(KALFADHI) – Go’aannadii siyaasadeed ee shirkii lixaad ee Golaha Wadatashiga Qaranka waxay noqdeen kuwo muran dhaliyay. Shirkaas wuxuu Muqdisho ku soo idlaaday 27-kii May 2023.
Goluhu wuxuu war ka soo saaray sida laga yeelayo doorashada dalka, deegaan-doorashada, nidaamka madaxtinnimada, nidaamka xisbiyada, mideynta xilliyada doorashada iyo maamulka doorashooyinka.
“Si loo hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal-beeg caalami ah, waa in la xaqiijiyo xaqa muwaaddinka ee ah in la doorto ama uu wax doorto,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo akhriyay war-murtiyeedka shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Wuxuu intaas ku daray, “Soomaaliya waxay hirgelineysaa doorasho matalaad dadweyne ah sida horay loogu caddeeyay shirkii shanaad ee Golaha Wadatashiga Qaran ee qabsoomay 26-kii Diseembar 2022. Heshiiskaan wuxuu qeexayaa sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin nabdoon oo loo maamulo si madaxbannaan, dhexdhexaad ah, sugan, hufan oo isla xisaabtan leh, kuna saleysan hab-raac-sharci oo dhaqangal ah.”
Golaha wadatashiga qaran ayaa isla gartay in doorashooyinka ay qabsoomayaan shantii sanaba mar. wuxuu isku raacay in qoondada haweenka iyo xaaladda Somaliland laga soo saaro heshiisyo gaar ah.
Si loo mideeyo doorashooyinka wuxuu Goluhu soo jeediyay inay qabsoomaan:
- Doorashada dowladaha hoose waxay dhici doontaa 30 June 2024.
- Doorashada golaha wakiillada ee dowladaha xubnaha ka ah federaalka waxay dhici doontaa 30 November 2024.
- Doorashada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah waxay dhici doontaa 30 November 2024.
- Doorashada goleyaasha deegaanka gobolka Banaadir waxay dhici doontaa 30 June 2024
Siyaasiyiinta qaar ayaa dhaliilay go’aamada shirka Golaha. Qaar waxay sheegeen inuu yahay heshiis hareer maraya wadar-oggolkii dowladnimada Soomaaliya dib loogu soo dhisay, halka siyaasiyiinta qaar ay soo dhoweeyeen doorashada qof iyo codka ah, balse ay dureen sida aan looga dhameyn heshiis looga hadlayo masiirka Soomaaliya.
Bayaan ay wadajir u soo saareen 29 May 2023 mas’uuliyiin dalka ka soo qabtay xilal sare ayay ku dhaliileen heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran. Waxay sheegeen in madaxda maamul-goboleedyadu aysan u dhammeyn heshiiskaas, taasoo khatar gelin karta midnimada Soomaaliya. Waxaa dhaliishooda xoogga ku saareen awood-qeybsiga siyaasadeed ee dalka, muddada xil-heynta madaxweynaha dowladda federaalka ah iyo madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada iyo habka labo xisbi loogu soo koobay axsaabta.
Dhanka kale waxay taageereen hannaanka doorashada qof iyo codka ah, iyagoo ku sheegay in ay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdooda, ku gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah, kuna dooran karaan dadka ku matala siyaasadda.
Magacyada mas’uulliyiinta bayaankaan soo saaray:
1- Sharif Sheekh Axmed
2- Cumar Cabdirashid Cali Sharmake
3- Xassan Cali Khayre
4- Cadiweli Shiikh Ahmed
5- Cabdiweli Cali Gaas
6- Shariif Xassan Sheekh Aaden
7- Dr Cabdinuur Sheekh Maxamed
8- Hon Abdulqaadir Cosoble Cali
9- Dr Cabdinasir Cabdulle Maxamed.
Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay 30 bisha May 2023 in Puntland aysan qeyb ka ahayn go’aannadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu baabi’inayo awood qeybsiga dowladda dhexe – gaar ahaan xafiiska raysul wasaaraha oo uu yiri “horay ayuu u qaatay awooddiisa, haddana wuxuu leeyahay ma jiro.”
Madaweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay 29 May 2023 ku yiri “Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadii’da guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, heer dowlad-goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda, taasoo ah himilo muddo dheer shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir saxaafadeed qabtay maalin kaddib heshiiskii golaha wadatashiga qaran 28 bisha May 2023 ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay billow – oo loo soo bandhigi doono shacabka, la geyn doono goleyaasha baarlamaanka, la hor dhigi doono bulshada rayidka ah, laguna faaqidi doono goobaha dadweynaha.
“Dastuurkeena kumeel-gaarka ah ee axdi qarameedka ka yimid wuu dhammeystirmayaa. Dalku dastuur joogto ah ayuu yeelanayaa. Dalku xisbiyo la yaqaan ayuu yeelanayaa. Dalku nidaam doorasho dimuqraaddi ah oo waqtiyeysan ayuu yeelanayaa. Waa heshiis siyaasadeed waxa dhacay, waddo walba oo sharci ah oo uu heshiis maro ayuu mari doonaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furitaankii kalfadhiga saddexaad 29 bisha May 2023 labada gole uga codsaday inay hortabinta howlahooda ku daraan, mudnaanta koowaadna ay siiyaan dhammeystirka dib-u-eegista, inta uu ku guda jiro kalfadhiga saddexaad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur oo furitaankii golaha shacabka ka hadlayay 29 bisha May 2023 ayaa sheegay doorasho dimuqraaddi ah oo Soomaaliya ka qabsoonta inay ugu danbeysay Maarso 1969 oo halmar la wada doortay xildhibaannada iyo golaha deegaanka, haddana mar kale la rajeynayo.
Wuxuu xusay in baarlamaanka 11-aad uu ansixiyay dhammaan shuruucda lagama-maarmaanka u ahaa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kuwaasoo kala ah:
- Sharciga dhisidda guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka.
- Sharciga dhisidda guddiyada madaxabannaan ee xudduudaha iyo federaalka ah.
- Sharciga axsaabta siyaasadda dalka.
- Sharciga doorashooyinka qaranka ee heer federaal.
- Sharciga aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha.