Guddiyada Baarlamaanka

Guddiyadan waxay shaqadooda tahay sida ku xusan heer-hoosaadka baarlamaanka inay fuliyaan shaqo kasta oo uu u xilsaaro Baarlamaanka iyo in ay baaraan, ka doodaan, talana ka soo bixiyaan sharciyada qabyada ah ee la horkeeno Baarlamaanka. Waxay Golaha kala taliyaan miisaaniyadda, lacagta iyo ilaalinta hantida qaranka arrimaha ku saabsan mudnaanta miisaaniyadeed ee wasaaradaha ama hay’adaha kale ee shaqadooda hoos yimaada. Waxay baaraan, talana ka bixiyaan siyaasadaha saameynta ku leh wasaaradaha ay guddiyada shaqada kala dhaxeyso.

Guddiyadu waxay sidoo kale keenaan doodo uu baarlamaanku ka yeesho arrimaha ay faa’iidada ugu jirto ummadda. Waxay qiimeeyaan oo ay kormeeraan habka loo qabto iyo habka loo hirgeliyo sharciyada iyo qorsheyaasha xukuumadda iyo hay’adaha ama koox kasta oo ay sharci ahaan shaqo kala dhaxeyso.

COMMITEES

GUDIYADA AQALKA SARE

Guddiga La-socodka dib-u eegista, Dhaqangalinta Dastuurka iyo Arimaha Federaalka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xubnaha ay magacyadooda hoos ku qoran yihiin waa xildhibaanno isku dhaf ah oo laga soo kala xulay labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
TIRSIGA  MAGACA XILKA
1  Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Guddoomiye
2 Xil. Maxamed Cabdullaahi Kaamil Guddoomiye ku-xigeen
3 Sen. Xuseen Sheekh Maxamuud Xogheyn
4 Sen. Iftiin Xasan Iimaan Baasto  Xubin
5 Sen. Cabdikariim Maxamed Xasan Xubin
6 Sen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Xubin
6 Xil. Burhaan Aadan Cumar Xubin
6 Xil. Cismaan Xaaji Cali Xubin
6 Xil. Cabdirashiid Maxamuud Xasan Xubin
6 Xil. Axmed Mayow Cabdulle (Col. Ruush) Xubin
Guddiga Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta Iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. 
TIRSIGA MAGACA XILKA
1 Sen. Muxyadiin Sheekh Cali Jaamac Guddoomiye
2 Sen. Jawaahir Axmed Cilmi Guddoomiye ku-xigeen
3 Timiro Maxamed Cali Xoghay Xogheyn
4 Sen. Maxamed Xuseen Raage Xubin
5 Sen. Siciido Xasan Xuseen Xubin
6. Sen. Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex Xubin
Guddiga Garsoorka, Arimaha Diinta iyo Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Carruurta ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Zamzam Ibraahim Cali Guddoomiye
2. Sen. Faadumo Xasan Aadan (Geriyo) Guddoomiye ku-xigeen
3. Sen. Cismaan Axmed Mocow Xogheyn
4. Sen. Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke Xubin
5. Sen. Abuukar Axmed Xaashi Xubin
Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 5.Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)Xubin 5.Sen. Cabdirisaaq Axmed CaliXubin
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Maxamed Amiin Sheekh Cismaan Guddoomiye
2. Sen. Xuseen Xaaji Cali Cabdalla Ku-xigeen
3. Sen. Farxaan Cali Xuseen Xogheyn
4. Sen. Axmed Xaashi Maxamuud Xubin
3. Sen. Cabdirisaaq Axmed Cali Xogheyn
4. Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Xubin
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arimaha Bani ‘aadannimada Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Axmed Macallin Cumar (Nadiir) Guddoomiye
2. Sen. Aadan Cali Aadan Guddoomiye ku-xigeen
3. Sen. Muno Cumar Xasan Xogheyn
4. Sen. Samsam Daahir Maxamuud Xubin
5. Sen. Cismaan Maxamuud Maxamed (Dufle) Xubin
5. Sen. Nuuro Faarax Jaamac Xubin
Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Cabdi Axmed Dhuxulow Guddoomiye
2. Sen. Deeqo Xasan Xuseen Guddoomiye ku-xigeen
3. Sen. Hodan Maxamuud Cismaan Xogheyn
4. Sen Bootaan Barre Samatar Xubin
5. Sen. Farxaan Cali Xuseen Xubin
5. Sen. Muuse Suudi Yalaxow Xubin
Guddiga Arimaha Dibedda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Cabdrisaaq Cismaan Xasan (Jurille) Guddoomiye
2. Sen. Maxamed Cismaan Faarax (Dhegajuun) Guddoomiye ku-xigeen
3. Sen. Saciid Cabdi Xuseen Xogheyn
4. Sen. Ayuub Ibraahim Yuusuf Xubin
5. Sen. Cabdisalaam Xaaji Maxamed Xubin
5. Sen. Mustaf Maxamed Qodax Xubin
Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Ilyaas Cali Xasan Guddoomiye
2. Sen. Shukri Aadan Maxamed Ku-xigeen
3. Sen. Naciimo Ibraahim Yuusuf Xogheyn
4. Sen. Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc)  Xubin
5. Sen. Yuusuf Geelle Ugaas Xubin
Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa , Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarada ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
TIRSIGA MAGACA XILKA
1. Sen. Xasan Faarax Xujaale Guddoomiye
2. Sen. Axmed Cabdixafiid Bulsho Guddoomiye ku-xigeen
3. Sen. Cabdullaahi Cabdi Garruun Xogheyn
4. Sen. Bilaal Idiris Cabdullaahi Xubin
5. Sen. Mahdi Daahir Sheekh Xubin

GUDDIYADA GOLAHA SHACABKA

Arrimaha muhiimka ah ee guddiga horyaalla

Soomaaliya waxay qaadatay in dalka lagu maamulo nidaamka Fedraalka, ilaa iyo hadda waxa suurtogalay in la dhiso Baarlamaanka Federaalka oo laba aqal ah iyo in dowlad gobolleedyada xubin ka noqonaya federaalka Soomaaliya, hayeeshee waxaa wali harsan in la dhammeystiro arrimaha ka dhimman qaab dhismeedka dowlad gobolleedyada, oo ay ka mid yihiin astaameynta soohdimaha u dhaxeeya dowlad goboleedyada, dhismaha goloyaasha maamulka dowladaha hoose iyo doorasho loo simanyahay ee qof iyo cod oo la filayo in la qabto dhammaadka sanadka 2020-ka iyo in la dajiyo shuruucda lagama maarmaanka u ah oo ay ka mid yihiin sharciga jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaallka ee Soomaaliya, sharciga doorashooyinka iyo maqaamka Mogadishu oo go’aan laga gaaro iyo kuwa kale.  

Haddaba si midnimada dalka loo sugo, xiriirka dowladda federaalka iyo kan maamul gobolleedyada uu u noqdo mid ku dhisan walaaltinimo, isu duwidda howlaha qaranka u fududaato, waxaa lagama maarmaan ah inaan u hawlgalno dhisidda hey’adda u xilsaaran isku xirka xukuumadaha si waafaqasan 111F ee Dastuurka iyo nidaamka xiriirinta iskaashiga xukuumadaha si waafaqsan qodobka 51 (5). Xagga amniga qaranka waxaa xusid mudan in shuruucda ay ku dhisanyihiin hey’adeenna amniga qaranka u baahanyihiin dib u eegis maadaama shuruucdaas jiristoda waqti badan kasoo wareegay loona baahanyahay in la waafajiyo nidaamka federaalka iyo duruufaha gaarka ah ee dalku ku suganyahay. Waxaa iyana muhiim ah in loo howlgalo in si wax ku looga qaban qaxootiga ku sugan dalal shisheeye kuwan oo lagama maarmaan u ah in guddigu siiyo mudnaanta koowaad.
   
