‘Hal booli ahi nirig xalaal ah ma dhasho’, waa maahmaah Soomaaliyeed.
Waxaa maalmahaan aad u adeegsada dadka isku daya in ay odorosaan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sida iyo nooca Madaxweyne ee la dooran doono.
Hasha boolida ah waxay ula jeedaan Baarlamaanka 2022 oo ay leeyihiin sida lagu soo doortay xalaal ma wada ahayn.
Intaas waxba kuma jabna.
Se, waxaa i dhiba marka ay raaciyaan in aanay hashu – waa Baarlamaankee, dhali kari doonin – yacni dooran karin, nirig xalaal ah, oo ay ula jeedaan Hoggaamiye wanaagsan.
Aragtideyda, arrintaasi waa rajo beel lagu niyad jebinayo shacabka Soomaaliyeed, looguna sheegayo in ay xumaan uun fishaan. Waana quus laga rajo dhigay naxariista Eebbe.
Qarsoodi ma aha oo sida Xildhibaannada qaar badani ay ku soo baxeen doorasho laguma tilmaami karin, shacabka Soomaaliyeedna kuma qanacsana. Laakiin mas’uuliyaddaas ma laha Xildhibaannadu. Madax kale ayaa eedda leh.
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka waxaa la qiimeyn karaa marka ay Howlgalaan. Taas oo ay ugu horreeyaan nooca Guddoonka labada Aqal, iyo nooca Madaxweynaha ay ummadda u dooraan.
Xildhibaannada cusub ee labada Aqal waxay isugu jiraan dad wanaagsan, qaar xumo lagu tuhmayo iyo kuwo aan hore looga aqoon Golayaasha siyaasadda, xeyndaabka maamulka iyo fagaarayaasha bulshada. Qaar khibrad leh iyo qaar aan khibrad badan lagu qiyaaseyn intaba waa ay leeyihiin.
Baarlamaan kale ma lihin.
Baarlamaanka Cusub fursad ha la siiyo. Kuwa lagu yaqaan wanaagga iyo inta lagu yaqaan khibradda, ha laga faa’iideysto wanaaggooda iyo khibraddooda.
Dhallinyarada sharafta leh oo qaarkood ay yihiin aqoonyahanno, qaarna ay ku soo tababbarteen waayaha adag ee ay noloshu ku soo beegtay, yaan niyad jebin. Yaan niyad wanaaggooda lagala hor imaan dhaliisha eed aanay weli gelin.
Aan fursad u siinno, ku dhiirri gelinno, kuna taageerno in ay mas’uuliyaddooda ka soo dhalaalaan oo ay ku shaqeeyaan Soomaalinnimo iyo Rabbi ka cabsi.
Xataa kuwa lagu tuhmayo in ay dembiyo hore gesyteen (kuma saabsana kiis furan hadduu jiro), ama aan wanaag looga baran, fursad ha loo siiyo in waxa laga aamminsan yahay ay wanaag ku beddelaan. In wax ay soo mareenba ay muujiyaan in ay hadda qeyb ka ahaan karaan nabadeynta dalka oo uu ammaankoodu ugu horreeyo iyo horumarintiisa si ay ugu aayaan iyaga iyo ubadkoodu – aakhiradoodana ay u suubsadaan.
Xildhibaannada labada Aqal aan aqbalno, soo dhoweyno, dhiirri gelinno, ku garab istaagno wanaagga, inta taagteen ah u tilmaanno waddada toosan, iyaga oo aan ka weecanna, yaan eed iyo dhaliil lagala hor imaan.
Xildhibaanow soo dhowoow. Na tus in aad tahay mas’uul fekera, xor ah, dadkiisa iyo dalkiisa jecel oo daacad u ah, uguna adeega sida ugu wanaagsan ee Rabbi ku og yahay.
W/Q: Yuusuf Garaad