(KALFADHI) – Aragti-wadaag cinwaankiisu ahaa ‘Maxay haweenku kuraas badan uga heli waayeen doorashadii Goleyaasha Deegaanka Puntland ayay Kalfadhi ku qabatay ‘Twitter Space’, 25-kii May 2023. Waxaa ku casuunnaa Ubax Abshir oo ah Xoghayaha guud ee Guddiga Kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Cabdullaahi Ciise Maxamed (Rubaani) oo ah agaasimaha Xarunta (Somali Policy Development Center – SPDC), Faadumo Maxamed iyo Faadumo Jaamac oo ka tirsan gabdhihii tartamay balse looga guuleystay doorashada Puntland.
Cabdullaahi Ciise Maxamed oo doodda billowgeeda qaatay ayaa sheegay in isku dayga doorashooyin qof iyo cod ah ay Puntland soo billowday 2013, taasoo loo hakiyay xilligaas dagaallo iyo is-qabqabsi siyaasadeed oo dhacay.
Wuxuu xusay in Madaxweyne Saciid Deni uu dib u billaabay hirgelinta hadafka doorasho qof iyo cod ah kaddibna uu magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland oo muddo kooban ku dhammeystiray xeerarkii lagu hagayay doorashooyinka iyo diiwaangelinta ururrada.
Wuxuu sheegay in billowgii la diiwaangeliyay 17 urur siyaasadeed, kuwaasoo 9 ka tirsan ay ka qeyb qaateen doorashooyin horay looga qabtay saddex degmo, halka doorashadii ugu danbeysay ay ka qeyb qaateen 7 urur-siyaasadeed.
“Doorashooyinkii 2013 dadka lama diiwaangelin. Xeerarka barkood waa ay maqnaayeen. Puntland hadda waxay leedahay shuruuc, xeerar iyo xeer-nidaamiyeyaal gaaraya 14. Waqtigaas ma aysan jirin keliya, waxay ahayd warqad lagu ridayo sunduuq. Hadda dadka lama tirakoobin balse waa la diiwaangeliyay, ururraduna waxay mareen hab-raacyo sax ah,” ayuu yiri.
Wuxuu sii raaciyay “Puntland doorasho qof iyo cod ah ayaa ka dhacday marka 3 degmo laga reebo. Doorashadu si nabad ah ayay u dhacday. Dadku codadkoodu way dhiibteen. Waxaa ku soo baxay tartanka doorashada Xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka. Hadda waxa la sugayo keliya waa doorashada saddexda degmo ee hartay iyo in ay maxkamaddu soo saarto kaararka aqoonsiga ee Goleyaasha Deegaanka. Doorashadii dhacday waxaa muuqata hoos-u-dhac la xiriira dowrkii haweenka iyo dadka barakaca ah. Waxaa muuqday qaladaad kooban sida ciidamada oo ku milmay doorashada.”
Ubax Abshir oo ah Xoghayaha Guddiga Kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa sheegtay guddi ahaan inay kaalinta haweenka xil iska saareen tan iyo markii la magacaabay bishii Agoosto ee 2019. Waxay tilmaantay in xog-ururin dadweyne kaddib ay dood dheer la galeen ururrada siyaasadda oo ay markii dambe ay isku af-garteen in 3-dii kursiba ay mid haweeney ku soo baxdo.
Xoghaye Ubax ayaa Kalfadhi u sheegtay inay ururrada siyaasadda ku celiyeen liisaskii ay soo gudbiyeen, iyagoo ka dalbaday in la soo dhammeystiro kaalinta haweenka, ayna ku soo firiisiyaan xisaabtii lagu heshiiyay oo ahayd 3-dii kursiba in ay mid dumar noqoto. Hase yeeshee, ay ururradu u sheegeen inay waayeen gabdho murashaxiin noqda oo u tartama kaalintooda, taasoo ku tilmaantay caqbadihii ugu horreeyay ee guddigoogu ka calaamadeeyay doorashadii 3-da degmo.
Waxay intaas raacisay inay la fariisteen khubarro, sharciyaqaanno iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kaddibna ay isku raaceen in fasiraad la geliyo liistada xiran oo aag-aag la isku raaciyo, qoondada haweenkana lagu dabbaqo oo weliba aan lagu qorin haweenka aag uu dadkiisu yar yahay.
Faadumo Maxamed (Tumay) oo ka mid ah gabdhaha Xisbiga Mustaqbal ee ka tartamay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegtay inay jireen caqabado badan oo ay ugu horreyso – dadka oo aan faham badan ka haysan doorasho qof iyo cod ah, maaddaama Gaalkacyo aysan ka mid ahayn degmooyinkii lagu tijaabiyay doorashada.