Howlaha Loobaahanyahay in Guddigan Diiradda Saaro
   
  • In hindisayaasha sharci guddigu horyaal uu ka sameeyo dhageysi dadweyne, lagana qayb galiyo hay’adaha dan iyo dawrba ku leh.
  • In uu abaabulo cilmi-baarisyo kala duwan, kuna sameeyo sida ugu wanaagsan ee uu caalamku uu dhaqmo shuruucda iyo hawlaha xilalka guddigan loo igmaday.
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan qorshaha horumarinta qaranka 3-da sano.
  • In uu fuliyo korjoogteynta howlaha ay fulinayaan wasaaradaha, guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka, guddiga xuduudaha iyo arrimaha Fedraalka iyo hay’adaha kale ee dowladda oo guddiga xil ahaan ugu abbaaran.
  • In uu si muddeysan golaha ugu soo diyaariyo warbixinno hawlgallada guddiga si kulanka guud ee goluhu ugu doodo unu jiheeyo.
  • In uu korjoogteeyo hawlgalka guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo guddiga xuduudaha iyo federaalka.
  • La xiriirridda iyo xog-siinta Baarlamaannada dowlad gobolleedyada.
  • Dabagalka dhaqangelinta shuruucda arrimaha gudaha iyo amniga ee horay uu u soo saaray Baarlamaankii 9aad.
Xigasho: Buugga qorshe-hawleedka guddiyada Golaha Shacabka, 2017.
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Fowsi ya Mohamed Sheikh
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Mohamed Abdulle Farah (Gesey)
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Mohamed Ibrahim Abdi
Xoghayaha
4 .
Xil Abdifatah Kasim Mohamed
Xubin
5 .
Xil Abciirahman Mohamed Hussein "Odawa"
Xubin
6 .
Xil Abdirahman Mohamoud Atteyeh
Xubin
7 .
Xil Abdirashid Mohamed Hidig
Xubin
8 .
Xil Abdirisak Omar Mohamed
Xubin
9 .
Xil Abdirizak Dahir Mohamud
Xubin
10 .
Xil Abdullahi Yusuf Hassan Alankey
Xubin
11 .
Xil Ahmed Ismail Mohamed
Xubin
12 .
Xil All Adam Hussein
Xubin
13 .
Xil All Yusuf Ali Hosh
Xubin
14 .
Xil Dahir A min Jesow
Xubin
15 .
Xil Hassan Ibrahim Mohamed
Xubin
16 .
Xil Mariam Moalirn Isak
Xubin
17 .
Xil Mohamed Mursal Mohamed Borow
Xubin
18 .
Xil Mustaf Sh. All Duhulow
Xubin
19 .
Xil Zeinab Mohamed Amir
Xubin
Arrimaha ugu muhiimsan ee guddiga horyaalla

Arrimaha Garsoorka:

    • In guddigu si qotadheer ugu fiirsado dub-u-eegista axkaamta dastuurka federaalka ee saameeya dhismaha laanta garsoorka, nidaamka garsooridda Soomaaliya iyo shuruucda garsoorka.
    • In guddigu fiiro dheer u yeesho dejinta shuruucda loo soo jeediyo oo looga gol leeyahay hergilinta federaaleynta garsooorka iyo isbedeellada lagama maarmaanka loo arkay layslana meel dhigay.
    • Dardar gelinta dhammeystirka Golaha Sare ee Adeegga Garsoorka iyo guddiyada kale ee dastuuriga ah oo dhiman si loo dhiso garsoor qaran oo madax bannaan una adeegaya dadweynaha Soomaaliyeed.
    • In uu hubiyo habraac caadil ah oo ay ku imaanayaan xubnaha Golaha Adeegga Garsooryaasha iyo magacaabidda garsoorayaasha iyo hawlwadeennada laanta garsoorka.

Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

Mabaadi’da aasaasiga ah ee dastuurka federaalka qodobkiisa 3-aad wuxuu farayaa in la ilaaliyo maqaasidka shareecada, saa daraadeed waxaa laga maarmaan ah in fiiro gaar ah loo yeesho dhisidda iyo horumarinta hay’ado u xilsaaran fududeynta waajibaadka iyo fulinta horumarinta dhaqanka Islaamka.
Sidaas darteed guddigu waa in uu diiradda saaraa
  1. Arrimaha diinta
  2. Arrimaha Sakada
  3. Arrimaha awqaafta
Howlaha loo baahan yahay inuu Guddigu diiradda saaro

    • In uu abaabulo cilmi baarisyo kala duwan kuna sameeyo sida ugu wanaagsan ee uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda iyo howlaha iyo xilalka guddi loo igmaday.
    • In uu darso howlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loo baahanyahay in lagu soo daro qorshaha horumarinta qaranak ee 3-da sano.
    • In uu fuliyo korjoogteynta howlaha ay fuliyaan wasaaradda dowladda ama hey’adaha dowladda iyo hay’adaha madaxa bannaan ee xil ahaan ugu abbaaran guddigan.
    • In uu si mideysan golaha ugu diyaariyo warbixinno iyo howlgallada guddiga si kulanka guud ee Golahu ugu doodo guddigana uu u jiheeyo.
Xigasho: Buugga qorshe-hawleedka guddiyada Golaha Shacabka
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Sharif Sheikh Maye
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Ali Yusuf Osman
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Jama Mohamed Askar
Xoghayaha
4 .
Xil Abdirashid Mohamud Hassan
Xubin
5 .
Xil Abdulkadir Sheikh Ali Ibrahim Baq dadi
Xubin
6 .
Xil Abdullahi Mohamed Adan Shair
Xubin
7 .
Xil Abdullahi Sh Ismail Ali
Xubin
8 .
Xil Adam Ali Hassan
Xubin
9 .
Xil Ahmed Haji Mohamed "Taaw"
Xubin
10 .
Xil Burhan Adan Omar
Xubin
11 .
Xil Fadumo Hassan Ali
Xubin
12 .
Xil Farah Sheikh Abdulkadir
Xubin
13 .
Xil H assan Osman Hussein "Qoryoley"
Xubin
14 .
Xil Hawa Mohamed Adan
Xubin
15 .
Xil Ismail Abdirahman Sheikh Bashir
Xubin
16 .
Xil Mohamed Abdullahi Hassan
Xubin
17 .
Xil Nadifo Farah Jama
Xubin
18 .
Xil Sheikh Aden Mohamed Nur
Xubin
19 .
Xil Yacqub Ali Mohamed
Xubin

ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL

Qaybaha kala duwan ee Adeegyada bulshada waxay ka mid yihiin kuwa saamaynta ugu daran iyo dhibaatada ugu weyn kasoo gaartay muddadii dalku ku jiray dagaallada sokeeye iyo burburkii dawladda dhexe ee dalka. Dib-usoo-noolaynta hay’adaha si wax-ku-ool ah u fulin kara, oo adeegyada aasaasiga ahna haleelsiin kara blushadeena soomaaliyeed waa in ay noqda barnaamijka ugu muhiimsan oo ka mid ah barnaamijyada ugu waaweyn oo xal u raadintiisa maankeena mashquuliya. Qodobka ugu weyn ee lagu cabbirka laguna qiyaaso waxqabadka xukuumadda waa hadba ilaa herka ay ku guulaysato ama ku guldarraysato barnaamijkeeda horumarinta adeegyo-bulshadeedka aasaasiga ah ay ka gaarto, ayadoo tixgelin gaar ah la siinayo sida wanaagsan ee ay wax uga qabato daryeelidda maatada dadweynaha, dadka naafada ah, iyo barakacayaasha iyo maxaysatada u baahan taakulayn. Carqaladaha hortaagan arrimaha adeegyada bulshadeed ee in wax la qabto u baahan waa fara badan yihiin, oo weliba adeegyadan qaarkood yihiin xuquuq dustuuri ah sida Waxbarashada iyo Caafimaadka aasaasiga ah oo muwaaddiniinta xaq u leeyihin in ay lacag la’aan ku helaan oo dastuurkuna u damaanad qaaday. Haseyeeshee, adeegyadan bulshadeed badankooda, ayagoo ku mahadsan, waxaa gacanta ku haya hay’ado gaar ahaan loo leeyahay oo ka ganacsada, ama ururro aan xukuumi ahayan (NGOs), ama Ururrada Samafalka. Dawladana wax nidaam-siyaasadeed ama korjoogtayn ay ku leedahay adeegayada ay hay’adahan fulinayaan ma jirto ama aad bay u yar tahay. Hadaba ha ahaadeen Hay’adaha Dawladda ama kuwa gaar ahaan loo leeyahay waxaan hor iyo horraan loo baahannahay in aan ogaanno: - Adeegyada bulshadeed ee hadda jira iyo xaaladda ay ku sugan yihiin – o Maxay yihiin adeegyada bulshada hadda dalka ka jira, o Hay’adaha fuliya waa kuwee, o Deegaannada/goobaha ay ka jiraan oo adeegyadaas bulshadu ka hesho, o Sideebaa ama xageebaa adeegyadaas laga maalgeliyaa.
  • Waxaan u baahannahay in aan ka baarandegno oo isla meeldhigno waa kuwee adeegayada bushadeed oo aad looga baahan yahay in bulshada laga haqabtiro xageebaanna baahidu uga badan ka jirtaa. U hawgelidda arrintan waxay mudan tahay in la siiyo mudnaanta koowad.
  • Waa lagama maarmaan in aan ogaanno oo wada fahamno hadba heer-dawladeedka ku habboon in loo xilsaaro awoodna u leh fulinta adeeg-bulshadeedyada kala duwan shacbigu u baahan yahay iyo sida adeegyadan loo maalgelin karo. Hirgelinta arrimahan waa in laga tixgeliya, oo heer axkaam dastuureed iyo heer sharciyeedba lagu xeeriya.
  • Waxaan u baahan nahay in aan isla fahamno islana meeldhigno wax-ka-beddellada loo bahan yahay in dastuurka lagu sameeyo iyo shuruucda loo baahan yahay in loo dejiyo hirgelintooda.

