Si guud way adag tahay inuu kala saaro qof aan baran sharciga ama ah arday weli ku guda jira barashada sharciga, balse aan wada dhigan labada xeer (xeerka ciqaabta iyo xeerka habka ciqaabta).
Xeerka ciqaabta wuxuu xoogga saaraa dambiga iyo ciqaabtiisa, halka xeerka habka ciqaabta ay ku xusan yihiin habkii loo mari lahaa dambiga iyo ciqaabta.
Xeerka Ciqaabta (Criminal Code)
Xeerka ciqaabta Soomaaliya waxaa lagu ansixiyay xeer tirsigiisu uu yahay 5 oo soo baxay 16 Diseembar 1962, kaddib waxaa lagu faafiyay faafinta rasmiga ah ee dowladda, waxaana loo gudbiyay dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo maamulka dowladda hoose, si ay ugu bandhigaan bulshada muddo 60 cisho ah oo isku xigta.
Wuxuu xeerkan dhaqan-galay 3-dii bishii Abriil 1964.
Xeerka ciqaabta wuxuu diiradda saaraa dambiga iyo waxa ay noqon doonto ciqaabtiisa. Wuxuu ka kooban yahy 565 qodob. Inta qofka uu akhrinayo wuxuu ogaan karaa dambiyo kala duwan oo ku xusan qodobbada xeerkaan iyo waxaa ay noqonayso ciqaabtooda.
Tusaale ahaan qodobbada 434 iyo 435 ee xeerka ciqaabta ayaa kala iftiiminaya dilka qofka weyn iyo dilka ilma dhashay ama dhalan raba.
Qodobka 434 ayaa dhigaya in qof kasta oo gaysta dil bareer ah ay ciqaabtiisu tahay dil. Halka qodobka 435 uu dhigayo qof kasta oo sabab u noqda dhimashada ilmo yar oo dhashay ama dhalan raba iyo qof kasta oo ku gacan siiya dilkaas ay muteysanayaan ciqaab xarig muddo dheer ah.
Qodobka 434
Dil: Qof kasta oo sababa dhimashada qof, waxaa lagu ciqaabayaa dil
Qodobka 435
Dilka ilmo dhashay sabab sharaf
-
Qof kasta oo sababa dhimashada ilmo dhashay isla waqtiga uu dhashayba ama ilmo aan dhalan waqtiga uu dhalanayo, ujeeddo ah badbaadinaya qof sharaftii ama asalkiisa ama faraciisa, waxaa lagu ciqaabayaa xarig toban sano ah ilaa shan iyo toban sano ah.
-
Isla ciqaabtaas ayaa la saarayaa qof kasta oo caawiyay gelitaanka dembiga.
Xeerka Habka Ciqaabta (Criminal Procedure)
Xeerka habka ciqaabta Soomaaliya waxaa la sameeyay 1 Juun 1963, iyada oo la raacayo sharci No.5 ee soo baxay 1962, kaas oo siiyay xukuumadda awood ay ku soo saarayso xeerka habka ciqaabta, kaddibna waxaa loo gudbiyay guddoomiyeyaasha gobolladda iyo degmooyinka, iyada oo la siiyay muddo 30 cisho ah si bulshada loo wada gaarsiiyo.
Xeerka habka ciqaabta wuxuu ka kooban yahay 288 qodob, wuxuuna ka hadlayaa sida loo baari lahaa dambiyadii lagu xusay xeerka ciqaabta ama sidii loo fulin lahaa ciqaabihii isla xeerkaas lagu xusay. Waxaa sidoo kale ku cad awoodaha la siiyo hay’adaha dowladda sida booliska; kaasoo ku saleysan habka baarista ama xarigga. Inta sharcigaan aad akhrineyso waxay indhahaagu qabanayaan qodobbo dhamaantood ku saabsan sidii loo fulin laha, loo hagi laha, loona baari lahaa dambiyada.
Tusaale: Qodobka 13 ee xeerkaan wuxuu diiradda saarayaa muddada qofka loo tixgelinayo eedeysane, sida laga yeelayo eedeysane xukun uu ku dhacay haddii mar kale isla dambigii lagu soo eedeeyo iyo cidda la waydiisanayo oggolaashaha dacwadaha qoraalka ah.
Qodobka: 13-aad – Eedaysanaha
-
Eedaysane waa qofka, xitaa aan lugu soo qaban amarka qabasho oo ay soo saartay hay’ad garsoor, lagu hayo xaalad xarig ah oo ka soo fushay hay’ad garsoor, amase loo soo saaray yeeritaan in uu maxkamadda hor yimaado. Qofkaas waxaa loo qaadanayaa eedaysane mudadaas dacwadda marxalad kasta ilaa xukun ciqaab ah ama sii dayn ah uu ka noqonayo kama danbays ama ilaa laga go’aaminayo in aan dacwadda la sii oogin, go’aankaas oo u dhigma sii dayn ama ilaa laga ansixinayo go’aanka dacwadda lagu oodayo.
-
Eedaysanaha waxaa loo qaadanayaa in aanu lahayn ilaa iyo uu xukun kama dambayn ah ka soo baxayo.
-
Eedaysanaha, kaddib marka ugu dambayntii ciqaab lagu xukumo ama la sii daayo ama marka go’aan in aan dacwadda la sii wadin si sharci ah loo siiyo, mar kale isla dhacdadii laguma eedayn karo, xitaa haddii dhacdaas marka loo eego ay dhisayso dambi kii hore ka duwan, marka laga reebo tilmaamaha faqradda soo socota iyo tilmaamaha faqradda 2-aad ee qodobka 77.
-
Haddii eedaysanaha lagu helo ilenimo fal cawaaqibkiisa uu ka dhalanayo ka duwan oo aad iyo aad uga culus, markaas eedaysanaha waxaa lagu eedaynayaa mar kale haddii cawaaqibkaas aanu muuqan ama aanay ogayn maxkamaddu wakhtigii ay xukumaysay.
-
Dacwadaha uu oggolaansho qoraal ah yahay lagama maarmaan, waa in codsigaas la waydiistaa Xeer-Ilaaliyaha guud, ka hor intaan la soo saarin wax amar qabasho ah oo lid ku ah eedaysanaha. Haddii eedaysanaha la qabtay isagoo fal-dambiyeed faraha kula jira waa in oggolaanshahaa isla markiiba la helaa.
Sharci No5 waa sharci uu madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan soo saaray 16 Diseembar 1962. Waa dekereetadii shanaad ee madaxweynaha, isla markaana uu awood ku siiyay golihiisii xukuumadda si ay u soo saaraan xeerka ciqaabta iyo xeerka habka ciqaabta.
Labadaan xeer ee kala ah xeerka ciqaabta iyo xeerka habka ciqaabta waxaa isticmaala dhammaan heerarka kala duwan ee maxkamadaha dalka, sida ay ciqaabtu u kala badan tahay ayay maxkamaduhuna u kala geli doonaan.
Tusaale: Haddii dambiga la soo oogay ay ciqaabtiisu u dhiganto ama ay ka yart ahay saddex kun oo doollar ($3,000) waxaa galaya maxkamadda degmada, haddii ay ciqaabtu ka badan tahay waxaa galaya maxkamadda gobolka, haddii dambiga ay ciidan geystaanna waxaa galaya maxkamadda ciidanka.
Discussion about this post