(KALFADHI) – Haweenka oo saldhig u ah diyaarinta iyo barbaarinta qoyska iyo dhisidda bulshooyinka ayay Qaramada Midoobay sheegtay in muddo qarniyo ah lagula dhaqmayay caddaalad-darro iyo sinnaan-la’aan xagga tacliinta ah, sababo la xiriira dumarka oo loo arkayay kuwo liita jir ahaan iyo maskax ahaan.
Daraasado dhowr ah ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay waxbarashada haweenka, kuwaas oo laga eegay dhinacyo badan oo nolosha ah sida abuuridda bulsho ixtiraam iyo awood ku dhex leh dunida, kor-u-qaadista heerka wacyiga caafimaadka iyo sare-u-qaadidda heerka dhaqaalaha iyo nolosha.
Hay’adda Waxbarashada Sayniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay (UNESCO) ayaa u aragta sinnaanta jinsiga ee waxbarashada inay tahay xuquuq aasaasi ah, shuruudna u ah fududeynta, helitaanka iyo xaqiijinta dhammaan xuquuqaha kale, taas beddelkeedana ay keenayso waayidda xuquuqaha badan.
Kor-u-qaadidda xuquuqda haweenka ee waxbarashada ayay UNESCO sheegtay inay udub-dhexaad u tahay gaaridda yoolka kama dambeysta ah ee sinnaanta jinsiga.
Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaallanka iyo ciribtirka takoorka ka dhanka ah haweenka (CEDAW) oo 29 July 2014, magaalada Geneva ee dalka Switzerland, ku qabtay dood maalin barkeed qaadatay oo diiradda lagu saarayay xuquuqda hablaha ee waxbarashada ayaa ka dhawaajiyay in guurka xilliga hore ee habluhu uu qeyb weyn ka yahay caqabadaha hoos u dhigay waxbarashada haweenka, marka la eego waddamada saxaraha ee Afrika iyo Koonfurta Aasiya.
Sidoo kale saboolnimada iyo koontaroollada dhaqaale ama bulsho ee ku saleysan jinsiga ayay khubarradu sheegeen inaan la iska indho tiri karin.
Fahamka Dhallinyarada
Dhowr dhallinyaro waxbaratay ah oo aan fursad u helnay inaan wax ka weydiino fahamkooda la xiriira xaqa ay haweenku u leeyihiin waxbarashada ayaa isku raacay inay xaqaas kala siman yihiin ragga. Waxay sheegeen in ay haweenku yihiin aasaaska bulshada oo haddii ay waxbartaan soo saaraya jiil tacliin xambaarsan, iyagoo si mideysan u soo hadal-qaaday oraahda caanka ah ee oraneysa ‘Gabar waxbaratay waa bulsho waxbaratay’.
Waxay sidoo kale ka mideysanaayeen dhallinyarada aan la kulannay in haweenka waxbartay ay kuwa kale uga duwan yihiin hab-fekerka, la-dhaqanka bulshada iyo go’aan-qaadashada.

Abuukar Baashi ayaa Kalfadhi u sheegay in haweenka looga baahan yahay inay xaadiraan goob kasta oo ay tacliin ka kororsan karaan. Wuxuu xusay in helitaanka xaqa uu qofku leeyahay ay ku xiran tahay sida uu isaga u raadsado.
“Si loo ilaaliyo xaqa waxbarashada ee haweenka waa in bulshada iyo dowladduba ay mas’uuliyad iska saaraan, bulshada kaalinteedu waa inay haweenka geeyaan goobaha waxbarashada, halka dowrka dowladdu uu noqonayo diyaarinta goobaha ay dumarku wax ku baran lahaayeen iyo wacyigelinta dadweynaha,” ayuu yiri Abuukar.
Raxma Cabdiraxmaan ayaa sheegtay in tusaalaha ugu mudan ee loo soo qaadan karo waxbarashada haweenka ay yihiin xaasaska Nebi Muxammed (NNKH), kuwaasoo saaxaabada qaar ay axaadiista ka qaateen.