HAWLAHA LOO BAAHAN YAHAY IN GUDDIGU DIIRADDA SAARO

si wax looga qabto arrimaha kor ku xusan, waxaa lagama maarman ah in Guddigan Golaha Shacabku u hawlgalo qodobbada soo socda: -
  • in u hawlgelidda iyo wax ka qabadka arrimaha kor ku xusan uu Guddigu kala xaajoodo xukuumadda Federaalka, Golayaasha sharcidejinta DawladoGoboleedyada, Ururrada Bulshada iyo hay’adaha kale ee dan iyo dowr ku leh amaba hadda ku hawlan arrimaha adeegayada bulshada, abaabulana dhegeysi dadweyne arrimahan uu ugu kuurgalayo;
  • In uu sameeyo daraasad uu ugu baarandegayo adeegyada bulshadeed loo baahan yahay oo noo leh horetebin, u howlgelidooduna la siiyo mudnaanta koowaad, iyo darasad lagu sahmiyo adeegyada bulshadeed suurtogalka ah oo haddiiba la hirgelin karo iyo sida loo maalgelin karo;
  • Natiijooyinka cilmi-baarista iyo daraasadaha waa in ay ka mid ahaadaan kuwa tilmaan cad ka bixinaya barnaamijyo u abbaaran haqabtiridda baahida bulshada, shuruucda loo bahan yahay in la dejiyo hirgelintooda, ama haddii shuruucdaasi jiraan, u baahan in dib-u-eegis lagu sameeyo; iyo
  • La xiriiridda iyo xogsiinta Baarlamaanada Dowlado-Gobolleedyada
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil
All Osman Hersi
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil
Amina Mohamed Abdi
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil
Dahabo Susow Mohamed
Xoghayaha
4 .
Xil Abdi Mohamud Mohamed
Xubin
5 .
Xil
Abdi Shire Jama
Xubin
6 .
X il
All Osman Hersi
Xubin
7 .
Xil
Amina Mohamed Abdi
Xubin
8 .
Xil
Dahabo Susow Mohamed
Xubin
9 .
Xil
Fadumo Odawa Rage
Xubin
10 .
Xil
Huda Ahmed All
Xubin
11 .
Xil
Ikran Yusuf Hersi
Xubin
12 .
Xil
Lul Abdi Aden
Xubin
13 .
Xil
Marian Mohamed Hussein
Xubin
14 .
Xil
Mina Hassan M
ohamed
Xubin
15 .
Xil
Nuriya Adan Isse
Xubin
16 .
Xil
Sahra Haji Hassan All
Xubin
17 .
Xil
Sharif Mohamed Abdalla
Xubin
Arrimaha ugu muhiimsan ee guddigan horyaalla.


Arrimaha xaqiiqa raadinta , dib u hishiisiinta iyo hanta isu-celinta waa aasaaska xasilinta xaaladaha dalka iyo nabadeynta bulshada, kuwaas oo la’aantood wax nabad ah wax nabad ah iyo horumar ah ay Soomaaliya gaar karto ama usuurto geli kara aysan jirin. Sidoo kale nabad la’aan ma jiri karto dhaqan dimuqraadiyadeed oo dalka lagu hoggaamin karo. Saa daraadeed waa lagamam maarmaan, oo waa waajib muqaddas ah inaan si dhab ah ugu gunti-xirno hawlgalkenana laba jibbaarno, si aan u suurto gelin karno dib-u-hishiisiin dhab ah, dalka iyo dadkeenana nabad waarto ugu soo hooyin karno.

Howlaha loo baahanyahay in guddigan diiradda saaro
 

Si loo haleelo nabad raadin iyo hishiish bulshadeed oo dalku ku waara, waxaan ku talineynaa in guddigu fiiro qotodheer iyo aragti ballaaran ugu yeesho uu xaqiiqo raadis dhab ah oo u soo af bixisa arrimaha dhabta ah ee saameynta ku leh ama sababa soo noqnoqoshada khilaafaadka bulshada dhexdeeda ah eeaan dhamaadka lahayn, oo ay ka mid yihiin.

  • Soo ifbixinta arrimaha sababa ama sababay khilaafaadka iyo utunta ay qabaa’ilka kala tirsadaan.
  • Haddii ay jiraan arrimo xukun dowladeed la xariira oo sababy khilaafaadka.
  • Haddii arrimaha khilaafaadku sababay ay xiriir leeyihiin arrimo dhaqaale.
  • Haddii arrimaha khilaafaadka sababay ay xiriir la leeyihiin wadaagga kheyraadka dabiiciga ah ama wadaagga dhaqaalaha ka dhasha wax soo saarka.
  • Haddii arriamaha Khilaafaadka ay xiriir la leeyihiin ciidameynta beelaha.
  • Haddii arrimaha khilaafaadka sababay ay yihiin kuwo ka dhashay hanti xoog lagu boobay.
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran eek u xusan ama loobaahanyahay in lagu soo daro qorshaha horumarinta qaranka 3-da Sano.


Guddigu waxa uu la shaqeyn doonaa. 1: Xafiiska Madaxweynaha. 2: Golaha Aqalka Sare ee BFS. 3: Xafiiska Reysulwasaaraha. 4: Xafiiska madaxtooyada ee dowlad gobolleedyada. 5: Wasaaradaha arrimaha gudaha, garsoorka iyo arrimaha diinta, aminga, beeraha, maaliyadda iyo wasaaradda hawlaha guud iyo dib-u-dhiska. 6: Gobolka Banaadir iyo gobollada kale. 7: Ciidamada Booliska Soomaaliyeed 8: Guddiga dib-u-hishiisiinta madaxabannaan. 9: Odey dhaqameedyada. 10: Culamada 11: Ururrada bulshada rayidka iyo guud ahaan wax-garadka Soomaaliyeed.
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Mohamed Abdi Mohamed Gandi
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Moalim Ali Adam
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Abdisatar Abdisalam Sh. Hassan
Xubin
4 .
Xil Abdullahi Osman Duale
Xubin
5 .
Xil Abdishakur Ali Mire
Xubin
6 .
Xil Duniyo Mohamed Ali
Xubin
7 .
Xil Farhio Mohamud Dhaqane
Xubin
8 .
Xil Hussein Mohamed Sh. Hussein
Xubin
9 .
Xil Khadra Mohamed Tukale
Xubin
10 .
Xil Mohamud Ahmed Isse
Xubin
11 .
Xil Mohamud Mohame d Bono
Xubin
12 .
Xil Omar Osman Wasuge
Xubin
13 .
Xil Osman Haji Ali
Xubin
14 .
Xil Sadio Musa Abdullahi
Xubin
15 .
Xil Yusuf Hayle Jimalle
Xubin
ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL  
Arrinta ugu muhuumsan ee Guddigani horyaal, oo saamayntiisa qarameedna ugu baaxad weyn waa walaacyada arrimaha banii’aadamnimada oo ay sababaan aafooyinka dabiiciga ah oo had walba dalkeena si xilliyeysan usoo wajaho. In kasta oo shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan iyo Golaha Shacabka, dawlado ka mid ah kuwa aan walaalaha nahay iyo kuwa nala saaxiibka ahba ay ammaan, mahadcelin iyo bogaadin mudan yihiin sida wacan ay mar walba ay dhacdooyinka dabiiciga ah gacan iyo gargaar uga gaystaan, hadana waxaa lama huraan ah oo loo baahan yahay inaan hawlgalka wax ka qabashadeena u abbaaran arrimahan aan aad u kordhino. Taariikhda iyo waayo’aragnimada aan soo kasbanay waxay na tuseyaan in Soomaaliya ay u baahan tahay, kuna qasban tahay in ay qaran ahaan si baaxad weyn oo agaasiman uga tabaabushaysato aafaayinka ay sababaan dhacdooyinkan dabiiciga ah. Waxaa lagama maarmaan ah inaan isweydiinno: Waa maxay arrimaha lagama maarmaanka ah ee naga dhigi kara dad u diyaarsan haddii dhacdooyinka na qabsadaan? Waa maxayse wayaalaha, hay’adaha, agabka iyo nidaamka agaasimane loo baahan yahay in aan diyaarsano, oo noo suurtogelinaya in aan noqono dad qaran ahaan mustaqbalka ugu diyaarsan ka hortagga dhibaatooyinka aafooyinka?

Arrinta kale oo iyada ahmiyadeed leh oo guddigani horyaal waa sugidda xuquuqul insaanka. Horumarinta xuquuqda uu leeyahay qofka banii’aadamka ihi waa in loo arka loona gartaa in uu yahay horumarinta tayada nolosha shacbigeena. Hadafkeena joogtada ahna waa in uu ahaadaa in si waanaagsan loogu kuurgalo xaaladaha xuquuqul insaanka, in si joogto ah loo korjoogteeyo ilaalinta xadgudubyada suurtogalka ah in lagu kaco, iyo in had jeer si joogto ah uga shaqeeyno wadiiqooyinka ugu habboon oo aan ku hormarin karno daryeelidda xuquuqda insaanka. Si sidaas la mid ahna aan u joogtayno horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda haweenka iyo maqaamka mudnaanta leh ee haweenku ku leeyihiin bulshadeena.

