• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

Fahamka dhowridda xuquuqda carruurta la soo eedeeyay

Waxaa diyaariyay Ismaaciil Maxamed Samatar

Kalfadhi by Kalfadhi
May 30, 2023
in Falanqeyn, Latest
Reading Time: 3 mins read
0
Avv Maxamuud Sheekh Xuseen

Avv Maxamuud Sheekh Xuseen

(KALFADHI) – In dhowaale ah waxaa baraha bulshada lagu wadaagay warar sheegayay in xabsiyada dalka qaar ay ku jiraan carruur eedeysenayaal ah. Waxaa ka sii horreeyay carruur badan oo jeelalka Muqdisho loo dhigay falal la xiriira ciyaar-weeranimo, inkastoo markii dambe ay ciyaal-weeradu isu rogtay burcad hubeysan.

Marka la eego dalalka ay ka jiraan colaadaha iyo kuwa ka soo kabanaya sida Soomaaliya oo kale, waxaa la arkaa carruur badan oo loo haysto fal-dambiyeedyo ay geysteen ama ay ku lug leeyihiin, sababaha keenaya ayaa loo tiiriyaa mararka qaar nidaam-la’aanta ay ku soo koreen, tacliin ku filan oo aysan helin, dhaqaalo-xumo darteed iyo nolosha darbi-jiifnimada oo ay qaarkood wehel la yihiin.

Si aan warcelin uga helno weydiimo badan oo ku soo dhacaya maanka akhristeyaasha, sida; yaa la dhihi karaa carruur? Maxay yihiin waxyaabaha ay ku muteysan karaan eedda ah in la geeyo xabsi? iyo aragtida shuruucda dalka ay ka qabto carruurta eedeysaneyaasha ah iyo xuquuqda ay u baahan yihiin, waxaa Kalfadhi uga warramay sharciyaqaan Avv Maxamuud Sheekh Xuseen.

Abuukaataha ayaa sheegay in carruur la dhihi karo qof kasta oo ay da’diisu ka yar tahay 18 sano, sida ku cad tirsiga 8-aad ee qodobka 29-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah. “Maaddaama,” buu yiri abukaataha “sharciga ugu sarreeya dalka uu da’daas asteeyay, sharci kasta oo khilaafaya waa waxba kama jiraan.” Wuxuu xusay in ubad kasta uu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqan-xumada, dayacaadda, xad-gudubka iyo qabashada howlo aan ku habbooneyn da’dooda.

“Carruurtu waa dadka waaweyn oo kale, waxay geli karaan dambiyada yaryar iyo kuwa waaweyn sida dhaawaca iyo dilka. Qaadidda dacwadooda waxaa awood u leh guddoomiyaha maxkamadda gobolka, isagaa shakhsiyan u qaadaya dacwadaha ciqaabta carruurta marka laga reebo dacwadaha la xiriira dilka, sida ku cad qodobka 3-aad, labada farqo ee ugu horreysa 1 iyo 2 ee xeer Lr 13/8 Maarso 1970 iyo qodobka 39-aad ee Dastuurka kumeel-gaarka ah,” ayuu yiri Avv Maxamuud.

Qodobka 39-aad ee dastuurka. Sixidda Ku-xadgudubka Xuquuqda Aadanaha

(1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha.

(2) Sixidda xadgudubyadaas waa in lagu helaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan.

(3) Qof ama urur kasta wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.

Qodobka 3-aad: Xeer Lr 13/8 Maarso 1970 Maxkamadaha Caruurta, Ikhtisaasaadkooda iyo Habraacooda

  • Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka waxa uu u fadhiisan doonaa sidii Maxkamad carruur oo Gobolkiisa ah.
  • Iyadoo aan loo eegin Qodobbada sharci kale oo liddi ku ah, Maxkamadda Carruurtu waxay lahaanaysaa awood gaar ah oo ay ku dhegeysato kuna go’aamiso kiisaska la xiriira carruurta iyo da’yarta fal-dambiyeed kasta, marka laga reebo dacwadda dilka.

Abuukaate Maxamuud Sheekh ayaa Kalfadhi u sheegay in carruurta eedeysaneyaasha ah ay leeyihiin xuquuq kala duwan, laga billaabo maalinta la xiro ilaa maalinta ay dacwaddu dhammaaneyso. Xuquuqahaas waxaa ku jira in lagu xiro goobo ka duwan kuwa dadka waaweyn, in loo sheego dambiga loo heysto, in sababta lagu soo eedeeyay waalidka lagu wargeliyo, in loo qabto qareen; kharashkana ay dowladdu bixiso si looga hortago caddaalad-darro, in uu waalidku goobjoog ahaado marka cunugga eedeysanaha ah su’aalo la weydiinayo, in uu waalidku markhaati ka noqdo marxalad walba oo ay dacwaddu mareyso, in la dedejiyo dacwadaha iyo in loo oggolaado racfaan.

“Sida ku cad qodobka 29-aad iyo qodobka 5-aad ee xeer Lr 13/8 Maarso 1970 oo ah xeerka maxkamadda carruurta, caruur aan qaan-gaar ahayn laguma xukumi karo xabsi haddii aysan lama-huraan noqon, gaar ahaan carruurta ka yar da’da 14 sano,” ayuu yiri Abukaate Maxamuud.

Qodobka 29aad ee dastuurka kumeel-gaarka –  Carruurta

(4) Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtagal ah loogu wargeliyaa xiritaankooda.

(5) Ubadku waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay dowladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta oo caddaalad-darro u keeni karta.

Qodobka 5-aad ee xeer Lr 13/8 Maarso 1970: Xabsi(Jeel)

  1. Ma jirto carruur lagu xukumi doono xabsi
  2. Ma jirayo qof da’yar ah oo lagu xukumi doono xabsi haddii maxkamadda carruurta aysan u arkin hababka kale ee kiiska in si sharci ah loogula macaamilo oo lagu qaado qodobbada sharcigan ama shuruucda kale ee suurtagalka ah.

3. Qofka da’da yar ee lagu xukumay xabsi, hadba sida ay duruuftu oggolaanayso waa inaan loo oggolaan xiriirka maxaabiista qaan-gaarka ah ama da’da ah.

Previous Post

Farqiga u dhexeeya iyo qeexidda Sharci, Hindise-sharci iyo Xeer

Next Post

Khilaaf cusub oo siyaasadeed oo uu dhaliyay wax ka beddelka nidaamka doorashooyinka ee dalka

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Dood-Furan Kalfadhi Twitter Space
Falanqeyn

Dood Furan: La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo kobcinta dowlad-wanaagga

June 30, 2023
Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux
Falanqeyn

Maxaad ka taqaannaa shaqada Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka?

June 26, 2023
Khudbadaha Naceybka (Hate Speech)
Falanqeyn

Khudbadaha Naceybka (Hate Speech)

June 26, 2023
Hoggaamiyaha aan u baahannahay!
Latest

Hoggaamiyaha aan u baahannahay!

June 26, 2023
Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda xubnaha ka ah Golaha Wadatashiga Qaran

Khilaaf cusub oo siyaasadeed oo uu dhaliyay wax ka beddelka nidaamka doorashooyinka ee dalka

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Latest
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo

Links

  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com