Waxaa innagu badan oraahda ah ‘dhallinyaradu wey ku dulmantahay siyaasadda maadaama aan xilal badan loo dhiibin ama koonta xaddidan oo xoogan aan laga dhex siin baarlamaanka dalka’, sidoo kale waxaa aad u badan dhallinyarada ay saameynta ku yeelatay oraahdaas oo had iyo jeeer daba hingaadsha dhawaaqyadaas dulmiga loo ekeysiiyay.
Ma diidani in dhallinta ay xuquuq kaga maqan tahay golayaasha siyaasadda ayna kala siman tahay muwaadiniinta kale ee dalka, balse tan aan rabo in aan ku faaqido maqaalkeyga waxa weeye: saameynta ay ku yeelan karto dhallinyarada hal-ku-dhigyada marin-habaabinta ah ee lagu shubayo maankooda, taas oo ah in lagu dhex dulmiyay wax matalaad ahna aysan ku laheyn siyaaasadda dalka.
Qofka dhalinyarada ah mar walba wuxuu kamid yahay muwaadiniinta wadanka, tan la rabo inuu ku baraarugsanaado ayaana ah muhiimada uu ku dhex leeyahay bulshada, taas oo ka dhalaneysa aragtida ah in uu isagu yahay damaanadda berri ee sii dar-dargalin laheyd difaaca madaxbanaanida dalka.
Da’da dhallinyaro-nimada waa marxaladda qofka uu ugu xoogga badan yahay firfircoonidiisa iyo la qabsashadiisa duruufaha is-badbadalka badan oo qof ku ag dhici karta, sidaas darteed fikir dheer kama dambeeyo hadallada dulmiga dhallinyarada ee dhinaca siyaasada.
Marka koobaad – waa in oraahyadaan ay ku jiheynaayaan barbaarta dhinaca ah in wadanka qofka dhallinyarada ah u wax ugu qaban karo oo keliya siyaasad inuu faraha la galo, taasna ma ahan fikir iyo waddo saxan. Qof walbo oo muwaadin ah booskiisa isagoo jooga ayuu dalkiisa wax u qaban karaa, qasab ma ahan in qofka xukuumadda iyo hannaanka dowladnimada ku biro si uu dalkiisa wax u taro.
Macallin-nimada, waalid-nimada, xamaali-nimada, beeraley-nimadaada iyo shaqo walbo oo aad ku kaalmeyneysid naftaada iyo caruurtaada ayaad wax tari kartaa dalkaaga horumarna u horseedi kartaa, sidaas darteed fikrad toosan ma ahan in dhallinta aan u aqrinno casharada dulmiga iyo in lagu quursaday siyaasadda.
Marka labaad – barbaartu waxay kamid yihiin bulshada, guud ahaan bulshada wadankeenna dhibka heysto ayaa iyagana heysta oo shaqo la’aanta, faqrig, iyo jahligu ugu weynyihiin. Ma ahan in dulmiga dhallinyarada lagu soo koobo xubinnimada baarlamaanka ama xukuumadda, iyadoo qofku xorriyad, shaqo iyo amni uusan heysan, kuwaas oo dhammaantood kamid ah asaasiyaadka nolosha aadamaha.
Tan seddexaad oo ugu danbeysa – in da’yarta lagu dhiirrigeliyo siyaasadda, xafiisyada dowladda iyo barlamaanka aysan aheyn fikir iyo waddo is-tiraatiiji ah, awoodooda jirka iyo awoodooda firfircoonida dhinacyada kale waxey ku fiican tahay in looga faa’ideysto difaaca dalka, ka shaqeynta danta guud ee bulshada iyo ku biirista ururrada bulshada, ururrada shaqaalaha, qeybaha kala duwan ee ciidamada sida sirdoonka, dab-damiska ,milatariga, ciidanka xuduudka, kuwa cirka iyo kuwa badda iyo taraafikada – tiiyoo lagu daray kuwa ku shaqeeya qalabka danabeysan iyo qeybaha kale ee wadanka looga baahan yahay awood dhalinyaro oo xooggan.
Waddanka oo aad wax tartaa kuma xerna boosas xaddidan oo aad dowladda ka heshid ee waa inaan dhex-keennaa dalkeenna maslaxddiisa iyo jeceylkiisa howl walba oo aan qabaneyno iyo boos walba oo aan bulshada uga jirno, taasi ayaana ah waddada noo horseedeysa inaan noqonno dad waxgal ah iyo dal horumarsan.
Discussion about this post