HAWLAHA LOO BAAHAN YAHAY IN GUDDIGU DIIRADDA SAARO

  • In Guddigu joogteeyo u kuurgalka iyo korjoogtaynta arrimaha Goluhu u igmaday.
    • In uu dhegeysi dadweyne u abaabulo heerarka kale duwan ee hay’adaha dawladda iyo hay’adaha dan iyo dowr ku leh horumarinta arrimaha banii’aadamnimada iyo xuquuqul insaanka iyo bulshada rayadka ah, waana waajib muhiim ah oo Guddigan u xilsaaran yahay;
    • Waxaa loo baahan yahay in Guddigu sameeyo cilmibaaris uu ugu kuurgalo waxa loo baahan yahay iyo sida ugu habboon oo looga hortagi karo dhibaatooyinka ay sababaan aafooyinka dabiiciga ah daraasad.
    • In Guddiga soo diyaariyo qodobbo ka mid ah qodobbada ugu mihiimsan ee xuquuquda insaannka, haweenka iyo arrimaha banii’aadamnimada oo ay Xuduumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda fulintoodu ku hawlan yihiin si uu Golaha iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka uga doodaan shacbigana ugu xog ogaal nodo ilaa heer arrimaha laga fuliyey ama fulintooda lagu hawljiro.
    • La xiriiridda iyo xogsiinta Baarlamaanada Dowlado-Gobolleedyada.
    • Dabagalka dhaqangelinta shuruucda Xuquuqul Insaanka ee horey Baarlamaankii 9-aad ansixiyey
     
    Tir
    Magaca
    Xilka
    1.
    Xil Sagal Abdirizak Bihi
    Gudoomiyaha Guddiga
    2.
    Xil Mariam Mohamud Isse
    Gudoomiye ku-xigeen
    3.
    Xil Ikran Adam Absuge
    Xoghayaha
    4.
    Xil Anab Hassan Elmi
    Xubin
    5.
    Xil Daleys Hassan Adan
    Xubin
    6.
    Xil Fatima Ismail Hussain
    Xubin
    7.
    Xil Hani Mohamed Aden
    Xubin
    8.
    Xil Hawa Yusuf Ahmed
    Xubin
    9.
    Xil Jama Mohamed Askar
    Xubin
    10.
    Xil Mariam Arif Kasim
    Xubin
    11.
    Xil Maryan Ahmed Harun
    Xubin
    12.
    Xil Muna Khalif Sheikh Abuu
    Xubin
    13.
    Xil Muse Said Jama
    Xubin
    14.
    Xil Nadifa Adan Isak
    Xubin
    15.
    Xil Safiyo Hassan Nur
    Xubin
    16.
    Xil Sahro Omar Malin
    Xubin
    17.
    Xil Sun Diriye Arab
    Xubin
    18.
    Xil Anab Hassan Elmi
    Xubin
    19.
    Xil Daleys Hassan Adan
    Xubin
    20.
    Xil Fatima Ismail Hussain
    Xubin
     
Arrimaha ugu muhiimsan ee guddiga horyaalla

Xiriirka amniga, iskaashiga iyo horumarka dhaqaale ay Soomaaliya la leedahay dowladaha dariska iyo kuwa gobolka Geeska Afrika iyo dalalka ku bahoobay jaamacadda carabta waa arrin mudan in fiiro gaar ah loo yeesho oo guddiguna uu sameeyo dib u eegid iyo qiimeyn lagu horumarinaayo xiriirradeena diblomaasi, iskaashiga amni iyo dhaqaale aan la leenahay dalalkan in uu darso, qiimeeyo talana kasoo jeediyo sidii xiriirkeena dalalka u noqon lahaa mid wax ku ool ah oo u adeegayo danta guud ee dalka.
Waxaana ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan.
  • In uu hubiyo nidaamka deeqaha horumarinta dalka loo fidiyo in hannaanka macaawinyoonka loo maareeyo.
  • Dhimidda maalgelinta ay deeq bixiyayaasho ku bixin jireen ciidamada AMISOM oo aad hoos loogu dhigay. Waxaan u baahannahay in guddiga uu la hawl galo guddiga difaaca iyo guddiga arrimaha gudaha iyo amniga.
  • U kuur gelidda xaaladaha ay ku suganyihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerooyinka shisheeye iyo dadka ku xiran xabsiyada dalalka shisheeye.
  • Waxaa arrimaha ugu muhiimsan ee oo guddiga horyaallo ka mid ah in uu la socdo isbadallada ka dhacaya adduunka ee isugu jira amni, dhaqaale iyo bulsho saameynta ay ku yeelan karaan Soomaaliya.
 
Howlaha Loo Baahanyahay In Uu Diiradda Saaro
 
  • In uu abaabulo cilmi baarisyo kala duwan kuna sameeyo sida ugu wanaagsan ee uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda iyo howlaha xilalka guddi loo igmaday.
  • In uu darso howlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loo baahanyahay in lagu soo daro qorshaha horumarinta qaranak ee 3-da sano.
  • In uu fuliyo korjoogteynta howlaha ay fuliyaan wasaarada dowladda ama hey’adaha dowladda iyo hay’adaha madaxa bannaan ee xil ahaan ugu abbaaran guddigan.
  • In uu si mideysan golaha ugu diyaariyo warbixinno iyo howlgallada guddiga si kulanka guud ee Golahu ugu doodo guddigana uu u jiheeyo.
  • in uu hubiyo ilaa heerka ay wasaaradda arrimaha dibadda ka hirgelisay sharciga adeegga shaqaalaha arrimaha dibadda ee horay loo ansixiyay.
  • Guddiga waxa uu xiriir joogta ah la yeelan doonaa qurba joogta Soomaaliyeed waxa uuna abaabuli doonaa safarro loogu kuur galayo xaalaadda ay ku suganyihiin.
  • In uu abaabulo safarro shaqo oo loogu korjoogteynayo shaqada safaaradaha iyo qunsuliyadaha iyo ergooyinka dibadda iyadoo loogu kuur galayo sida ay ugu adeegaan qaranka iyo muwaadiniinya Soomaaliyeed ee dibad ku noolka ah.
  Xigasho: Buugga qorshe-hawleedka guddiyada Golaha Shacabka  
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Abdulkadir Osoble All
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Sadiya Yassin Haji Sam atar
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Bihi Iman Egeh
Xoghayaha
4 .
Xil Abdiaziz Mohamed Mohamud Qambi
Xubin
5 .
Xil Abdiwahab Ugas Hussein Ugas Khalif
Xubin
6 .
Xil Abdulkadir Arabow Ibrahim
Xubin
7 .
Xil Abdullahi Mohamed All
Xubin
8 .
Xil Abdurahman Adam Ibrahim Ibbi
Xub in
9 .
Xil Adam Isaq Ali
Xubin
10 .
Xil Ahmed Osman Ibrahim "Daqare"
Xubin
11 .
Xil Fawzia Yusuf H. Adam
Xubin
12 .
Xil Hanifa Mohamed Ibrahim Habsade
Xubin
13 .
Xil Mohamed Ahmed Mohamed "Garweyne"
Xubin
14 .
Xil Mohamed Hassan Idiris
Xubin
15 .
Xil Naima Mohamed Ga - al
Xubin
16 .
Xil Rabaco Sheikh Nur
Xubin
17 .
Xil Sulaiman Mohamud Hashi
Xubin
18 .
Xil Swaqar Ibrahim Abdalla
Xubin
19 .
Xil Zahra Yusuf Ige
Xubin
20 .
Xil Zakariye Mohamud Haji Abdi
Xubin
Arrimaha ugu Muhiimsan ee guddiga hooryaal.

Si aan ugu guuleysanno geeddi socodka dub-u-dhiska maamul dowladeedka Soomaaliya, waxaa muhiim ah in hay’adaha dowladda u xilsaaran maamulka iyo maareynta maaliyadda noqdaan kuwa xil-gudashadooda iyo hawl-qabkooduba u fuliyaan si daahfuran oo wax-ku-ool ah.

Maadaama hadafkeenu yahay in aan sugno gobonimadeena dhaqaale ahaanna ka madax bannaanaano ku tiirsanaanta deeqaha hay’adaha caalamiga ah nagu taageeraan, waxaa lagama maarmaan ah in aan sameyno wax ku ool dhab ah oo lagu hormarinayo nidaamnka kobcinta dakhliga casnhuur qaadista iyo kala hortebinta kharashayada bixintooda mudnaanta lasiinayo. Annagoo maanka ku heyna qaab dhismeedka cusub ee ay yeelan doonaan hay’adaha Dowladda Federaalka. Marka la sameynayo dib u eegsitan nidaamkan waxaa lagama maarmaan ah in aan wax ka beddelka aan lagu koobin nidaamka Dwoaldda Federaalka ee waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa in masuuliyad wadaagga lana gaarsiiyaa ilaa heer dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Sidaas darteed waxaan u baahannahay in aan in si dhab ah loo darso una qiimeyno hantida dowladdu leedahay iyo ilaha ugu muhiimsan ee dakhilga dowladda kuwaas oo ah labada arrin oo ugu muhiimsan ee in aad loo tixgeliyo dowr weynna ku leh  kobcinta dakhliga iyo canshuuraha.

