Ficillada ragaadiga ah ee dib ula hara ummadaha, kana reeba asaaggooda qarniyo waxaa kamid ah musuqa oo noqda qeyb kamid ah nolol maalmeedkooda caadiga ah. Waa inta aad ku arki karto maamul kasta oo soo maray dalka tan iyo madaxbanaanidiisa. Heerka laga kala joogo ku dhaqankiisa unbaa kala duwaneyde, taariikhda musuqmaasuqa waa mid lasoo hanaqaadday billowgii dowladnimadeenna.
Sidaas darteed, dib markaad u eegto waxa musuqu ina baday ama nooga lumay gadaashiisa, waxaan ogaaneynaa inaysan jirin wax laga mahdiyay ficilladiisa. Nasiib-darro, nus qarni kaddib oo uu dalku isku diyaarinayo dib u hanashada sharafkii ka lumay iyo wax la qeybsiga ummadaha qeyrkiisa ah, wali boogtii musuqu nagu dhigay lagama bogsan.
Su’aalaha maankayga daaliyay waxaa ugu weyn: War musuqu miyaan wali loo arkin musiibo qaran?!
Dabcan maya! Haddii aan musiibo u arki lahayn, lama waayeen sidii looga bogsan lahaa. Sooyaalkeenna waxaa ku xusan in dowlad kasta oo dalkan soo martay ay si cad u dhaqan-gelisay falsafadda xun ee wax is-daba-marinta. Marna madhicin in wax la iska weydiiyo hadimada musuqa iyo sida looga adkaan karo. Wax fudud ayay iska noqotay in dowladba tan ka danbeysa ay dhaxal ahaan ugu reebto raadka musuqa.
Caqabadaha ragaadiyay horumarka dalal badan oo Afrikaan ah, waxaa safka hore kaga jira musuqa oo noqday iinta kaliya ee la dagtay wax-qabadkooda. Inkastoo aan si dhab ah loo fahmi karin sababta dheeriga ah ee ku qasbaysa dalalkaan ku tiirsanaanta musuqmaasuqa, haddana taasi kama dhigna inaan laga adkaan karin. Habdhaqanka ku saleysan musuqa oo noqday jidka keliya ah ee lagu gaaro danta iyo adeegga looga baahan yahay dowladnimada, cudurdaar uma noqoneyso xalaaleysiga falkaan foosha xun ee feyriska ku ah horumarka iyo dowladnimada dalkasta.
Sideedaba, marka aan ogsoonnahay in duni aan musuq ka jirin ay naga nolol iyo barwaaqo badan tahay, waa inaynu is weydiinnaa waaya’aragnimada ay ku heleen nolosha ka madax-bannaan musuqmaasuqa. Markaas ayaan garowsan karnaa waxa inala gudboon si aan uga takhalusno.
Marka Dowladdeennu aysan musuqmaasuq iyo nin-jecleysi lahayn – waxaa sare u kacaya dakhliga qofka caadiga ah. Waxaa hoos u dhacaya heerka gaajada iyo macluusha ay la diihaalsan yihiin kumanaanka kun ee Soomaaliyeed eek u barakaca abaarkasta iyo musiibo kasta oo dalka ku dhufata. Waxaa la helayaa adeeg dowladeed oo kaafiya ugu yaraan nolosha aasaasiga ah ee qofka iyo shaqo abuur u suurtagelisa inuu helo dakhli uu ku maareeyo noloshiisa.
Dembiyada iyo gaboodfallada ku dhasha eexda iyo sedbursiinada ayaa yaraanaya. Dagaallada sokeeye ee soo noqnoqda, ee ka dhasha ku heshiin-waaga iyo wax is-daba marinta ku salaysan nin-tooxsiga ee kheyraadka lawada leeyahay ayaa tirmi doona. Waxaa intaas dheer, dowladdu waxay helaysaa shacab u aaminsan hayina ugu ah sida awrka la hoggaamiyo. Taas waliba waa marka aad maqasho in shacab-weynaha adduunku ay dowladahooda aan musuqa aqoon ay u garab istaagaan xilliyada adag oo ay ku jiraan. Waayo dadweynuhu marka ay og yihiin in madaxdoodu aysan ka shaqeysan, islamarkaana aysan xadin ammaanadii ay u dhiibteen hantida ay ku heystaan aqalladooda xittaa waxay ugu dhigi karaan rahan: amaahna way u siin karaan si ay dhaqaalaheeda ugu kabato.
Tusaale ahaan, 70-meeyada markii qaaradda Aasiya ay gashay dhaqaale burburka iyo hoos u dhaca ku yimid lacagta, Koofurta Kuuriya waxay kamid ahayd dalalkii ka badbaaday burburkaas. Waxa lagu yaabay ayaa ahayd in shacabka dalkaas ay isugu soo baxeen xarumaha dowladda iyaga oo sida dhamaan keydkii ay guryaha ku heysteen. Haweenku waxay keeneen wixii dahab ahaa iyo hanti oo ay lahaayeen. Raggu waxay qasnadahoodakasoo saareen raasumaalkii ugu jiray iyo xoolihii u keydsanaa.
Markii ay dowladdu dhaqaalaheeda ku kabtay lacagta ay shacbigu iska soo ururiyeen, waxaa u fududaatay inay ka badbaado musiibadii dhaqaale xumi ee soo food-saartay dalalkii kula yiillay qaaradda Aasiya.
Sidaas darteed, halka aynu meel-dheer iyo dhinacyo badan ka raadinayno yeelashada iyo noqoshada ummad isku filan, waxaan qabaa inaan ka billowno cirib-tirka musuqa. Dhammaan mushkiladaha kale waxay baabi’ doonaan marka laga adkaado musuqa. Nabad-gelyada oo ah aas’aaska iyo baahida koowaad ee ka maqan Soomaalida oo dhan xittaa waxaa lagu heli karaa iyada oo meel looga soo wada jeesto falsafadda xun ee musuqa. Waayo amniga waa nimco. Wuxuu ku waaraa cadaalad. Wuxuuna ku dumaa cadaalad-darri. Cadaalad-darriduna waxay ku hoos nooshahay musuqmaasuqa.
Si kastaba, maanta oo aan leennahay aqoon-yahanno badan oo xog-ogaal u ah is-beddelka dunida ka jira siyaasaddana qeyb ka ah, waa muhiim inay waaya’aragnimadooda ku daraan Alle ka cabsi. Waayo markii Nabi Yuusuf uu Boqorkii Masar weydiisanay inuu xilka u magacaabo, wuxuu isku sifeeyey inuu yahay: Aamin aan ku takri-falin ama aan xadaynin xoolaha ummadda iyo aqoon-yahan cilmi u leh hawsha loo igmaday.
Markaas ayaa si lamid ah Koofur Kuuriya loo heli karaa shacab aaminsan kuna kalsoon dowladdooda. Inta ka sokeysa, dadaallada aan heyno waxay mar kasta ku danbeynayaan dhicis iyo madhalays aan lahayn natiijo loo aayo.
Discussion about this post