Aqoonyahankii Yuhuudi Maraykanka ahaa ee Albert Einstein ayaa yiri; “Gebi-dhacleyntu waa ku celcelinta sameynta hal shey mar iyo marar badan adiga oo filanaya natiijo ka duwan tii hore”. Oraahdan waxa ay tilmaameysaa in caqliga toosani uusan ku nabnaanin hal qaab oo aan waxtar laheyn horena loogu guuleysan, iyada oo aan la sameyneyn wax isbaddel ah.
Waxaad mooddaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed in wali toobiyaha hayaan waddo aan faa’ido hore iyo nacfi la sheego midna aan laheyn, isbaddelkana uusan ku dhicin hab-dhaqankooda balse keliya isbaddelaan magacyada iyo xilalka ay hayaan. Maamulka dowladeed waxaa lagama maarmaan u ah dheelli-tirnaan iyo turxaan-bixin joogto ah, waxa ayna noqoneysaa jahwareer haddii aan la helin isbaddel gudaha ah oo aan wax ugu baddaleyno nafsaddeena.
Taas waxay kuusoo baxaysaa markii aad eegto nidaamka ka jira dalkeenna oo madaxda talinaysa iyo bulshada raacsan ay yihiin kuwo aan isla heyn xarigga wada-shaqaynta, islamarkaana aan saaxadda kusoo biirin habab cusub, xeelado, ama aragtiyo xallin karta caqabadaha jira, islamarkaana ku jiheyn karta horumarka iyo baraaraha dalkooda.
Haddana waxay dood ka taagan tahay halka loo tiirinayo eedda taagan – ma shacabka ayaan u bisleyn dowladnimada? Ma hoggaan dhab ah ayaan jirin? Mise dowladnimada ayaanba heysan toobiyaha toosan ee maamul wanaagga iyo wada-tashiga?
Su’aalahaas waxaa jawaab loo heli karaa marka la fahmo xaalka ay ku sugan tahay bulshadeenna, nooca nidaam dowladeed ee nagu habboon, iyo hoggaamiyaha aan u baahanahay si uu noogu gudbiyo xaaladdan cakirnaanta ah ee rubac qarniga ka badan dhex maquuraneyno.
Thomas Jefferson oo kamid ahaa aas’aasayaashii dalnimada Maraykanka ayaa leh kalmad xeel-dheer oo uu ku leeyahay: “Hadafka ugu weyn ee dowladnimada waa in ay dowladdu mudnaanta siiso daryeelka, wanaagga, iyo farxadda muwaadiniinteeda oo aysan u sababin waxyeello ama burbur” – waxaana intaas dheer inay dadkeeda ku kaalmeyso sidii ay ku xaqiijin lahaayeen liibaan waarta. Ereyga “dowladdu mudnaanta siiso” waxaa loola jeedaa in siyaasiyiintu xil iska saaraan horumarka iyo baraaraha dadkooda.
Haddii aad dib u milicsato, sooyaalka dhaqanka Soomaalida, waxaa kuusoo baxeysa in hab-maamulkii ay awoowayaasheennu kusoo dhaqmi jireen uu ahaa mid kamid ah kuwii ugu fiicnaa taariikhda, waayo waxa uu ku saleysnaa talo-wadaag, hoggaamin fudud oo aan ku dhisneyn xoog iyo is-maquunin iyo sidoo kale dhaqidda danaha la wadaago. Hayeeshe, ereyga siyaasad, oo ka tarjumaya ‘dowladnimada casriga’ waxa uu maqalka Soomaalida la kowsaday kaddib duullaankii gumeystayaashu ku soo galeen dhulkeenna.
Billowgii hore, ereygan waxa uu xambaarsanaa macno ka duwan kan maanta. Waxaa la weriyaa inay dhacday in nin kamid ah dadka degmo ku taalla koonfurta Soomaaliya oo waxgaradka ku jiray loogu yeeray inuu matalo degmadooda. Markii uu cabbaar ka dhaga adeygay ayaa lagu yiri; ‘Faataxo ku gal’. Sidaas ayaana uu ku matalay gobolkiisa—isaga oo magaca hebel Faataxo loo bixiyay. Maanta, cidna siyaasadda ku baryi meyso cid kale. Qof kasta oo awooodi kara inuu siyaasi noqdana wuxuu u huraa hantidiisa iyo xitaa naftiisa.