Waxaa kale oo loo bahanyahay in Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay si qotedheer uga wada xaajoodaan islana meel dhigaan nidaamka si cad u kala qeexaya nidaamka dakhliga iyo awoodaha kharash bixinta ay kala leeyihiin hay’adaha u xil saaran maareynta maaliyadda Dowladda Federaalka, dowlad gobolleeyada, iyo dowaldaha hoose ee degmooyinka.


Howlaha Loo Baahanyahay In Guddigu Diiradda Saaro

  • In uu abaabulo cilmi baarisyo kala duwan kuna sameeyo sida ugu wanaagsan ee uu adduunku ugu dhaqmo shuruucda iyo hawlaha iyo xilalka guddigga loo igmaday.
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loobaahanyahay in la daro qorshaha horumarinta qaranka 3-da sano.
  • In uu fuliyo korjoogteynta hawlaha ay fuliyaan wasaaradaha, hay’adaha dowladda iyo xafiisyada madaxa bannaanoo guddiga xil ahaan ugu abbaaran iyo;
  • In uu si mideysan goluhu usoo diyaariyo warbixinno hawlgallada guddiga si kulanka guud ee golahu ugu doodo guddiyada uu u jiheeyo.
  • La xiriiridda iyo xogsiinta baarlamaanka dowlad gobolleedyada.
  • Dabagalka dhaqangelinta shuruucda maaliyadeed ee uu horay baalramaanku u axsixiyay.

Xigasho: Buugga qorshe-hawleedka guddiyada Golaha Shacabka
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Ali Abdi Osman
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Mohamed Adam Moalim Ali
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Abdullahi Mohamed Nor
Xoghayaha
4 .
Xil Abdi Ali Hassan
Xubin
5 .
Xil Abdif atah Mohamed Ibrahim Gesey
Xubin
6 .
Xil Abdihakim Moalim Ahmed Maalin
Xubin
7 .
Xil Abdirisak Ahmed Mohamed (Jindi)
Xubin
8 .
Xil Ahmed Mohamed Ahmed
Xubin
9 .
Xil Amina Shekh Osman
Xubin
10 .
Xil Dhahar Ali Farah
Xubin
11 .
Xil Elmi Mohamud Nur
Xubin
12 .
Xil Khalif Shei kh Abdullahi Dhere
Xubin
13 .
Xil Mahad Mohamed Salad
Xubin
14 .
Xil Mohamed Abdikafi Mohamed
Xubin
15 .
Xil Mohamed Issak Osman "Fanah"
Xubin
16 .
Xil Mohamed Nur Iftin Shambara
Xubin
17 .
Xil Mohamed Omar Arteh
Xubin
18 .
Xil Zahra Abdulkadir Abdirahman
Xubin
Arrimaha Ugu Muhiimsan Ee Guddiga Horyaalla.

Maadaama mustaqbalka dhaw lagu talo jiro in hay’adaha difaaca qaranku la wareegaan hawlaha hadda aan la kaashanno ciidamada AMISOM, waxaa lagama maarmaan ah in dhammaan hay’adaha ay khuseyso ama dowr ku leh arrimaha difaacaay si qotedheer uga doodaan, islana wada fahmaan oo si wadajir ahna isula meeldhigaan qorshaha cusub ee ku saabsan dhisamaha hay’adaha difaaca qaranka ama loo yaqaan ( the national security architecture).
Waxaase marag madoonto ah usoo if-baxaya in maalgelintii lagu maamulaayey AMISOM ay marba marka ka dambeyso hoos loo dhigayo, iyadoo hoos u dhigiddaasi eysan keenin wax kor dhigid u keenaya ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ama ciidanka ciidanka qalabka sida  guud midna.
Ifafaalahaas ayaa lagama maarmaan ka dhigaya in aan u baahannahay in aan dib ugu fiirsanno maareynta xiriirka aan la leenahay dowladaha iyo hay’adha gobolka Geeska Afrika oo dowr ku leh arrimaha difaaca dalka. Sidaas darteed waxaa habboon in guddigu arrinkaan u kuurgalo, xukuumaddana kala xaajoodo sida ugu habboon oo waxtarka xiriirka iskaashi loo wanaajin karo, deedna warbixin ugu diyaariyo guddiga joogtada ah iyo kulanka guud ee Golaha Shacabka.
Hawlaha Loo Baahanyahay In Guddigu Diiradda Saaro.
 

  • In uu dib u eegis ku sameeyo shuruucda lagu dhisay iyo kuwa lagu maamulo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee hoos yimaada wasaaradda difaaca iyo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
  • In uu abaabulo cilmi baarisyo kala duwan kuna sameeyo sida ugu wanaagsan ee uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda iyo hawlaha iyo xilalka guddigan loo igmaday.
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan qorshaha horumarinta qaranka 3-da sano.
  • In uu fuliyo korjoogteynta howlaha ay fuliyaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda oo guddiga xil ahaan ugu abbaaran.
  • In uu si mideysan golaha ugu soo diyaariyo warbixinno hawl-gallada guddiga si kulanka guud ee goluhu ugu doodo oo guddigu u jiheeyo.
  • La xariiridda iyo xogsiinta baarlamaannada dolwad gobolleedyada.
 
Xigasho: Buugga Qorshe-Hawleedka Guddiyada Golaha Shacabka 
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Hussein Arab Isse
Guddoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Mohamed Hussein Isak Afarale
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Sadik Hirsi Warfa
Xoghayaha
4 .
Xil Abdillahi Bidhan Warsame
Xubin
5 .
Xil Abdiweli Mohamed Qanyare
Xubin
6 .
Xil Abdullahi Hussein All
Xubin
7 .
Xil Ahmed Mayow Abdulle "Ruush"
Xubin
8 .
Xi l Ahmed Moalim Fiqi Ahmed
Xubin
9 .
Xil Ahmed Mohamed Jama
Xubin
10 .
Xil All Mohamed Omar
Xubin
11 .
Xil Botan Isse Alin
Xubin
12 .
Xil Leeban Osman Abdirahman
Xubin
13 .
Xil Mohamed Omar Aimoy
Xubin
14 .
Xil Osman Elmi Boqore
Xubin
15 .
Xil Said Mohamed Mohamud Haid
Xubin
16 .
Xil Sandhere Mohamed Iftin
Xubin
17 .
Xil Sareda Mohamed Abdalla
Xubin
ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL

Wax-soosaarka beeraha waa horseedka horumarinta dhaqaalaha dalka. Inka badan sadax-meelood-labo (2/3) cududda muruqmaalka soomaaliyeed waxay ka shaqaystaan beer-tacbashada, oo soo saara in ka badan 60% ka mid ah dhaqaalaha soomaaliya. Haseyeshe, dhowr iyo labaatankii sano dawladda dhexe ee dalku burburtay lana galay dagaal sokeeye, iyo waxyeello loo geystay bey’dda, iyo gacan ku hayntii maamulka dawladda lagu maarayn jiray beeraha oo la dayacay, waxay hoos u dhac weyn u geysteen dhaqaalihii Soomaaliya kasoo geli jiray was-soosaarkii beeraha. Badar soo-saarkii gobollada koofurta Soomaaliya waxaa hoos u dhac ku riday roob yari iyo dhowr xilliyo abaareed oo isdabajoog ah iyo baaxaddii dhulbeereedka la tacbi jiray oo yaraaday, taas oo sabab u ah in dad badan oo ka mid ah bulshada beeraleyda oo ku biiray barakacayaasha ama u qaxay dalalka deriska ah si ay uga badbaadaan dagaaladii sokeeye iyo milishiyaadka ku hardamayey. Mashaakilka iyo aafooyinka kor ku xusan oo ay u dheer tahay fatahaadda webiyada gobollada qaarkood ku dhacay, waxay sababeen in Soomaaliya manta lagu tiriyo dalalka addunka dawladaha cunto soo-saarkooda isku fillayn, oo ay ka jirto macluusha iyo nafaqodarrada ugu daran. In kasta oo dhibaatooyinka iyo aafooyinkaasi jiraan, dhaqaalaha Soomaaliya iyo waxsoo-saarka beeraheeda wuxuu uga soo kabsoomi kara haddii khilaafaadka jira dhakhso loogu dhammeeyo dib-u-heshiisiinta bulshada, oo nabad, amniga iyo xasilloni dalka loo sugo, taas oo fursad u siinaysa in barakacayaasha ku jira xerooyinka dalka gudihiisa iyo dadka qaxootiga ku jira xerooyinka dalaka shisheeye oo horey uga mid ahaa bulshada beeralayda iyo xoola dhaqata in ay u noqdaan degaannadooda iyo dib-u-dhiska noloshooda iyo dib-u-fufidda beer tacbashada, xoolo dhaqashada, iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha soomaaliyeed iyo horumarinta reer-miyiga, ayadoo si buuxda looga faa’deysano dhul-beereedkeena Allahu Swt nagu maannaystay, oo joqraafi ahaan iyo bey’ad ahaanba aad ugu roon beertacbashada una wanaagsan xooladhaqashada.

