(KALFADHI) – Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay waddo qorshe ay sanadka soo socda ee 2024 ku daabaceyso lacag cusub oo shilin Soomaali ah. Bankiga Dhexe ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku keenayo 1,000 shilin oo cusub si uu uga hortago lacag been-abuur ah oo suuqa ku badatay, uuna dib ugu soo ceshado maamulka lacagtiisa qaran.
Sida uu sheegay Bankiga Dhexe shilinkii horay u jiray wuxuu ku dhow yahay inuu dabar-go’o. Lacagta duugga ah oo adeegsigeeda uu adkaaday waxay horseedday inay dadku u weecdaan dhanka doollarka, waxaana badan daabacashada shilin cusub oo been-abuur ah.
Haddaba Kalfadhi wuxuu habeenkii Jimcaha ee 26-kii May qabtay aragti-iswayaarsi ‘Twitter Space’ looga hadlayay ‘Mala joogaa xilligii ay dowladdu daabici lahayd shilin Soomaali cusub?’ Waxaa aragti-iswaydaarsiga lagu casuumay Dhaqane Rooble Xalane oo ah dhaqaaleyahan iyo cilmi-baare dhallinyaro ah.
Dhaqane wuxuu sheegay in hadda Soomaaliya aysan lahayn wax lacag ah, dalkana si aan rasmi ahayn looga isticmaalo doollar, taas oo uu tilmaamay in ay sababtay in nolosha ay qaaliyowdo.
Wuxuu xusay in lacagta shilinka in la daabaco ay keenayso in Bankiga Dhexe ay dib ugu soo noqo awooddii uu ku sharciyeynaayay lacagta, kuna xakameynayay sicir-bararka, qiimeyaashana uu ku jaangoynayay. “Mar kasta oo shilinka la isticmaalana waxaa la maamuli karaa qiimaha nolosha ee dalka,” ayuu yiri.
Dhaqaaleyahanku wuxuu sheegay in sare-u-kaca nolosha ee ku tiirsanaanta doollarka ay la timid in lacagtii horay loogu noolaan jiray aan hadda lagu noolaan karin.
Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya burburkii kaddib ay qaadatay nidaamka isticmaalka doollarka Mareykanka marka la eego bankiyada, qiimeyaasha lagu gorgoriyo badeecadaha, lacagta ay dowladdu mushaarka ku bixiso, canshuurahana ay ku qaaddo. Isticmaalkaas doollarka wuxuu keenay xasilloonida shilinka Soomaaliya iyo inuu yaraado isbedbeddelka sarrifka.
Hase yeeshee wuxuu xusay in siyaasad ahaan dalku inuu leeyahay lacag u gaar ah ay ka tarjumeyso madax-bannaanidiisa iyo jiritaankiisa, ayna keenayso in qiimaha nolosha la maamulo, lana xakameeyo sarrifka doollarka.
Maxaa loo baahan yahay si lacag cusub loo soo daabaco?
Huda Cabdullaahi ayaa Dhaqane waydiisay su’aal ahayd si lacagta loo daabaco dhaqaalaheenna heerkee ayaa laga rabaa inuu joogo?
Wuxuu ku jawaabay: “Waddanka marka uu rabo inuu lacag daabacdo waxaa laga fiirinaa in aad tahay dal awood u leh oo dhaqaale haysta, lacagihii la iska dhigaayay haysta, shuruucdii leh, dadkii maamuli lahaa leh, heer adduunka oo dhan laga oggol yahay ayaa jira. [Summado amni] Security features ayaa jira oo laga fiirinaayo. Lacag la iska soo daabacan karo haddii la sameeyo maxaa la soo kordhiyay? ayaa la iswaydiinaa.”
Lacagta cusub ee ay Soomaaliya soo daabacaneyso ayuu xusay in loogu talagalay $120 milyan, taas oo $80 milyan uu caalamku oggolaaday inuu bixiyo, $40 milyan oo kalena laga doonayo dowladda Soomaaliya.
