(KALFADHI) – Warbaahinta Kalfadhi ayaa 23-kii bishan Juun, 2023 ‘Twitter Space’ ku qabatay dood furan oo diiradda lagu saaray la dagaallanka musuqmaasuqa iyo kobcinta dowlad-wanaagga. Mowduucan ayaa ahaa hadal heynta ugu badan ee bilihii ugu dambeeyay ka dhex-jirtay hay’adaha dowladda, kaddib markii tiro dhowr jeer ah madaxda qaranku fagaarayaal iyo kulamo kala duwan ka sheegeen iney la dagaallamayaan kana hortagayaan falalka la xiriira musuqa.
Ka qeyb galayaasha dooddan ayaa isugu jiray dhallinyaro iyo da’dhexaad kala joogay gudaha dalka iyo dibadda, waxayna muujinayeen xiisahooda ka hadalka mowduucaan, iyagoo si furan u qaadaa dhigay musuq-maasuq waxa uu yahay, saameynta uu ku leeyahay dowlad wanaagga iyo sida loo wajihi karo hawlgallada lagu ciribtirayo.
Samafale Maxamed Xaaji ayaa ku dooday in arrinka la dagaallanka musuq-maasuqu yahay mid la soo dhaweeyo maadaama ay horkacayaan madaxda qaranka oo ugu sarreeyo madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, balse dhinaca kale ayuu tilmaamay inay habboon tahay in la diyaariyo hannaankii loo mari lahaa si looga baaqsado qaladaad istiraatiiji ah oo dowladda ka dhaca. Maxamed ayaa intaas ku daray in ay dowladda la gudboon tahay xoojinta iyo dhisidda kalsoonida bulshada ee hay’adaha garsoorka iyo caddaaladda kahor intaan la gudagalin dagaalka ka dhanka ah musuqa. Wuxuu sheegay iney caddaalad darro muujineyso in dadka la tuhmayo aan loo simin go’aanka dowladda ee ka dhanka ah musuqa, iyadoo qaarkood loogu hayo xabsi si sharci-darro ah muddo ka badan inta sharcigu oggolyahay, halka kuwa kale oo isla kiiskaas ku eedeysanna ay bannaanka mushaaxayaan.
Dhaqane Xalane ayaa sheegay in qaddiyadda la dagaallanka musuqmaasuqa ay sumcad u soo hoyneyso dowladda federaalka iyo guud ahaan dalka, maadaama tobannaan aan boggaga hore kaga qorneyn wargeysyada caalamka innagoo kaalmaha ugu horreeya kaga jirna musuqmaasuqa. Sidoo kale Mr. Xalane ayaa ku dooday in arrintan ay keeni doonto in dalka uu yimaado maalgashi caalami ah, taas oo hordeed u noqon karta shaqa-abuurka dhallinyarada iyo koror ku yimaada dakhliga gudaha. Wuxuu xusay in haddii lagu guul darreysto la dagaallanka musuqa uu saameyn ku yeelan doono hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, taasoo sababi karta in dalka lagu aamini waayo deeqaha la siiyo iyo qaadashada deyn horleh.
Axmed iyo Ismaaciil oo kamid ah ka-qeyb-galayaasha, ayaa ku dooday in is-qaadan-waa tahay sida ay ku yimaadeen Madaxda Qaranka iyo Golaha Shacabka iyo sida ay u doonayaan iney ula dagaallamaan musuq-maasuqa. Axmed ayaa dhankiisa carrabka ku dhuftay sida ay u habboon tahay in la iftiimiyo oo la faafaahiyo eedaha la sheegayo in loo heysto mas’uuliyiinta ilaa iyo hadda loo xiray ama loo daba joogo tuhunka falal la xiriira musuq.
Abuukar Cawaale (Qaad-diid) oo aan ka aragti fogeyn Axmed iyo Ismaaciil ayaa sheegay la dagaallanka musuqa ay ku wacan tahay dowlad ku timaada rabitaanka shacabka oo ah qof iyo cod, balse hadda ay u muuqato mid qiiro-jabaan ah oo lagu degdegayo, maadaama Golayaasha dowladda qudhooda aysan ku imaan jid hufan oo ka madaxbannaan nin-tooxsi iyo musuq.
Cabdi Caddow ayaa tilmaamay in musuqu Soomaalida dhexdeeda uu ka noqday dhaqan caadiyoobay oo dhammaan shacabka looga baahan yahay inay wadajir uga soo horjeestaan, iyadoo meesha laga saarayo qof jacleysi. Cabdi ayaa sidoo kale xusay in hal kiis oo lagu daba jiro darteed intaanoo qeylo-dhaan ay billaabatay, taasoo caddeyn u ah haddii lagu baahiyo hay’adaha kale ee dowladda qolo walbaa qofkeeda iney u qayla-dhaamin doonto.
Ka qeyb gale ku soo galay magaca ‘Aar Aw Fiqi’ ayaa aragtidiisa ku cabbiray in musuq-maasuqa uu kamid yahay aafooyinka Soomaaliya ku habsaday oo caqabadda ku ah dowlad wanaagga dalka. Mo Canshuur oo isna aragtidiisa cabbiray ayaa dhankiisa xusay in hanaanka loo marayo la dagaallanka musuqa ay qudheeda tahay musuq kale maadaama uusan jirin qorshe rasmiya oo lagu maareeyo qarashaadka soo galaya qasnadda dowladda.
Dhammaan ka qeyb galayaasha doodda oo isugu jiray wiilal iyo gabdho kala jooga daafaha caalamka ayaa ka mideysnaa in lala dagaallamo musuq-maasuqa. Waxey ku kala aragti duwanaayeen habka loo marayo iyo sida mudnaanta loo siinayo kala horreynta wadiiqooyinka looga hortagayo. Qaarkood ayaa tusaale u soo qaadanayay heerka uu musuqa ka joogo dalalka ay ku nool yihiin, kuwa kale waxey ka sheekeeyeen dhacdooyin ay ku tilmaameen musuqmaasuq oo ka dhacay hay’ado ay la shaqeeyaan – gudaha iyo caalamkaba, kuwaasoo aan u soo gudbin weynay sababa la xiriira caddeyntooda oo aysan heyn warbaahinta Kalfadhi.
Discussion about this post