Soomaaliya waxay leedahay xaybta ugu dheer ee qaaradda Afrika. Muddadii ka horreysay 1991-kii dalka wuxuu lahaa goobo badan oo laga kallumaysto Tuunada, aragoostada iyo noocyo kala duwan oo ka mid ah kalluumada ugu qaalisan ugua tayo fiican oo sayladaha kallunka ee dalka iyo kuwa caalamkaba loo suuqgeyn jiray. Inkastoo ay Dawladdu dejisay sharciga kalluumaysiga, kuna dadaashay in ay bulshada kalluumaysatada kala shaqayso kordhinta wax-soo-saarka kalluumaysigana iyo hormarinta ganacsiga kalluumaysiga, waxa keliya ilaa hadda gobollada dalka qaarkood ka hirgalay waa heshiisyo lala galay maraakiibta kalluumaysiga ay leeyihiin shirkado Reer-Yurub ah iyo Aasiya. Qorsho horumarineed lagu hirgeliyo horumarinta beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga waxaa badanaaba horjooga (a) hay’adaha dawladda dhexe oo si karti u leh u maamula si adagna u maareeya horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dawladda kazoo geli lahaa qaybahan oo meesha ka maqan; (b) iyadoo aanay jirin wax dhiirrigelin dhab ah oo lagu dhiso kobcinta wax-soo-saarka qaybahan dhaqaale; iyo (c) ayadoo aam jirin darasaad iyo cimibaarista lagu raadinayo xogagta lagu hormarinaayo qayvabahan iyo nidaam xogta loogu gudbiyo bulshooyinka beeralaydam xoolo dhaqatada iyo kalluumaysatada.

HAWLAHA LOO BAAHAN YAHAY IN GUDDIGU DIIRADDA SAARO

In uu abaabulo Cilmi-baarisyo kala duwan ku sameeyo sida ugu wanaagsan uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda iyo hawlaha iyo xilalaka Guddigan loo igmaday;
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loo baahan yahay in lagu soo daro Qorshaha Horumarinta Qaranka 3-da sano;
In uu fuliyo korjoogtaynta hawlaha ay fulinaya Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo Guddiga xil ahaan ugu abbaaran; iyo
  • In uu si muddaysan Golaha ugu soo diyaariyo warbixinno hawlgallada Guddiga si Kulanka Guud ee Goluhu uga doodo Guddigana uu u jiheeyo.
  • La xiriiridda iyo xogsiinta Baarlamaanada Dowlado-Gobolleedyada.
  • Dabagalka dhaqangelinta shuruucda Kalluumeysiga iyo Beeraha ee horey Baarlamaankii 9-aad ansixiyey.
Tir
Magaca
Xilka
1.
Xil Mohamed Ali Omar Ananug
Gudoomiyaha Guddiga
2.
Xil Adam Ibrahim Dhayow
Gudoomiye ku-xigeen
3.
Xil Ibrahim Mohamed Hussein Bulle
Xoghayaha
4.
Xil Abdiaziz Abdullahi Mohamed
Xubin
5.
Xil Abdulkadir Hassan Sheikh Aden
Xubin
6.
Xil Ahmed Ismail Waberi
Xubin
7.
Xil Ali Ahmed Sharif Osman
Xubin
8.
Xil Bibi Khalif Mohamed
Xubin
9.
Xil Hassan Abdi Ismail
Xubin
10.
Xil Hassan Moalim Mohamud Sh. Ali
Xubin
11.
Xil Idiris Abdi Taktar
Xubin
12.
Xil Mohamed Abdi Hayir Mareye
Xubin
13.
Xil Mohamed Hassan Ibrahim Qone
Xubin
14.
Xil Mohamud Ali Magan
Xubin
ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL

Soomaalidu waa ummad dhaqan u leh ganacsiga, wuxuuna ka mid yahay arrimaha yar oo burburkii dawladda dhexe uusan saamayn ku yeelan. Dalka wuxuu leeyahay oo Allahu Swt ku mannaystay dhammaan waxyaalaha lagama maarmaanka u ah horumar dhaqaale iyo ganacsiga, oo ay ka mid yihiin ganacsato iyo muruqmaalka aadanaha ah ee u hawlgala ganacsiga, dhul juqraafi ahaan ku yaal meel istrateeji ah, dal dhulkiisu khayraadka dabiiciga ku dahan yihiin, webiyo iyo bad leh xeeb dheer. Haseyeeshee, nidaaminta, maamulka iyo maaraynta dhaqdhaaqa iyo isdhaafsiga dhaqaale iyo ganacsiga ka jira dalka badankiisu kuma jiro gacanta maamulka iyo maaraynta dawladda. Saa daraadeed waa lagama maarmaan in arrinka wax iska beddelaan oo loo hawlgala sidii dhaqankan loo beddeli lahaa.

Guud ahaan, dhaqaalaha Soomaaliyeed aad buu u hooseeya, taasoo keentay in dhallinyarada dalka in u diyaar ah in la hawlgeliyo ay badankood shaqo la’aan yihiin. Waxaa dalka ka jira fursado badan haddii la maalgeliyo keenaya horumar dhaqaale, gacansi iyo abuuridda fursado shaqo. Saa daraadeed waxaan u baahan nahay in la dejiyo Qorshaha Horumarinta Dhaqaalaha. Waa mas’uuliyad baarlamaani ah in aan xaqiijino in xukuumaddu soo dejiso Qorshahe u abaaran kobcinta dhaqaalaha qaranka, maalgashiga gudaha iyo dibeddaba iyo warshadaynta dalka.

HAWLAHA LOO BAHAN YAHAY IN GUDDIGU DIIRADDA SAARO

  • In Guddigu la hawlgalo xukuumadda sida loo soo celin lahaa dowrka xukuumadda, oo ah in ay tahay hay’adda keliya sharci u leh cashuur-ururinta, ganacsatadana loo kalsoonigeliyo looguna wacyigeliyo dowrka ay ku leeyihiin hormurinta dalka iyo waajibkooda cashuur-bixinta.
  • Si Goloha uu xog ogaal u noqdo, in Guddigu la hawlgalo xukuumadda oo la keeno xogwarran tifaftiran oo ku saabsan xaaladaha ay ku sugan yhiin warshadihii dawladda lahayd ilaa 1990-kii iyo Tabaha dib loogu soo noolayn karo;
  • In la soo aruururiyo xogta warshadaha gaarka loo leeyahay si loo ogaado kaalintooda ku aaddan horumrinta dhaqaalaha;
  • In uu abaabulo Cilmi-baarisyo kala duwan ku sameeyo sida ugu wanaagsan uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda, hawlaha iyo xilalka Guddigan loo igmaday;
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loo baahan yahay in lagu soo daro Qorshaha Horumarinta Qaranka 3-da sano;
  • In uu fuliyo korjoogtaynta hawlaha ay fulinayaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo Guddiga xil ahaan ugu abbaaran; iyo ka warhaynta xaaladaha iyo sida loo hormarin karo ganacsiga iyo warshadaha dowladda iyo kuwa gaar ahaan loo leeyahay ee dalka ka jira;
  • In uu si muddaysan Golaha ugu soo diyaariyo warbixinno hawlgallada Guddiga si Kulanka Guud ee Goluhu uga dooddo Guddigana uu u jiheeyo.
  • La xiriiridda iyo xogsiinta Baarlamaanada Dowlado-Gobolleedyada.
  • Dabagalka dhaqangelinta shuruucda Ganacsiga, Dhaqaalaha, Maalgeshiga iyo Warshadaha ee horey Baarlamaankii 9-aad ansixiyey.
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Mohamud Abdirahman Beenebene
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Dahir Mohamud Muse
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Ahmed Mohamud Sh. Muhamed
Xoghayaha
4 .
Xil Deka Hussein Hassan
Xubin
5 .
Xil Maryam Haji Abdi Gedi
Xubin
6 .
Xil Mohamed Abdullahi Kamil
Xubin
7 .
Xil Mohamed Nureni Bakar
Xubin
8 .
Xil Prof. Ahmed Ismail Shabel
Xubin
9 .
Xil Qasim Mohamed J ama
Xubin
10 .
Xil Sadia Areis Isse Karshe
Xubin
11 .
Xil Sadiq Abdikarim Haji Ibrahim
Xubin
12 .
Xil Saido Mohamed Hassan
Xubin
13 .
Xil Warsame Mohamed Hassan
Xubin
14 .
Xil Muse Said Jama
Xubin
15 .
Xil Zakaria Hussein Arreh
Xubin
Arrimaha Ugu Muhiimsan ee guddiga Horyaalla
 
Warfaafinta iyo isgaarsiintu waa qaybo dowr weyn ku leh horumarinta  Soomaaliya guud ahaan iyo horumarinta wacyigelinta dadweynaha, hiddaha iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan.