“Bankiyada [ka jira Soomaaliya] swift code ayay leeyihiin. Bankiga Dhexe ayaa maamula. Soomaaliya awood way u leedahay inay lacagaheeda maamusho. Waxa ugu muhiimsan waa xasiloonnida dalka ee dhinacyada amniga iyo siyaasadda.”
Si lacagta cusub ay u hirgasho waa in Bankiga Dhexe uu laamo ka furto gobollada oo dhan, kaddibna uu qabto shilin Soomaaligii hore, dadkana uu ugu beddelo kan cusub, sida uu qabo Dhaqane. Wuxuu intaa raaciyay in loo baahan yahay dowlad awood badan leh oo canshuurta sidii loogu talagalay u qaadda, dalkana ka talisa cirif-ka-cirif iyo sidoo kale heshiis siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.
Muxyadiin Axmed oo fikir ka dhiibtay aragti-iswaydaarsiga ay qabatay Kalfadhi ayaa sheegay in Bankiga Dhexe loogu talagalay in uu u madaxbannaanaado maamulka lacagta oo dowladda hay’adaheeda kale aysan ku faragelin. “Go’aamada la xiriira lacag daabacashada xitaa madaxweynaha oo dalka ugu sarreeya ma soo faragashan karo, waxaa u madaxbannaan Bankiga Dhexe oo aan xitaa hoostagin wasaaradda maaliyadda,” ayuu yiri.
“Soomaaliya ma haysto sicir-barar lacagta ka dhashay, maaddaama xakameynta lacagta ay tahay wax gacanteenna aan ku jirin. Laakiin daabacaddaas waxay keeni kartaa qalqal, is-aaminaad-darro ay ka imaan karto, waa haddii siyaasadaha Bankiga Dhexe iyo tan dowladda ay iswaafaqi waayaan,” ayuu sii raaciyay.
Axmed Cabdi Cali oo isaguna aragtidiisa dhiibtay ayaa yiri: “In lacag la soo daabaco way fududdahay. Laakiin, dowladdeenna ififaalaheeda marka la eego way adkaaneysaa. Marka koowaad xasilloonida [inay wax ka qabato], marka xiga inay dakhligeeda kordhiso, in aysan lacag isticmaalin oo ay meel dhigi karto. Siyaasad ahaan ugama hadlayo, dhaqaale ahaan ayaan uga hadlayaa.”
“Howsha in la billaabo waa wax fiican. Waa la helayaa Soomaali badan oo dhaqaalaha soo baratay oo bankiyo badan oo caalamka ah ka shaqeysa, laakiin howl fudud ma ahan. Qodxo badan ayaa naga horreeya. Dowlad xoog leh oo caafimaad qabta oo musuqmaasuq aan lahayn oo wax dhoofisa. Waxyaabo badan oo muhiim ah ayaa jira oo u baahan go’aamo waaweyn oo cadcad oo waqtiyeysan,” ayuu sii raaciyay Axmed.
Lacagta shilin Soomaaliga waxaa markii ugu horreysay la daabacay labo sano kaddib markii uu dalku xorriyadda qaatay oo ku beegnayd 15 Sebteembar 1962. Ilaa 1980 wuxuu ahaa mid xasilloon oo aanu sarrifkiisa isbeddelin, halkii doollar waxaa lagu beddelayay 7 shilin oo keliya. “Sababtu waxay ahayd Bankiga dhexe ayaa maamulayay, shuruuc adag ayuuna marsiinayay,” ayuu yiri Dhaqane Xalane oo ku dheeraaday billowgii shilinka iyo heerarkii uu soo maray.
Kunka shilin (1,000) ee ah lacagta keliya ee ka dambeysa shilin Soomaaliga waxaa markii ugu dambeysay la daabacay 1990-kii. Wararka ay warbaahintu qoreyso waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso inay soo daabacdo lacag uu u yar yahay kunkaas shilin, taas oo leh 2,000, 5,000 ilaa 10,000 oo hal warqad ah.