Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Xorriyadda qaateen Gobollada Waqooyi ee dalka waxaana munaasabadaasi lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo marka hore hadlay ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobalada Waqooyi maalinta Xorriyadda Soomaaliya, waxa uuna Soomaali u rajeeyay in ay israacdo.
“Hambalyo ayaa leeyahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, 26ka Juun waa maalin nagu weyn waana markii ugu horreysay oo calan laga taago dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
“Shacabka Soomaaliyeed waxay ahaayeen dad isjecel oo walaalo ah hadase waxaa kala geeyay oo dagaal iyo kalsooni darro ka dhax abuuray qabiil, waxaan ku talinaya in midnimo laga qaato qabiilka oo la iska daayo kala qob qobka” ayuu yiri Cabdi Xaashi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gaba-gabadii Munaasabdda khudbad ka jeediyay Aqalka Dowladda Hoose ayaa si qoto-dheer u soo bandhigay muhiimadda maalinta 26-ka Juun oo xusuus weyn u leh shacabkeenna maadaama ay ahayd ilayskii koowaad ee halgankii xornimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah.
“Halgankii guumaysi diidka iyo Soomaalinnimadu waxa uu ahaa mid ka soo bilawday Gobollada Waqooyi. Waa kuwii awooddooda iyo hal-abuurkooda u isticmaalay baahinta iyo faafinta dareenka waddaniyadeed ee Soomaali oo qura, Soomaali oo qab leh, Soomaali ku wada nool hal dawlad iyo hal calan.”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay dib u milicsadaan sooyaalka wanaagsan ee dalkeenna, isaga oo walaalaha Waqooyiga ugu baaqay in ay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
“Haddii marka dadka Waqooyi hormuud u ahaayeen dareenka gobonnimo doonka iyo waddaniyadda, waxaan hadda ugu baaqayaa in ay hormuud ka noqdaan midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya si aan caqligeenna, cududdeenna iyo hadafkeenna u midayno, ugana shaqayno mustaqbalka ubadkeenna iyo maslaxadda dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Waxaan ku baaqayaa in aan dardargelino wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho si walaalnimo ah la isku wareysto lagana gudbo duruufihii la soo maray si loo boogsiiyo walaalaheena Soomaaliland ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.