Nasiib wanaag, warshadeenna isgaarsiinta, labadeeda qaybood ee warbaahinta iyo wertabinta waxay muddooyinkan dambe gaareen horumar la taaban karo, waxaase lagama maarmaan ah in Golaha Shacabku fiiro gaar ah u yeesho ahmiyadda uu leeyahay dejinta shuruuc nidaamiye qaybahan oo saameyn baaxad ku leh kaabidda dhaqaalaha qaranka, dawr weynna ku leh horumarinta adeegyada iyo dhaqanka Bulshada.

 
Howlaha ugu muhiimsan ee guddigan horyaalla.
 
  • In guddigu abaabulo oo hubsado in dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaar ahaaneed, bulshada rayidka iyo kuwa dowr iyo dan ku leh arrimaha isgaarsiintaba laga talageliyo dajinta sharciga lagu maamulayo isgaarsiinta qaranka.
  • In guddigu dib u eegis ku sameeyo sharciga isgaarsiinta qaranka
  • In uu cilmi baaris ugu dhabba galo sida ugu habboon ee dhaqan wanaagga isgaarsiinta dalka looga hirgalin karo.
  • In guddigu daraasad ku soo sameeyo sida ugu habboon ee loo daryeeli karo goobaha taariikhda ummadda la xariira.
  • In sidoo kale guddigu sameeyo daraasad ku saabsan sida ugu wacan ee loo soo nooleyn karo hiddaha iyo dhaqammada soo jireenka ah ee Soomaaliya, una soo gudbiyo kulanka guud ee golaha.
  • In uu korjoogteeyo howlaha ay fulinayaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda ooku abbaaran xilalka guddiga loo igmaday.
  • La xiriiridda iyo xogsiinta baarlaamaannada dowlad-goboleedyada.
 
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Khalid Maow Abdulkadir
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Amina Omar Jama
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Jibril Abdirashid Haji Abdi
Xoghayaha
4 .
Xil Abdiaziz Elmi Ali
Xubin
5 .
Xil Abdikadir Mohamed Osman
Xubin
6 .
Xil Abdirashid Dahir Gabobe
Xubin
7 .
Xil Abdisabir Nur Shuriye
Xubin
8 .
Xil Abdo Mah Farah
Xubin
9 .
Xil Ali Mohamed Muse
Xubin
10 .
Xil Faysal Abdille G uled
Xubin
11 .
Xil Guleid Aidarus Egge
Xubin
12 .
Xil Hassan Ali Mohamed "Amardambe"
Xubin
13 .
Xil Hussein Kasim Yusuf Iidow
Xubin
14 .
Xil Mohamed Ali Hussein "Daqare"
Xubin
15 .
Xil Mohamed Jama Mursal
Xubin
16 .
Xil Mohamud Abdullahi Ahmed
Xubin
17 .
Xil Mohamud Mohamed J imale
Xubin
ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL

Maadaama Soomaalidu dhaqan ahaan dhaqaaleheedu ku dhisan yahay ganacsiga waxaa lagama maarmaan ah in guddigu diirradda saaro horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka. Saa daraadeed arrimaha ugu muhiimsan ee Guddigu horyaal waxaa ka mid ah in uu darso oo hubiyo halka qorshaha xukuumaddu kaga jiro dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha oo fududeynayo gacansiga gudaha iyo dibadda, kuwan oo dowr wey ku leh kobcinta dhaqaalaha iyo isu socodka dadweynaha. Haddaba, dib-u-dhisidda, dayactiridda iyo joogtaynta gacan ku haynta waddooyinka, dekedaha iyo gegooyinka dayuuradaha, kuwa hadda jira iyo kuwa cusub casriga ah oo lagu talojiro in la dhiso waxaa loo baahan yahay in loo hawlgalo lana siiyo mudnaanta koowaad.

Burburkii ha hor Soomaaliya waxay lahayd wadooyiin waaweynoo gaarayey 4,296km oo 2,525km ay aheeyen wadooyiin laami ah. In kastoo xogta xaaladdda ay hadda ku sugan yihiin la aan la heynin waxaase qiyaasi karnaa in badankooda burbureen maadaama wax dayactir ah aan lagu sameyn muddo 30 sanadood ku dhaw, sida khubarrada ku takhasusay arrimaha wadooyinka waxay qiyaas ahaan ku taliyeen in Soomaaliya ay u baahan tahay iney yeelato ugu yaraan 22,000km oo laami ah. Taageerooyin caalami ah ayaa sanooyinkii dhowaa la helay ama u qorshaysan maalgelin ay noogu deeqeen dawlado aan saaxiibbo nahay oo ay ka mid yihiin dowladaha Turkiya, Shiinaha, Jarmalka iyo dawladaha Carabta qaarkood, haseyeeshee weli ma lihin istratejiya qarameed aan ku kala mudnaansiino dhismaha mashaariicda kaabayaasha dhaqaale oo fulintooda horetebinta noo leh iyo nidaam siyaasadeed aan uga faa’deysano deeqahan caalamiga ah.

Waa mas’uuliyad Baarlamaan ahaan noo saran in aan hubino in xukuumaddu la timaaddo istratejiyad xaqiijineysa habka loo fulinayo mashaariicda iyo siday horetebinta iyo mudnaan u kala leeyinhin. Soomaaliya manta ma laha awood ay ku maarayso kontroolka hawadeeda sare, badaheeda iyo xuduudaha dhulka. Dekedaheena iyo Gegooyinkeenaba waxaana loogu dhaqmaa illo lagu gurto dakhliga kasoo gala keliya. Waxaa lagama maarmaan ah in aan aragtidaas kooban aan beddelno oo dib-u-eegis ku samayno loona dejiyo istratejiyad hay’adahan muhiimka ah ka dhigaya kuwo dowr weyn ku leh horumarka iyo sugidda amniga dalka.

Burburkii ka hor wax soosaarka tabarka dalkeenu lahaa waxay gaarsiineyd 54.3 MW. Ma ahayno awoodda wax soosaarka maanta uu leeyahay dalkeena. Waxaa lagama maarmaan ah in aan fiiro gaar ah u yeelana horumarinta maamulka iyo maaraynta tamarta, gaadiidka dhulka, cirka iyo badda oo dadkeenu baahi weyn u qabo nidaamintood, iyo joogteynta dayactiridda iyo gacan ku heynta dekedaha maraakiibta. Waxaa kaloo jira in aan xog sugan oo tifaftiran laga haynin hantida maguurtada ah ee dowladdu lahayd oo ka mid yihiin Guryo, Xerooyiin, Beerro, iwm. Saa daraadeed waa lagama maarmaan in la helo xogta iyo xaaladda ay hadda ku sugan yihiin.

  HAWLAHA LOO BAAHAN YAHAY IN GUDDIGU DIIRADDA SAARO • In uu abaabulo Cilmi-baarisyo kala duwan ku sameeyo sida ugu wanaagsan uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda iyo hawlaha iyo xilalaka Guddigan loo igmaday;
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loo baahan yahay in lagu soo daro Qorshaha Horumarinta Qaranka 3-da sano;
  • In uu la howlgalo Xukuumadda sida ugu dhakhsaha badan oo Maamulka iyo Maareynta Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya loogu soo celiyo gacanta Dowladda.
  • In uu fuliyo korjoogtaynta hawlaha ay fulinaya Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo Guddiga xil ahaan ugu abbaaran; iyo
  • In uu si muddaysan Golaha ugu soo diyaariyo warbixinno hawlgallada Guddiga si Kulanka Guud ee Goluhu uga doodo Guddigana uu u jiheeyo.
  • La xiriiridda iyo xog-siinta Baarlamaannada Dowlado-Gobolleedyada;
TIR
MAGACA
XILKA
1.
Xil Abdifatah Ismael Tahir
Gudoomiyaha Guddiga
2.
Xil Farhiya Hassan Ahmed
Gudoomiye ku-xigeen
3.
Xil Farhia Mumin Ali
Xoghayaha
4.
Xil Abdirahman Ahmed Suge
Xubin
5.
Xil Abdulkadir Gafow Mohamud
Xubin
6.
Xil Abdullahi Ali Ahmed
Xubin
7.
Xil Ali Ahmed Jama Jengali
Xubin
8.
Xil Hashim Nor Adam
Xubin
9.
Xil Isgowe Derow Isak
Xubin
10.
Xil Mohamed Mursal Sh. Abdirahman
Xubin
11.
Xil Mohamed Omar Dalha
Xubin
12.
Xil Sahra Jama Ali Qorshel
Xubin
13.
Xil Said Nur Qailie
Xubin
14.
Xil Yurub Ahmed Raabi
ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL

Soomaaliya waa dal khayraadka dabiiciga hodan ku ah oo welina dahan. In ka faa’ideysigiisa la bilaabo waa arrin muhiim ah oo dadkeena u aad ugu baahan yahay. Waxaa sahan hore lagu hubiyey goobo badda iyo berrigaba ka mid ah, oo ay ku kaydsan yihiin macdanta, saliidda cayriinka ah iyo gaaska dabiiciga ah, haseyeeshe, soosaariddooda iyo ka faa’deysigoodaba ma suurtogelin ilaa hadda. Maamulka bixinta Ruqsadaha, sahaminta iyo soo saariddoodaba waxaa loo maamulay ama lagu bixiyey siyaalo aan si buuxda loogu qanacsanayn una daahfurnayn. saa daraadeed, in ruqsadaha horey loo bixiyey iyo kuwa la bixin doonaba waa lagama maarmaan in loo dejiyo nidaam cad sharciga waafaqsan oo laga wadawarqabo. Sidoo kale waxaa habboon in xukuumadda Federaalka iyo kuwa Dawlado-Goboleedyada ay ka soo wada xaajoodaan islan soo meeldhigaan nidaamka looga wada faa’ideysanyo loona wadaagayo khayraadka dabiiciga ah, soojeedintooduna soo gaarsiiyaan Golaha si loo ansixiyo loona dhaqangeliyo.

