Falanqeyn Warar 

Akhriso: Hormarka laga sameeyay doorashadda tan iyo markii maamulkeeda lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseed Rooble, ayaa xalay soo saartay hormar ay sheegtay in laga sameeyay doorashooyinka dalka tan iyo markii uu mudane Rooble uu la wareegay maamulka doorashada. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tan iyo markii uu la wareegay howlaha maamulka doorashooyinka waxa uu qaaday tallaabooyin la xiriira sidii loo qaban lahaa doorashada. Halkan ka akhriso May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka. May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay. May 31 2021: Ra’iisul…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Axmed Madoobe oo warbixin ka dhegeystay guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federal

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay warbixinta doorashada ka dhegeystay guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed ee Jubbaland. Warbixinta la siiyay madaxweynaha ayaa ku saabsaneyd heerarka ay marayaan diyaargarowga qabasahada doorashooyinka, gaar ahaan doorashadda Aqalka Sare. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federal Maxamed Xasan Cirro ayaa booqasho ku jooga maalmihi la soo dhaafay magaalada Kismaayo.

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo ugu baaqay Soomaalidda in ay is kaalmeeyaan munaasabadda ciidda carafe awgeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo u diray Shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka ee u dabbaal-degaya farxadda Ciiddan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dadka Soomaaliyeed in ay is kaalmeeyaan, kana shaqeeyaan danta guud oo amnigu uu ugu horreeyo. “Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweyne farmaajo oo munaasabada farxadda ciidda la qaatay cubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta farxadda Ciidda Carafo la qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku dhiirri-geliyey sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalkooda iyo ilaalinta karaamada dadkooda. Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee u istaagay xoreynta dalka iyo ciribtirka arxanlaaweyaasha argagixisada ah ee Alshabaab ay taariikhdu xusi doonto, maadaama ay u soo dhabar adaygeen duruufo adag si ay u samatabixiyaan dalkooda. “Waxaad tihiin Ciidan Qaran oo u taagan difaaca dalka, dib u soo noolaynta dawladnimada iyo…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Golaha Midowga Musharaxiinta oo walaac xooggan ka muujiyay in doorashada ay ku dhacdo xilligeeda

Golaha Midowga Musharaxiinta oo xalay shir ugu soo dhammaaday magaalada Muqidishu, ayaa walaac xooggan ka muujiyay in doorasho xor iyo xalaal ah ay ku qabsoonto waqtigii loo asteeyay. Golaha oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in ay wali taaganyihiin shan caqabad oo dib-u-dhigi kara doorashadda, iyagoona ku sababeeyay walaaca ay ka qabaan doorashada arrimo ay ka mid yihiin; -kala qeybsanaanta ka jirta guddiyada gobolada Waqooyi ee labada garab ah. -Xaalada gobolka Gedo oo ay ku tilmaameen inaan weli heshiis laga gaarin. -Caqabadaha amni ee ka taagan gobolka Hiiraan. -Dhaqaalihii doorashada…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo la kulmay guddiga amniga doorashooyinka

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) Maxamed Xasan Cirro ayaa xalay kulan diiradda lagu saarayay sugidda iyo xaqiijinta amniga doorashooyinka la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka heer Qaran. Kulanka oo uu shir-guddoominayay taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan (Xijaar), ayaa muhiimadiisu ahaa sidii dalka ay uga dhici lahayd doorashooyin xor iyo xalaal ah oo nabdoon iyo sidii loogu diyaar-garoobi lahaa sugidda amniga doorashooyinka dalka. Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Guddiga xalinta khilafaadka arrimaha doorashooyinka ee gobolka Gedo oo warbixin siiyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabilay guddiga xalinta khilafaadka arrimaha doorashooyinka ee gobolka Gedo. Guddiga oo ah guddi heer-wasiirro oo ka kala socda dowladd-gobolleedyada dalka sida Puntland, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed ayaa madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Garbahaarey oo ay ku sugnaayeen afartii casho ee la soo dhaafay, halkaasi oo ay ka wadeen xal u raadinta iyo dib-u-hishiisiin laga hirgaliyey gobolka. Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka iyo guddiga xalinta khilafaadka ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan labada…

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay wakiillada Midowga Yurub iyo Norway

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa manta xafiiskiisa kulamo goonni-goonni ah kula yeeshay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen. Ra’iisul wasaaraha iyo danjireyaasha ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble. Doorashada aqalka sare oo u soo horreysa doorashooyinka dalka ayaa la filayaa in ay dhacaan 25-ka bishan.

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Shirka madasha garsooreyaasha oo maanta la filay in la soo xiro

Shirka madasha garsooreyaasha oo looga hadlay arrimaha garsoorka ayaa maanta galay maalintii u dambeysay, waxaana la filayaa in maanta la soo xiro doono. Shirka waxaa ka qeyb-galay garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinka gobalka Banaadir, maxkamadda racfaanka, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer illaaliyaha guud ee Qaranka. Shirkan oo uu daah-furay guddoomiyaha maxakamadda sare dalka Baashe Yuusuf Axmed, ayaa looga dooday islamarkaana la isku weydaarsaday warbixino iyo su’aalo la xiriira dembiyada dacwad fullinta iyo falanqeyn Guud ee Garsoorka iyo cadaalad sameynta Hassan Istiila Mogadishu, Somalia

Akhriso Faahfaahinta
Warar 

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddoomiyaha midowga musharraxiin oo ka wadda-hadlay doorashooyinka

Madaxweynaha dowladda-gobolleedka Hirshabeelle mudane Ali Gudlawe Hussein, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee dalka mudane Sharif Sheikh Ahmed. Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka federaalka oo fooda nagu soo heya. Mudane Shariif oo sidoo kale ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta oo deeggaan doorashadiisana ay tahay Hirshabelle, ayaa dadaal siyaasadeed badan ku bixinaya sidii xisbigiisa iyo mucaaradka ay u heli lahaayeen aqlabiyada xildhibaannada labada aqal ee ka imaanaya Hirshabelle.

Akhriso Faahfaahinta