(KALFADHI) – Shaqaalaha Golaha shacabka waxay kamid yihiin Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda. Waxa lagu shaqaaleysiiyaa hadba baahida shaqaale ee jirta. Shaqada shaqaalaha Golaha waxaa lagu dhaqaa Xeerka Shaqaalaha Rayidka (Sharci Lr. 11 ee 2006) si lamid ah shaqaalaha kale ee Dawlada.
Dhammaan shaqaalaha Golaha Shacabka waxey hoos yimaadaan Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka si lamid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha. Shaqada Xoghayaha Guud waxaa ugu muhiimsan kormeerka shaqada, qiimeynta shaqaalaha, dallacasiinta shaqaalaha iyo in uu guud ahaan shaqaalaha Golaha hubiyo inay shaqadooda u gudanayaan si waafaqsan Xeerka Shaqaalaha Rayidka (Sharci Lr. 11).
Habka Magacaabista Xoghayaha Guud.
Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux oo ku dhawaad 10 sano (Febraayo 2013 – Oktoobar 2022) ahaa xoghayaha guud ee Goloha Shacabka BJFS ayaa Kalfadhi u sharraxay sida loo magacaabo jagadan, waxa uuna sheegay in lagu magacaabo soo jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la tashanaya labadiisa ku-xigeen ilaa inta laga dhisayo Guddiga Adeegga Baarlamaanka oo aan weli la sameyn. Intaas kadib waxaa la fariisiyaa Guddiga Joogtadda ee Golaha oo ka kooban madaxda guddiyada Golaha Shacabka, iyaga ayaana ku ansixiya cod gacan taag ah.
Shaqooyinka ugu muhiimsan ee Xoghayaha Guud waxaa kamid ah:-
- Shaqaaleysiinta dad leh xirfadaha uu Baarlamaanku u baahanyahay;
- Ogeysiiska xildhibaanada ee shirarka Golaha;
- Soo diyaarinta iyo qeybinta Ajandaha shirarka Baarlamaanka;
- Diiwaangelinta hadallada Xildhibaanada ay Golaha ka jeediyaan;
- U qeybinta Xildhibaanada Shuruucda ay ka doodayaan ama ay ansixinayaan;
- Diyaarinta u gudbinta Madaxweynaha JFS shuruucda uu Goluhu ansixiyo;
- Hubinta keydinta shuruucda kala duwan ee dalku yeeshay ee maray hanaanka sharci dajinta.
“Waxwalba oo ka dhacaya gudaha Golaha Shacabka iyo sharci kasta oo la meel-mariyo cidda heysa oo mas’uuliyaddeedu tahay waa xogheynta Baarlamaanka. Shuruucda la meel mariyo cidda Madaxweynaha u direysa waa Xoghayaha Guud kaddib markii uu bubiyo in Guddoonku saxeexay. Madaxweynahu markuu saxeexo waxey ku daabacayaan bogga Baarlamaanka. Kalfadhi walba oo Baarlamaanka ah marka uu dhammaado waxey xogheyntu ka samaynaysaa warbixin ay ku dhamaystirantahay wax qabadkii Golaha ee kalfadhigaas . Waxaas oo shaqo ah waxa qabanaya xoghaynta oo ku dhawaad 10 waaxood ka kooban,” ayuu yiri Buux.
Mr Buux ayaa sheegay in Xoghaya Guud ee Baarlamaanka uu yahay ma’uulka ugu sarreeya ee u xilsaaran maamulka Golaha Shacabka sida qaab-dhismeedka shaqaalaha iyo miisaaniyadda, isagoo ku hawlgalaya hagidda Guddoomiyaha Golaha Shacabka, una hoggaansamaya Sharciga Maamulka Maaliyadda ee Dalka.
Cabdikariin Xaaji ayaa yiri “Sanadkii 2012 markii aan imid xafiiska hal warqad ma dhex oollin, magac ahaan oo keliya ayuu u jiray Baarlamaanku. Waxaan dhaxalnay hal gaari oo cilladeysan, hal kombuyuutar oo cilladeysan, hal matoor oo cilladeysan iyo laba xafiis. Dib u aasaasiddu muddo ayeey nagu qaadatay, waxaan qoranay dhalinyaro jaamiciyiin ah oo dhan 45 oo waayo-aragnimo laheyn, da’dooduna aanay ka weyneyn 25 sano, kuwaas oo ku yimid tartan furan oo ay u siman yihiin gobolada dalka ilaa xeryaha qaxootiga ee Kenya. Waxaan galinany tababar shaqo oo socday muddo hal sano ah oo khubaro ajaanib ah ay siinayeen. Waxaan aqoon kororsi u geynay dalka Uganda, markii aan ogaanay iney shaqada ka adag yihiin ayaa shaqo gelinnay.”
Mr Buux ayaa ugu danbeyn warbaahinta Kalfadhi u sheegay in waaxyaha Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Fadaraalku yihiin 11 waaxood, kuwaasoo mid walba uu maamulo Aagaasime gaar ah oo tartan furan ku yimid/Timid. Waaxuhu waxay hoos yimaadaan xoghayaha guud, waxeyna Golaha u hayaan shaqo mug leh, waxayana kala yihiin:
- Waaxda Tiknolojiyadda (ITC);
- Waaxda Keydka ama Xusuus Dhowrka;
- Waaxda Maareynta Xogaha Golaha;
- Waaxda Maamulka Maaliyadda;
- Waaxda Sharciyada ;
- Waaxda Farsamada;
- Waaxda Shaqaalaha;
- Waaxda Hab-maamuuska;
- Waaxda Xafiiska Guddoonka;
- Waaxda Warfaafinta; iyo
- Waaxda Xiriirka Dadweynaha.
Sharci Lr. 11: Waa sharciga shaqaalaha rayidka ee dowladda lambar 11, waxaa lagu meelmariyay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay bishii Diisember ee 2006. Sharcigaan waxaa lagu maamulaa shaqaalaha joogtada ee dowladda.
Discussion about this post