(KALFADHI) – Kalfadhiga 3-aad, kulankiisa 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow 3-dii bisha Juun 2023 ayaa lagu soo bandhigay mooshin ay soo gudbiyeen 97 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaasoo ahaa wax-ka-beddel lagu sameynayo qodobbo ku dhigan dastuurka kumeel-gaarka ah.
Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaaday mooshinka, qaarkood oo dood kala hor yimid ayaa sheegay inuu xoogga saarayo muddo-kordhin loo sammeynayo hay’adaha dowladda.
Guddoomiye Abshirow ayaa sheegay in mooshinka doodda dhaliyay ay xildhibaannada ku sixiixan soo gudbiyeen dhammaadkii kalfadhigii labaad. Wuxuu sheegay in mooshinka aan go’aan laga gaari doonin inta dood adag ay ka yeelanayaan xildhibaannadu.
Intaas kaddib Kalfadhi ayaa qabatay aragti is-dhaafsi ‘Twitter Space’ habeenkii 3-da Juun. Waxaa diiradda lagu saarayay muddo xileed-kororsiga hay’adaha dowladda oo xildhibaannada qaar ay ka dhawaajiyeen. Waxaa lagu casuumay Cabdifaraax Cabdullaahi Caraaye iyo Mursal Maxamed Khaliif oo labaduba ah xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka 11-aad.
Xildhibaan Cabdifataax oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay mooshinka ayaa Kalfadhi u sheegay in mooshinkii muranka dhaliyay uusan ahayn muddo xileed-kororsi, balse uu ahaa soo-jeedin la xiriirta wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameynayo dastuurka kumeel-gaarka ah, kaasoo golaha ay hor keeneen 97 xildhibaan 12-kii Febaraayo ee sanadkaan 2023.

Wuxuu sheegay inuu isagu ka mid yahay xildhibaannadii soo saxiixay mooshinka, sidaas darteedna ay ujeeddadiisu ahayd wax-ka-beddel lagu sammeynayo qodobbada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka kumeel-gaarka ah oo ka kala hadlaya muddo-xileedka Baarlamaanka Federaalka ah labadiisa aqal iyo muddo-xileedka xafiiska madaxweynaha.
Dhanka kale, wuxuu carrabaabay in sanadkii tagay hay’adaha dowladda ay wax badan qabteen – gaar ahaan baarlamaanka ayuu xusay inuu meel-mariyay shuruuc gaaraya 13 oo qaar ay horay ugu dhiirran waayeen baarlamaannadii hore sida sharciga la-dagaallanka argagixisada iyo sharciga hay’adda Nabad-sugidda.
Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif ayaa sheegay muddo-kororsi inuu ka aaminsan yahay waxaan u wanaagsaneyn dalka, dowladnimada iyo siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu xusay in si kasta oo loo maldaho muddo-kororsiga sida wax-ka-beddel ama is-waafajin doorasho uu nuxurka ugu dambeeyaa yahay muddo lagu darsado, isagoo intaas sii raaciyay in wax lagu qaban waayay saddexda sano ee u harsan hay’adaha dowladda aan lagu qaban karin sanad lagu darsado.
Xildhibaan Cabdifataax ayaa ku dooday in dhammaadka muddo-xileed walba ee hay’adaha dowladda sameystaan muddo-kororsi aan sharci ahayn, baarlamaanadii horena uu hadal-hayay sida laga yeelayo sharci-darradaas, sidaas darteedna ay iyagu u arkeen inay habboon tahay muddo-kordhin hal sano ah in loo sammeeyo hay’adaha dowladda oo ka billaabaneysa muddada xafiiska loo dhaariyo mas’uuliyiinta hay’adaha soo socda.
Sidoo kale wuxuu xusay in mooshinka ay soo gudbiyeen uusan marnaba ujeedkiisu ahayn mid u dhaqan-gelaya hay’adaha dowladda ee hadda jira, balse taa baddelkeeda uu dhaqan geli doono muddo-xileedka dambe.

Xildhibaan Mursal ayaa dhankiisa ku dooday in muddo-kororsigu uu dhaawacayo dowladnimada iyo xasilloonada, sidoo kalena uu han jebinayo shacabka iyo u tartameyaashii kuraasta baarlamaanka ee laga guuleystay doorashadii la soo dhaafay, kuwaas oo hadda ku qancay inay waqti cayiman kaddib fursadda heli doonaan.
Wuxuu sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo muddada u dhiman hay’adaha dowladda oo ah saddex sano inay ku qaban karaan shaqooyinka hor yaalla.
Ka qeyb galayaasha aragti is-dhaafsiga ay qabatay Kalfadhi ayaa u muuqday kuwa mooshinka u fahmay muddo-kordhin loo sammeynayo hay’adaha dowladda ee hadda jira, Abubakar, Bashiir, Raxma iyo Sakariye oo dhammaantood weydiimo la xiriira muddo-kordhinta halka sano ah hordhigay xildhibaan Cabdifataax ayuu ugu warceliyay in muddo-kororsiga lagu xusay mooshinka hor yaalla Golaha Shacabka uusan saameyn doonin hay’adaha hadda shaqeeya.
Caaqil Mowliid oo ka mid ah ka qeyb galeyaasha ayaase waydiiyay xildhibaan Cabdifataax sababta aysan u qayixin muddo-kordhinta halka sano ah ee hay’adaha ay uga billaabaneyso haddii wax la maldahayo aysan jirin?
Balse xildhibaanka ayaa sheegay luqadda ay mooshinkooda ku soo qoreen inay ahayd luqad dastuuri ah, su’aasha Caaqil-kana ay tahay dood u furan xildhibaannada ka doodi doona mooshinka.
Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif ayaa gabagabadii yiri “Dimuqraadiyadda ugu faca weyn adduunka, ama ka mid ah kuwa ugu faca weyn waa xildhibaannada Aqalka hoose ee Mareykanka oo labadii sanaba mar la doorto, saddex boqol oo sano ku dhowaad ayay dowlad yihiin, waxay qabtaan shaqo walba oo hay’adaha dastuuriga ah loogu talagalay iyagoo dagaal sokeeye soo maray, marnaba mar dhicin in hay’adahoodu ay muddo ku darsadaan, marka waa in aan sarreynta sharciga baranaa.”
Discussion about this post