Waxay xustay in faham-darrada doorashada ee dadka qaar ay u dheereyd cod kharash ku beddelasho, halka dadka barkoodna ay ragga ka door-bidayeen hablaha, iyagoo ku leh sida ay tiri Faadumo “wiil baa reerka u tartamaya e adigu gurigaaga joog.”
Faadumo Tumay ayaa sheegtay in deegaanno ay codad ka raadsatay si isku mid ah loogu diiday codadka, laguna wargeliyay in odayaasha reeraha ay door-bidayaan ragga. Waxay xaqiijisay in dadka barakaca ah loogu hanjabay haddii ay gabar codka siiyaan in lagala laabanayo xuquuqda deggenaasho ee xeryaha.
Sidoo kale, waxay xustay in ragga qaar ee ololaha kula jiray ay ula dhaqmeen qaab ‘labo-wejiilenimo ah’ sababo la xiriira inay iyadu gabar tahay, wiilashuna ay ka mudan yihiin codka, halka dumarka qaarkiina ay si cad ugu sheegeen in ay codadkooda siinayaan ragga iyada la tartamaya, iyadoo aaminsan haddii ay haweenku is-gacan qabsan lahaayeen inay qoondadooda iyo ka badan heli kareen.
Faadumo ayaa Kalfadhi u sheegtay inay heshay 155 cod.
Ubax Abshir oo aan wax ka weydiinnay caqabadaha ay Faadumo ifisay ayaa sheegtay in hirgelinta dimoqraadiyadda ay Soomaaliya ku adag tahay, balse guddi ahaan ay sameeyeen hab-raac aan la dhaafi karin.
“Waxaa xaqiiq ah in deegaannada qaar haweenkii laga waayay. Waxaa dhacday in haweenka qaar ay iskood u diideen markii la qorayay. Guddi ahaan waxaan isku daynay inaan u hiillinno haweenka oo qoondadooda lagu dedaalo, balse haddii la waayay kuma khasbi karno ururrada siyaasadda.”
Cabdullaahi Ciise ayaa dhankiisa ku dooday in fasiraadda lagu sammeeyay xeerka doorashada ay tahay caqabadda ugu weyn marka laga tago caqabadaha laga dhawaajiyay ee ah in ay haweenku is dooran waayeen.
Fasiraadda xeerka waxay damaanadda sharci ka qaadday haweenka, taasoo uu ku dhaliilay guddiga doorashada. Balse Ubax ayaa ugu warcelisay in guddiga keligiis uusan go’aan qaadan karin, sidaas darteedna talo badan ay geliyeen hab-raaca fasiraya xeerka doorashada.
Duniya Faarax oo ka qeyb galaysay aragti-wadaagga ayaa weydiisay martida sababta wax looga qaban waayay caqabadaha ay ka dhawaajisay Faadumo oo qaarkood ay sheegtay in lagu arkay baraha bulshada? Ubax ayaase sheegtay in guddiga doorashooyinka uu tallaabooyin ka qaaday dad ku kacday qaladaad caddeymihiisa la hayo.
Nuzeyba Biixi ayaa xoojisay dooddii Faadumo Tumay, waxayna dhankeeda sheegtay inay doorashada Puntland haweenku ka muujiyeen saluug badan, “inkastoo,” bay tiri “aan la dafiri karin tiro muuqata inay heleen.” Waxay sidoo kale, carrabka ku dhufatay in xisbiyada looga baahnaa inay haweenka ka xigsadaan odayaasha iyo dhaqanka bulshada oo hoos u dhigay kaalintii haweenka ay ku lahaayeen doorashada.
Faadumo Jaamac oo ka mid ahayd 40 gabdhood oo ka tartamayay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegtay caqabada la xiriira garbarnimadeeda in aysan dareemin, balse waxay ifisay in iyadoo A ku qoran loo beddelay B, ilaa iyo iminka oo ay doorashada dhammaatayna aan loo sharraxin sababta loo beddelay. Dhanka kale, waxay si dareen leh u sheegtay inay ka niyad jabtay tartan doorasho oo kale sababo la xiriira wax isdaba-marin lagu sammeeyay darteed, iyadoo waqti iyo maalba gelisay doorashada.
Ubax Abshir ayaa ugu dambeyn sheegtay inay dagaal adag u galeen sidii aan haweenka qoondadooda loo dhaafin lahayn. Waxay haweenka tartamaya kula talisay inay ka warhayaan Guddiga Doorashada oo wax badan iska hubiyaan inta aan la gaarin waqtiga doorashada. Haweenka tartamay ee khibradda leh ayay sheegtay in looga baahan yahay inay caawiyaan haweenka kale.
Discussion about this post