Sharci: Waa xeer ay ku heshiiso bulsho meel deggan si ay isugu maamusho. Waa xadeeyaha xumaha iyo xusaha xaqa iyo waajibaadka muwaaddinka. Waa hagaha aadanaha iyo taageeraha inta taakta daran. Waa nidaam ka sarreeya cid kasta, kaas oo lagu saleeyo dejintiisa diin, dhaqan iyo qiyamka bulshada isku maamuleysa. Dalka Soomaaliya sharciga ugu sarreeya waa dastuurka oo lagu saleeyay dejintiisa diinta iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed.
Xeer: Waa sharci-dhaqameed soo-jireen ah oo bulsho meel deggan ay leedahay. Sida ay taariikhyahannadu sheegaan waxaa laga soo dhambalay eray ahaan “XERO” oo ah halka xoolaha looga oodo dilatada, taasoo ka dhigan in ay bulshadu isaga ooddo wax walba oo dhibaato ku ah dhexdeeda.
Abukaate Maxamed Cabdi Kadiye, oo ah guddoomiyihii hore ee maxkamadda gobolka Galguduud iyo bare sharci ayay Kalfadhi wax ka weydiisay sida bulshada loogu kala qeexi karo saddexdaan eray oo badi aysan dadkeennu aad u kala fahamsaneyn.
Abukaate Kadiye ayaa sharraxaaddiisa ku billaabay hindise-sharciyeed isagoo ku sheegay inuu yahay halka uu ka abuurmo sharciga, ilaha uu ka yimaadana ay kala yihiin kuwa guud (Public) sida xukuumadda ama baarlamaanka iyo kuwa gaar ah (Private) oo noqon kara hay’ado gaar loo leeyahay ama xubin bulshada ku weyn oo magac iyo miisaan ku leh.
Abukaataha ayaa yiri “Hindisaha marka uu soo gaaro baarlamaanka waxaa la hordhigayaa guddi khubarro ah oo ka talabixinaya, kana faafreebaya luqadda, anshaxa iyo sharci ahaan inuu ka hor imaanayo diinta, dhaqanka ama sharci horay u jiray. Kaddib waxay u gudbinayaan guddiga uu sida gaarka ah u khuseeyo, kaasoo isagana ka codsanaya guddoonka baarlamaanka in loo qabto kalfadhi si loo marsiiyo saddex marxaladood oo kala ah:
- In loo qeybiyo nuqullada hindisaha xubnaha baarlamaanka
- In xubnuhu ay ka doodayaan marka ay soo akhriyaan kaddib taasoo ay ka dhalan karto in wax laga baddelo, in wax lagu kordhiyo, iyo in la oggolaado ama in la diido
- In hindisaha cod loo qaadayo.
Marka uu baarlamaanku ka soo gudbo waxa uu guddoonka warqad codsi ah u qorayaa madaxweynaha, isagoo raacinaya nuqulka hindisaha, tirada cododka uu helay iyo sixiixa guddoonka.
Muddada uu madaxweynuhu haysto laga billaabo marka loo gudbiyo waa bil, iyadoo ay u faran yihiin saddex arrimood, inuu ogolaado isagoo la tashanaya la-taliyeyaashiisa dhanka sharciga, inuu guud ahaan diido iyo inuu codsado in wax laga soo beddelo. Haddii madaxweynuhu saxiixo hindise-sharciyeedka, wuxuu sidaas ku noqonayaa sharci dhaqan gal ah.”
“Sharci waxaa noqon kara wax kasta oo soo maray hab-raaca sharci-dejinta ee aan kor ku sheegnay, ugu dambeyna uu saxiixay madaxweynaha, kana hor imaaneyn dastuurka dalka. Waxaa curin kara golaha xukuumadda ama ugu yaraan toban xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka sida uu qeexayo qodobka 80-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah, halka faafinta iyo xafidaadda sharciga ay mas’uul ka yihiin xog-hayeyaasha labada aqal iyo garyaqaanka guud, sida uu dhigayo qodobka 84-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah,” ayuu yiri Abukaate Kadiye.
Qodobka 80aad. Curinta sharciyada
(1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara:
(a) Golaha Xukuumadda; ama
(b) Ugu yaraan toban (10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo Golaha Xukuumadda oo keliya uu curin karo.
(2) Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara:
(a) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda dowladaha xubnaha ka ah federaalka; ama
(b) Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.
Qodobka 84aad. Faafinta iyo Xafidaadda Sharciyada
Kaydka sharciyada dowladda waxaa mas’uul ka ah xoghayeyaasha labada aqal iyo garyaqaanka guud ee jamhuuriyadda federaalka ah oo faafinta rasmiga ah ku samaynaya.
Abukaate Maxamed Cabdi ayaa xeer ku sheegay wax walba oo lagu heshiiyo, “inkastoo,” buu yiri “luqadaha qalaad ay kala saaraan xeerka oo mid walba magac gaar ah loo yaqaan, haddana luqaddeennu xeer waxay u taqaan wax kasta oo koox dad ah, hay’ad gaar ah ama bulsho meel deggan ay ku heshiiso.”
Tusaale ayuu yiri Abukaataha “Soomaaliya markaad joogto waxaad maqleysaa xeerka qoyska, xeerka waxbarashada, xeer wasaaradeed, xeer baarlamaani ah iyo xeer madaxweyne. Ka bulsho ahaan waxa micno inoo sameeya erayga dambe ee aan xeer raacsiinno maaddaama uusan afkeennu qani ku ahayn in eraygaas loo kala duwo sida afafka qalaad.”