• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Baarlamaanka

Golaha guurtida oo sharciga doorashooyinka dib-ugu-celiyay golaha wakiillada Somaliland

Kalfadhi by Kalfadhi
September 27, 2022
in Baarlamaanka
Reading Time: 2 mins read
0
Golaha guurtida oo sharciga doorashooyinka dib-ugu-celiyay golaha wakiillada Somaliland

Golaha guurtida Somaliland ayaa shalay dib golaha wakiillada ugu celiyay xeerka guud ee doorashooyinka iyo  xeerka nidaamka urrurada iyo axsaabta siyaasada.

Labada xeer ee kala ah Xeer Lr 91/2022 iyo Xeer Lr 14/2011, ayaa golaha guurtida loo gudbiyay 20-ka bishan September, kaddib markii wax-ka-beddel iyo kaabis ay ku sameeyeen golaha wakiillada.

Golaha Guurtida ayaa dib-u-celinta labada xeer ku sababeeyay in 46 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiillada ay cabasho kasoo gudbiyeen wax-ka-beddelka xeerka doorashooyinka.

Xildhibaannada wax-ka-beddalka kasoo horjeeda oo sheegay in ay yihiin aqlabiyada golaha wakiilada, ayaa ku dooday in ansixinta wax-ka-beddalka xeerarkan aan la waafajin xeer hoosaadka golaha, isla markaana kooramka golaha oo aan buuxin duuduub lagu ansixiyay.

“Markaanu la tashanay garyaqaanka golaha ayaan go’aansanay in wax-ka-beddalkan khilaafku ka taaganyahay aan la horkeenin golaha dibna loogu soo celiyo golihii wakiillada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay golaha guurtida.

Doorashooyinka Somaliland oo dib-u-dhacay

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha aysan dhici karin bisha Novermber ee sannadkan.

Guddida ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aysan heynin dhaqaalo ku filan, islamarkaana ay jiraan arrimo farsamo oo u baahan in la xaliyo ka hor doorashada.

Guddiga doorashada ayaa dalbaday muddo sagaal bilood ah oo ka bilaabaneysay bisha October si ay u diyaariyaan qarashka doorashada iyo howlaha farsamada oo ay ku jiraan diwaangalinta codbixiyayaashu.

Golaha wakiillada ee Somaliland ayaa todobaadkii hore ansixiyay wax-ka-beddelka xeerka doorashooyinka, kaas oo oggolaanaya in doorashada madaxtooyada iyo furista ururrada ay dhacaan isku mar.

Xisbiyada mucaaradka ayaa caddeeyay mowqifkooda dib-u-dhaca doorashada

Guddoomiyaha xisbiga Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan, musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo xubno ka tirsan xisbiga, ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha Somaliland oo aan xisbigooda laga talo galin.

“Go’aanka xisbiga ayaa ah in uusan oggolanin muddo kordhin 13 Novermber ka danbaysa oo aan laysku waafaqsanayn, oo aan laga heshiin,” ayuu yiri guddoomiye Xirsi.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Previous Post

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo dalbaday wakhti dheeraad ah oo lagu qabto doorashada

Next Post

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dib-u-dhigista magacaabidda garsoorayaasha maxkamadda sare

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
Baarlamaanka

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Maxamed Cabdalla Xuseen (Shariif)

June 15, 2023
Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
Baarlamaanka

Baro Xildhibaankaaga: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

June 3, 2023
Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA: Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

May 30, 2023
Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe
Baarlamaanka

BARO XILDHIBAANKAAGA – Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)

May 10, 2023
Next Post
Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dib-u-dhigista magacaabidda garsoorayaasha maxkamadda sare

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay dib-u-dhigista magacaabidda garsoorayaasha maxkamadda sare

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Latest
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo

Links

  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com