(KALFADHI) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa 12-kii bishan Juun daah-furtay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo qaban doona cabashada shacabka, haddii ay dadku xadgudubyo kala kulmaan hay’adda. NISA qoraal ay soo dhigtay boggeeda waxay ku sheegtay xafiiskaan inuu xoojin doono xiriirka shacabka, kalsoonina siin doono dadweynaha.
Raysul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo daah-furka xafiiska ka qeyb galay ayaa sheegay in ay hay’addu horumar ballaaran ku tallaabsatay muddooyinkii la soo dhaafay, isagoo xusay in furitaanka Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha uu ka mid yahay guulaha ay hay’addu gaartay.
Wuxuu xusay in Hay’adda NISA waqtigaan la joogo ay awood buuxda u leedahay inay dalka ka ilaaliso cadowga, isagoo ammaanay sida ay wada shaqeyn buuxda ula leedahay booliska, garsoorka iyo hay’adaha sharciga oo idil.
Raysul wasaare Xamsa ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta hay’adda inay dhisaan kalsoonida shacabka oo ay diyaariyaan habkii degdeg looga jawaabi lahaa cabashada shacabka iyo inay caddeeyaan habka loo marayo soo gudbinta cabashooyinka. Isagoo dhanka kale sheegay furitaanka xafiiska cusub ee NISA in laga leeyahay labo ujeeddo:
- In ay dadku cabashadooda soo gaarsiiyaan hay’adda haddii ay dareemaan xubnaha hay’adda oo ku xadgudbaya ama ku kacaya takrifal awoodeed.
- Iyo in ay dadku ka qeyb qaataan sugidda amniga, iyagoo soo gaarsiinaya xafiiska haddii ay arkaan habacsanaan ka muuqata shaqada xubnaha hay’adda ama xaalad amni-darro oo halis ah.
Dhanka kale, furitaanka Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha ee Hay’adda NISA waxaa soo dhaweeyay siyaasiyiinta qaar, waxa ka mid ah siyaasiyiinta qoraal ahaan barahooda bulshada uga falceliyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo yiri “Furitaanka xafiis ay dadweynuhu toos ugu gudbin karaan tabashada ay ka qabaan xadgudubyada ay galaan saraakiisha ama ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah, ku-takrifalka awoodeed, cadaalad-darrida, musuq-maasuqa iyo dhammaan dhaqamada dhaawici kara sumcadda hay’adda ama bani’aadannimada ka baxsan, waa tallaabo shacabka u fureysa illinka la xisaabtanka NISA.”
Aragtida Sharciyaqaanka
Garyaqaan Maxamed Cumar Gacal ayaa sheegay in furitaanka xafiiska garmaqalka dadweynaha ee NISA uu daba socdo isbeddelkii lagu sammeeyay hoggaanka hay’adda iyo sharcicgii dhowaan ay meel mariyeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaddibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu intaas raaciyay in ujeeddada xafiiskaan ay tahay isku soo dhoweynta hay’adda iyo dadweynaha iyo muujinta isbeddelka ku yimid shaqada NISA oo ay iminka leedahay sharci iyo bar ay dadku kala xiriiri karaan.
Wuxuu sheegay in Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay xilligii hore gashay xadgudubyo iyo tacaddiyo ka dhan ah shacabka, balse taas beddelkeeda ay waayadaan dambe ka shaqeyneyso dhaqidda dambiyadii kala duwanaa oo ay kula kacday shacabka.
Garyaqaanka ayaa tilmaamay in xafiiskaan uu ka mid yahay xafiisyada hoos tagaya hoggaanka NISA, sidaas darteedna kalsoonida lagu qabo ay ku xirnaan doonto sida uu u shaqeeyo ama uu ula fal-galo shacabka.
Wuxuu xusay inay ku fiicnayd xafiiskaan in loogu yeero Xafiiska Xiriirka Dadweynaha, maaddaama ay isku shaqo qaban doonaan sida ka muuqata hadalka mas’uuliyiinta.
“Xafiiskaan haddii magaciisa la eego waxaa ka muuqata in dadka yimaada ay caddaalad helayaan. Hay’ado caddaaladeed oo loo cabto haddii caddaalad-darro la tirsanayo, sharci ahaan dalka way ka jiraan, waxaana ka mid ah maxkamadaha iyo xafiiska xeer-ilaalinta,” ayuu yiri.
Wuxuu intaa raaciyay: “Marka waxaan is leeyahay haddii aan wax laga beddelin sida hadda loo faah-faahiyay ma noqon karo xafiis caddaaladeed. Isma lihi Xafiiska Garmaqalka NISA waa loo baahnaa waqtigaan. Hay’addu waxay ahayd in shaqadeeda ay xoogga saarto, ciddii cabasho ka qabtaana ay cabashadeeda la aado hay’adaha garsoorka dalka. Hadda waxay u muuqataa qeyb ka mid ah shaqadii garsoorka inay NISA qaadaneyso, marnaba suurtagal ma aha in la yiraahdo adiga ayaan kaa cabanayaa, isla adigii ayaana u cabanayaa. Hay’adda haddii laga cabanayo waxay ahayd in cid kale loo cabto, maaddaama uu dalku leeyahay hay’ado baaris iyo hay’ado cadaaladeed.”
Garyaqaan Maxamed Cumar Gacal ayaa sheegay in erayga ‘garmaqal’ sidiisaba loogu talagalay maxkamad, hay’addana ay la gudboonayd dacwadaha dhexdeeda ah inay guddiyo u sammeyso sida hay’adaha kale ee dowladda, maaddaama cidda NISA wax ka tirsanaysa ay aadi karto hay’adaha caddaaladda ee dalka.

Sidoo kale, garyaqaanku wuxuu xusay inay isaga la tahay ujeeddada ugu weyn ee xafiiska laga leeyahay marka laga tago dambi-dhaqa NISA, inay tahay agaasimaha hay’adda inuu la socdo guuxa dadweynaha.
Garyaqaan Gacal ayaa Kalfadhi u sheegay in Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha NISA uu mar walba u baahan doono maxkamadaha haddii cabashooyinka qaar aysan noqon kuwo hay’adda gudaheeda wax looga qaban karo.
Wuxuu tusaale u soo qaatay haddii xubnaha hay’adda iyagoo howlgal ku jira ay rasaas ridaan oo ay rasaastaas dad waxyeelleyso, suurtagalnimada ay uga falcelin karto NISA haddii dacwaddaas la soo gaarsiiyo Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha, “taasoo,” buu yiri “ah kiis u baahan inoo loo gudbiyo garsoorka kale ee dalka.”
Discussion about this post