Sidaas oo ay tahay waxaad mooddaa in dadkii waagii hore ku jiri jiray siyaasadda ay ka hufnaan badnaayeen ayna ka han weynaayeen kuwa hadda siyaasadda nagu matala. Waagii hore siyaasaddu ma aheyn meherad loo shaqo tago iyo ganacsi faa’ido laga uruursado, ma aysan aheyn aalad loo adeegsado dano gaar ah, dano shisheeye iyo dano sharcidarro ah. Waxaa muuqaneysa in la macno tiray siyaasaddii, oo haatan qaanad kula jirto tilmaan kasta oo liidata sida musuq, nin-jecleysi, khiyaano, kutakrifal awood, caddaalad-darro, kala-irdheyn, anaaniyad iwm.
Haddaba waa maxay sifooyinka uu leeyahay siyaasiga wanaagsan? Dabcan ‘hoggaamiyaha aan u baahannahay!’
Sida ay soo wariyaan culimada siyaasadda iyo khubarada arrimaha hoggaaminta, qof kasta oo leh kartida, aqoonta iyo tayada uu wax ku qaban karo, ku abaabuli karo, fikrad cusub ku curin karo, islamarkaana garanaya halka uu hayaanku u wado – doonayana inuu dhaxal uga tago dadkiisa – ayaa mudan in loogu yeero Hoggaamiye. Hoggaamintuna waxa ay geli kartaa dhan walba oo nolosha kamid ah, sida ganacsiga, arrimaha-bulshada, waxbarashada, caafimaadka, ciyaaraha, dagaalka iyo dhinacyada lamidka ah oo kuma koobna siyaasadda iyo xukunka.
Hase yeeshee marka laga hadlayo, hoggaaminta siyaasadda oo ah midda aasaaska u ah qeybaha kale oo dhan, dhibta ugu weyn ee haysata maamulka Soomaalida waa inay is-qaban la’yihiin laba arrin oo kala ah: aqoon iyo ammaano.
Markii Nabi Yuusuf uu arkay inay dhulkii Masar ay kusoo socoto 7 sano oo roob la’aan ah, isaga oo kaashanaya cilmiga Alle ku manneystay wuxuu boqorkii Masar weydiistay inuu ka yeelo midka lagu aamino keydadka Masar iyo arrimaheeda maaliyadda – waxa uuna isku tilmaamay laba sifo oo kala ah: inuu yahay qof aqoon u leh shaqada uu qabanayo iyo inuu yahay aamin – aan ku sifoobin wax is-daba marin, eex, qiyaano iyo musuq-maasuq.
Isu-geyntaas ka kooban cilmiga lagu gardaadshay amaanada, waxay suurtagelisay badbaadada ummad dhan oo gaajo iyo haraad u baabi’i lahayd haddii aysan hesheen hoggaamiye aan aqoon u lahayn masuuliyada uu hayo amase amaano laheyn.
Waaqaca Soomaaliya, ma yara inta ku jirta xeyndaabka maamulka ee gaaray heerarka ugu sarreeya ee waxbarashada. Waxaad heleysaa dhaqaatiir, bunniyo ama professor-ro soo bartay dhinac kasta oo aqoonta lagu hodmo kamid ah. Balse, sida muuqata waxaa ka dhiman hal-sifo oo Ilaahay ku tilmaamay inay ku liibaanaan hoggaamiyaasha oo ah amaanada iyo caddaaladda.
Midka raba inuu hoggaamiye noqdo, waa inuu sidoo kale ku sifoobaa karti iyo daacadnimo. Sida ku jirta Suuratu-Qasas, markii Nabi Muuse uu xoolihii u waraabiyay gabdhihii xoolo-la-jirka ahaa, waxay markii ay kusoo laabteen gurigooda u sheegeen aabbahood, inay soo heleen nin karti iyo daacadnimo u saaxiib ah.
Inaad karti u leedahay waxa aad qabaneyso oo ay kaa go’an tahay xaqiijin dhab ah adiga oo u maraya waddooyinka Ilaahay raalliga ka yahay, waxay sidoo kale hoggaamiyaha wanaagsan u tahay astaan aan duugoobin iyo dhaqan uu ku socdo marwalba.
Maanta oo aan waxkasta oo kale ugu baahi badannahay hoggaan wanaagsan oo naga samata bixiya xaaladaha adag ee sanooyinka na ragaadiyay, waxaa muhiim ah inaan ka taxadarno nooca hoggaan ee aan u xulaneyno inuu na jiheeyo, na maamulo islamarkaana noo adeego. markaas ayaan ka bixi karnaa dhibaatada aan ku jirno, kana gaashaaman karnaa kuwa horleh oo nagu habsada mustaqbalka.
Discussion about this post