle uu u tartami karo muwaadin kasta oo deeggaanka kasoo jeeda

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo jeeda deegaannada Hirshabelle oo maanta shir-jaariid ku qabtay magaalada Mogadishu, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi. Kulanka ayaa ku saabsanaa ka tashiga xaaladdaha deeggaanka Hirshabelle, gaar ahaan doorashooyinka.  Xildhibaannada oo war-saxaafadeed kasoo saaray shirkooda ayaa ku baaqay in doorashada Hirashabelle ay ku dhacdo wakhtigeeda. Waxaa ay garab-istaag u muujiyeen guddiga farsamada ee xuulista xildhibaannada. Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegay in muwaadin kasta oo kasoo jeeda Hirshabelle, uu u tartami karo doorashada maamulkaasi. Gobolka Hiiraan ayaa…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

Is-bar-bar dhiga lacagta diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya xildhibaannimada ee 2016/17 iyo 2020/21

Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa sannadkan la kordhiyay, marka loo eego doorashada sannadkii 2016/17. Tusaale ahaan lacagta diiwan-galinta musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, waxay noqonaysaa $20,000 (labaatan kun oo dollar) musharax kasta. Halka sannadkii hore ee 2016/17 ay aheyd $10 (Toban kun oo dollar) musharax kasta. Dhinaca kale, lacagta diiwan-galinta musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka, waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) musharax kasta. Halka sannadkii hore ee 2016/17 ay aheyd $5 kun oo dollar. Hoggaamiyaasha siyaasada dalka, ayaa isku raacay in lacagta…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka War-Saxaafadeedyo Warar 

Akhriso: War-murtiyeedka shirkii wada-tashiga doorashooyinka iyo dhammeystirka heshiisyadii Dhuusamareeb 1-3

Shir ay yeesheen Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayna ka qayb-galeen Ku-simaha Raysul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed. Shirkaas wuxuu ka dhacay magaalada Mugdisho intii u dhaxaysay 13 -17 Sebteember 2020.…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo 

“Boqolkiiba 14 oo keliya oo dhallinyaro ah ayaa ku jirta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya”

Dhallinyarada oo 75 boqolkii ka ah bulshadeenna Soomaaliya ayaa doodo xooggan wali ka qaba ka qeyb-gellin la’aanta ballaaran ee siyaasadda dalka, gaar ahaan hay’adda dowliga ah. Inkasta oo sannadkan 2020/21 la filayay in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah oo dhallinyaro badan la saadaalinayay in ay kasoo muuqan doonaan, ayaana suura-gellin, waxaana dib dalka uu ugu noqon doonaa doorasho dadban oo hoggaankeeda ay door ku yeellan doonaan odayaasha dhaqanka. Xildhibaan Hani Maxamed Aadan, oo aaminsan in dhallinyarada ay ku matasho Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Kalfadhi…

Akhriso Faahfaahinta
War-Saxaafadeedyo Warar 

Akhriso war-saxaafadeedka shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada

Madaxda dowladda Federaalka iyo hoggaamiyaasha maamul-gobolleedyada oo 19-kii ilaa 22-kii bishan, ku shirsanaa magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa soo saaray war-saxaafadeed ay ku caddeeyeen qodobada kasoo baxay shirkooda. War-saxaafadeedka oo ka kooban 8 qodob, ayaa waxaa qodobada ugu muhiimsan kamid ah, in madaxda ay isku raaceen in doorashada ay ku dhacdo xiligeeda, iyo in la sameeyo Guddi farsamo oo sii amba qaada wada-hadallada si go’aan looga gaaro nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya. Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha…

Akhriso Faahfaahinta