Haweenka qudhooda ayay sheegtay in looga baahan yahay inay muujiyaan dhiirranaan iyo ka go’naashiyo waxbarasho, maaddaama bulshada ay uga imaanayaan hadallo qallafsan sida ‘ragga miyaa la tartameysaa? Buugga iyo qalinka aad waddo maxay kuu tarayaan, jiko ayaa kuu dambeysee?’ “Taasoo haweenka laga rabo,” ayay tiri “in aysan dheg jalaq u siin.”
Raxma ayaa tiri “Xaqa waxbarasho ee haweenka shareecada Islaamka ayaa dhiirragelisay, Nabi Muxammed (NNKH) qofka koowaad ee uu la wadaagay waxyigii ku soo degay waxay ahayd Khadiija (RC), taasoo muujineysa sida ay haweenku xaq ugu leeyihiin waxbarashada. Haweenka waxbartay dhankooda waa inay dhiirragelin siiyaan kuwa aan wax baran, iyagoo waqtigooda firaaqada ah si bilaash ah uga faa’ideynaya haddii ay suurtagal tahay, waa in la helaa cod dheer oo wacyigelin ah, dumarkana la guubaabiyo.”

Maxamuud Cabdullaahi Diiriye ayaa qaba aragti ahaan in haweenka waxbartay looga baahan yahay inay kuwa kale fahansiiyaan faa’idada waxbarashada. Wuxuu xusay in garaadka bulshada ee waxbarashada haweenka uu ka duwan yahay sidii hore. Haweenka oo waxbarashada wada aadana ay ka dhigan tahay bulshada oo ka caafimaadda dhan kasta.
Aragtida Sharci yaqaanka.
Sharciyaqaan Faaduma Axmed Cabdullaahi (Faaduma Ayaan) ayaa sheegtay in uu Islaamku nagu boorriyay qiimaha waxbarashada rag iyo dumarba sida ku cad dhammaadka aayadda 9-aad ee suuratu Zumar.
Waxay iftiimisay in Islaamka ka hor hablaha dhasha la xabaali jiray, iyadoo loo arkayay dad aan qiimo lahayn, balse markaas kaddib uu Islaamku dhammeystiray xuquuqaha ay haweenku leeyihiin oo ay ka mid tahay waxbarashada.
Waxay intaas raacisay in Nebi Muxammed (NNKH) uu maalin gaar ah siiyay haweenkii saxaabada ahaa, si uu wax u baro, taasoo muujineysa heerka uu Islaamku ka taagan yahay xuquuqda waxbarashada ee haweenka.
Faaduma ayaa Kalfadhi u sheegtay in haweenka ay waajib ku tahay inay bartaan diintooda, acmaasha la xiriirta cibaadadooda, barbaarinta wanaagsan ee ubadka iyo dhaqashada wanaagsan ee reerka, taasoo haddii aysan baran ay dambi ku muteysan karaan. Waxay carrabka ku adkeysay in waxbarashada aysan kala lahayn rag iyo dumar sida ay diinteenna sheegtay.

Sharciyaqaan Faaduma Ayaan ayaa ku sheegtay muhiimadda ay bulshada ugu fadhiso inay haweenku waxbartaan mid ka weyn sida la maleynayo, “sababtoo ah,” ayay tiri “waxay soo saarayaan jiil tacliin leh oo si edboon loo barbaariyay iyo jiil ka maran fekerka cuqdadda iyo is liididda.”
“Haweenka waxbartay waxay ka shaqeynayaan adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo u qareemidda dhibbaneyaasha. Haddii ay gabadhu waxbarato waxay dakhli soo gelinaysaa qoyskeeda iyo qoyska ay u dhaxeyso. Haddii aan haweenka wax la barin waxaa bulshada ku imaanaya dib-u-dhac,” ayay tiri.
Faadumo Ayaan ayaa sheegtay in xaaladda waxbarashada haweenka ee Soomaaliya ay iminka soo hagaageyso, maaddaama la fahmay haweenka waxbartay inay waxtareen qoysaskooda iyo carruurtooda. Talada ugu dambeysa ayay ku sheegtay in labo dhan la xoojiyo:
- In waalidka iyo bulshada inteeda kale lagu baraarujiyo qiimaha ay leedahay waxbarashada haweenka.
- Iyo in la shaqaaleysiiyo haweenka waxbartay si ay dhiirragelin ugu noqoto kuwa ka gaabiya waxbarashada.
Discussion about this post