• About
  • Guddiyada Baarlamaanka
  • Baro Xildhibaankaaga
No Result
View All Result
Kalfadhi
Advertisement
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Kalfadhi
No Result
View All Result
Home Falanqeyn

Kaalinta haweenka ee howlgallada ka socda dalka (Akhriso: Haddii aan ami jirin hooyo hurdimeyso)

Kalfadhi by Kalfadhi
October 4, 2022
in Falanqeyn
Reading Time: 2 mins read
0

Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sara-u-qaaday wacyigelinta bulshada ee la shaqeynta hay’addaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Todobaadyadii lasoo dhaafay ciidanka ayaa howlgallo lagula dagaallamayo al Shabab ka waday qaar kamid ah gobollada dalka.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaannada, ayaa al Shabab kala wareegay inkabadan 20 degmo oo ku kala yaalla gobollada Hiiraan, Galgaduud, Shabellaha dhexe iyo Bay.

Xoghayaha amniga iyo dib-u-heshiisiinta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Abshiro Axmed Maalin, ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin wacyigelinta bulshada, iyagoona ku dhiirageliya bulshada aan falansaneyn la shaqeynta ciidanka, in ay garab siiyaan ciidanka.

“Waxaa doorkeenna kamid ah sidii aan ciidanka u gaarsiin laheyn sahayda cunto iyo caafimaad, lana booqdo dhaawacyada si loo muujiyo kaalinta haweenka.”

Marwo Abshiro ayaa hoosta ka xariiqday “Haddii aan ami jirin hooyo hurdimeyso.”

Guddoomiyaha gobolka iyo xubnaha ururka ee jooga gobollada, gaar ahaan gobolka Hiiraan, ayey ku ammaantay doorkooda ku aadan garab istaaga ciidanka ka dagaallamaya furimaha dagaalka.

Gabdho iyo haween la socda ciidankii dowladda ee qabsaday degmooyinka Moqokori iyo Yasoman oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa soo jiitay ammaanta shacabka ee baraha bulshada. Marwo Abshiro ayaa sheegtay in gabdhahaasi ay kamid yihiin ururka haweenka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa todobaadkii hore daah-furay ololaha Qaran ee doorka dhallinyarada ee dib-u-xoreynta iyo nabadeynta dalka.

Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo u-xil-saaran jiheynta, abaabulka, iyo ka faa’iideysiga awoodda caabboon ee dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa soo qaban-qaabisay munaasabad ay kasoo qeyb-galeen tobanaan dhallinyaro ah oo lagu daahfuray ololaha.

Qorshahan ayaa halku dheggiisu yahay “Dhallinyaradu ha jebiyaan derbiga cabsida” maadaama ay yihiin awood dihan oo haddii si wanaagsan looga faa’iideysto horseedi karta horumar in laga gaaro la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Xoghayaha amniga iyo dib-u-heshiisiinta Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Abshiro Axmed Maalin, ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista ololaha, iyadoona muujisay in ururka haweenka ay diyaar u yihiin sidii ay kaalintooda uga qaadan la haayeen ololaha.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab, ayaa dhankeeda ugu baaqday dhallinyarada, gaar ahaan gabadhaha in ay usoo baxaan taageerida ciidanka dowladda, maadaama doorka dhallinyarada uu awood badanyahay.

“Annaga waxaan khibrad u leenahay qaabkii shalay magaalada Muqdishu looga xorreynayay codwga, annagoo tegeynay Warmaxan ilaa Jowhar inta u dhaxeysa si aan u taageerto ciidanka. Muhiimadeena waxdaa ay aheyd in aan nabad ku seexano, isla markaanna carruurteena nabad ay wax ku bartaan”

“Mar walba waxaan aheyn gabdho u taagan in ay garab istaagaan ciidanka qaranka. Dadka waxaa ay nagu yaqaaneen gawaaridii ay ku xirnaayeen sameecahaha ee aan ku dhiiragelineyay ciidanka iyo shacabka, sida heesaha, buraanburrada iyo gabayada. Ciidanka ayaan siineynayay biyo iyo hilab lagu xir-xiray bacaha,” ayey tiri Marwo Jawaahir.

Hassan Istiila
Mogadishu, Somalia

Previous Post

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo Muuse Biixi Madaxweyne u aqoonsan dooni bisha dambe

Next Post

Madaxweynaha oo kala diray guddiyadda adeegga Garsoorka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa

Kalfadhi

Kalfadhi

Related Posts

Dood-Furan Kalfadhi Twitter Space
Falanqeyn

Dood Furan: La-dagaallanka musuqmaasuqa iyo kobcinta dowlad-wanaagga

June 30, 2023
Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux
Falanqeyn

Maxaad ka taqaannaa shaqada Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka?

June 26, 2023
Khudbadaha Naceybka (Hate Speech)
Falanqeyn

Khudbadaha Naceybka (Hate Speech)

June 26, 2023
Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha
Falanqeyn

“Iga cabo, ii soo cabo, caddaaladna iga hel suurtagal ma tahay?” Garyaqaan Gacal

June 23, 2023
Next Post
Madaxweynaha oo kala diray guddiyadda adeegga Garsoorka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa

Madaxweynaha oo kala diray guddiyadda adeegga Garsoorka iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa

Follow me on Twitter

Tweets by @kalfadhi_SO

AFTI

FALANQEYNTA SHARCIGA JINSIGA

cropped-Logo1-.jpg

Ku soo dhawoow bogga  ee Kalfadhi.com oo ah madal warbaahin oo madaxbannaan oo tebineysa arrimaha baarlamaanka iyo dowlad-wanaagga. Waxaad ka daawan kartaa kulamada, doodaha iyo shirarka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah.

Categories

  • Aragti
  • Baarlamaanka
  • Dowladda Hoose
  • English Articles
  • Falanqeyn
    • Warbaahinta & Dowladda
  • Hindise-Sharciyeedyo
  • Latest
  • Senator
  • Shuruuc iyo Hindise-Sharci
  • War-Saxaafadeedyo

Links

  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

Archives

© 2021 Kalfadhi.com

No Result
View All Result
  • Latest
  • Baarlamaanka
  • Falanqeyn
  • Shuruuc & Hindise-Sharci
  • Muuqaallo
  • Nala Soo Xiriir

© 2021 Kalfadhi.com