Waxaa dalkeena Alla ku maneeystay biyo aad u baaxad weeyn oo iskugu jira biyo Wabi, biyo roob oo aan la maareeyn, iyo biyo dhulka hoostiisa ku jira oo si wacan aan looga faa’idaysan. Taasoo haddii si agaasiman maareyntooda loo nidaamiyo xaaladdaha abaaraha, oomanaha iyo nabaadguurka dalka ku sugan yahay looga bixin karo.

Nidaamintaas oo haddii si wacan loo agaasimo dowr weyn ka qaadanayo maareynta bay’adda iyo daryeelka duurjoogta.

HAWLAHA LOO BAAHAN YAHAY IN GUDDIGU DIIRADDA SAARO

In uu abaabulo Cilmi-baarisyo kala duwan loogu kuurgalayo sida ugu wanaagsan uu caalamku ugu dhaqmo shuruucda iyo hawlaha iyo xilalaka Guddigan loo igmaday;
  • In uu darso hawlaha xil ahaan ugu abbaaran ee ku xusan ama loo baahan yahay in lagu soo daro Qorshaha Horumarinta Qaranka 3-da sano;
  • In uu fuliyo korjoogtaynta hawlaha ay fulinaya Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda oo Guddiga xil ahaan ugu abbaaran; iyo
  • In uu si muddaysan Golaha ugu soo diyaariyo warbixinno hawlgallada Guddiga si Kulanka Guud ee Goluhu uga doodo Guddigana uu u jiheeyo.
  • In Guddigu la hawlgalo Xukuumadda soona uruuriyo xog ku tifaftiran ruqsadaha sahminta iyo soosaaridda khayraadka dabiiciga ah ee horey loo siiyey shirkadaha caalamiga ah ee heerka uu marayo howlgalkoodu iyo/ama fulinta heshiiska; iyo
  • La xiriiridda iyo xogsiinta Baarlamaanada Dowlado-Gobolleedyada
 
Tir
Magaca
Xilka
1.
Xil Abdullahi Godah Barre
Gudoomiyaha Guddiga
2.
Xil Abdifatah Mohamed All
Gudoomiye ku-xigeen
3.
Xil Dahir Abdi Abdullahi "Dr. Go"
Xoghayaha
4.
Xil Abdukadir Aden Nur
Xubin
5.
Xil Abdullahi Abukar Haji
Xubin
6.
Xil Amina Hassan All
Xubin
7.
Xil Daud Mohamed Omar
Xubin
8.
Xil Hamza Said Hamza
Xubin
9.
Xil Jawahir Adawe Abdi
Xubin
10.
Xil Hassan Abdinur Abdi
Xubin
11.
Xil Lutfi Sheriff Mohamed Omar
Xubin
12.
Xil Mohamed Abdullahi Farah
Xubin
13.
Xil Mohamed Ahmed Abtidoon
Xubin
14.
Xil Musa Ahmed Ismail
Xubin
15.
Xil Zakariya Hassan Sh. All
Xubin
16.
Xil Yusuf Hussein Ahmed
Xubin
ARRIMAHA UGU MUHIIMSAN EE GUDDIGA HORYAAL

Xeer-Hoosaad la’aantiis Baarlamaanku ma shaqeyn karo hawlihiisna si hagaagsan uma fulin karo. Maadaama Xilka ugu muhiimsan hay’adda sharcidejintu yahay in uu dejiyo shurucda dalka oo dadka oo dhan laga doonaayo ina ay u hoggaansamaan, saa daraadeed Baarlamaanku waa inuu noqda hay’adda ugu horreysa oo u hoggaansan XeerHoosaadka Golaha iyo shuruucda dalka. Xeer-Hoosaadka Goluhu waa warqad nool oo kalfadhi walba lagu sameeyo dib-u-eegis lagu xeerinaayo hadba wixii cusub oo khibrad hawlgalada lagu kasbado. Waxaa jira saddax arrimood muhiim ah oo loo baahan yahay in guddiga fiiro gaar ah u yeesho, daraasad dhab ahna Golaha ugu soo sameeyo, kuwaas oo kala ah: -
  1. a) Horumarinta axkaamta/cutubyada la xiriira Anshaxa Xildhibaannada;
  2. b) Ku xadgudubka axkaamta Xeer-Hoosaadka; iyo
  3. c) Dejinta axkaamta xeerinaya xiriirka shaqo iyo habraaca sharcidejinta u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.
ARRIMAHA LA XIRIIRA ANSHAXA XILDHIBAANADA Guud ahaan Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya wuxuu ku amaanan yahay in waajibaadkiisu ku soo gutay deggenaan, hawlaha baarlamaaniga ahaana ku soo fuliyey si wanaagsan, in kasta oo ay jireen xaalado siyaasadeed oo xasaasi ahaa una baahnaa xallin loo maray doodo qoddadheer oo baarlamaani ah. Xildibaannaduna waxay ahaayeen geesiyaal aad u dhiirran oo ku mintida fulinta hawlaha loo xilsaaray, In kasta oo ay xaalado amnidarro ah jireen, hadana badankood marna kama gaabin gudashada xilka baarlamaniga ah ee loo igmaday. Haseyeeshee, ayada oo laga cibrad qaadanayo dhaqananshaxeedka xildhibaannada qaarkood usoo dhaqmeen, loogana sii gaashaanto dhaqananshaxeedyada aan Golaha u habbooneen waxaa lagama maarmaan ah in dib-u-eegis lagu sameeyo axkaamta xeer-hoosaadkeena oo la xiriira arrimaha anshax-wanaagga Golaha iyo anshax-marinta xildhibaannada.

Guud ahaan Baarlamaankii 9-aad wuxuu sideeddi Kalfadhi ee xilhayntiisa affarta sano soo yeeshay 347 kulan. Muddadaas iyada ah 24 xildhibaan baa maqanaaday in ka badan boqol (100) maalmood, afar iyo lixdan (64) in ka badan konto (50) maalmood maqnaayen. Dhaqankan oo kale ma aha mid la oggolaan karo ama ay sii jiraan xildhibaano ka shaqaysta xilka Xildhibaannada loo igmaday aan ahayn amaba ka shaqaalaysan hay’ado kale ama ayagoo dalka ka maqan hadana bil walba qaata gunnada iyo xuquuqda kale ee xildhibaannada asaga oo wax shaqo, xil ama adeeg uu dadweynaha u fulinaayo jirin. Sii jiridda gaboodfaladan xilkasnimodarrada ah ma aha mid laga indhaqabsan karo. Ku-xad-gudubka noocan ah ee Xeer-Hoosaadka lagu xadgudbo waa in Goluhu xeeriya qodobbo ciddii ku kacda si adag loogu mudanmariyo.

 
Tir
Magaca
Xilka
1 .
Xil Mohamud Moalim Yahye
Gudoomiyaha Guddiga
2 .
Xil Fadumo Farah Ibrahim
Gudoomiye ku - xigeen
3 .
Xil Sharmarke Saleban Bur ale
Xoghayaha
4 .
Xil Abdulaziz Abdullahi Yusuf Dhagaqool
Xubin
5 .
Xil Ahmed Dhimbil Roble
Xubin
6 .
Xil Asho - kos Mohamud Omar
Xubin
7 .
Xil Deko Said Hassan
Xubin
8 .
Xil Farah Abdi Hassan
Xubin
9 .
Xil Hamza Sheikh - Hussein Olow
Xubin
10 .
Xil Hiis Hassan Adan
Xubin
11 .
Xil Isak Mohamed Mohamud Aboow
Xubin
12 .
Xil Jeylani Nur Ikar Sh. Sufi
Xubin
13 .
Xil Khalif Abdi Omar
Xubin
14 .
Xil Mohamed Said Abdilahi
Xubin
15 .
Xil Samiro Hassan Abdulle
Xubin
16 .
Xil Sayid Ali Abdulkadir Moalim
Xubin
17 .
Xil Sheikh Shair Sheikh Mohamed
Xubin
18 .
Xil Yusuf Ibrahim Afrah
Xubin