(KALFADHI) – Sida lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya 20-kii May 2023, guddiga sare ee hay’adda IMF oo shir gaar ah ka yeeshay arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay barnaamijka dib-u-eegista 5-aad ee ku saleysnaa shuruudaha deyn-cafinta, ayna fulisay dhammaan shuruudihii ku xirnaa hannaankaas.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ay ku boogadisay dowladda federaalka ah sida ay uga go’an tahay dedaallada lagu xoojinayo qorsheyaasha dib-u-habeynta maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo hay’adaha kale ee deymaha ku leh Soomaaliya. Waxaa lagu dhiirrigeliyay in la labalaabo dedaallada lagu dardar-gelinayo kordhinta dakhliga gudaha iyo beeqaaminta kharash-bixinta, si loo yareeyo isticmaalka aan daruuriga ahayn.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhoweeyay warbixinta ka soo baxday guddiga sare ee IMF. Wuxuu sheegay in warka ka soo baxay hay’adda uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirrigelinaya dowladda in ay sii xoojiso dib-u-habeynta maaliyadda.
Aqoonyahannada lafagura dhaqaalaha ayaa sheegaya in tan iyo billowgii howshaan deyn-cafinta, ay madaxda dowladda federaalka ah mudnaanta koowaad siiyeen oo kaliya qaabkii loo fulin lahaa shuruudaha (soo-jeedinta) Hay’adda IMF, taasoo loo fasiran karo in ay madaxdu u aragto arrinta deyn-cafinta caqabadda keliya ee dhaqaalaha Soomaaliya haysatay sanadihii dambe.
Waqti badan lama gelin wax ka qabashada hoos-u-dhaca wax-soo-saarka iyo dakhliga gudaha, kuwaas oo ka dhigay Soomaaliya dal aan isku filnayn, oo ku tiirsan taageerada dhaqaale ee beesha caalamka oo hadda bixisa wax ku dhow boqolkiiba lixdan (60%) miisaaniyadda dowladda.
Dey- cafinta kaddib, waxa suurtagal ah in la arko isbedello dhaqaale kuwaas oo isugu jira fursado iyo caqabado, sida ay aamisan yihiin dhaqaaleyahannadu.
Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac, oo ah dhaqaaleyahan iyo la-taliye arrimaha ganacsiga, ayaa ku sheegay warbixintii soo baxday bishii Maaro 2023 inay ahayd heer shaqaale (Staff Level) oo ay howl-wadeennada IMF ee Soomaaliya ama gobolka ay sameeyeen dib-u-eegista 5-aad (5th Review) kaddibna ay u gudbiyeen xafiiska looga arrimiyo IMF iyo maamulka sare, taasoo keentay inay soo baxdo warbixintaan dib-u-eegista heerka fullinta (Executive level review) 20 bisha May 2023.
Dr. Axmed Khadar ayaa carrabka ku dhuftay deynta hadda lagu leeyahay Soomaaliya inay tahay mid la soo qaaday ka hor burburkii dowladda ee 1991, ujeedaduna ay ahayd in lagu fuliyo mashaariic horumarineed, balse qaar ka tirsan mashaariicdaas aysan suurtagelin.
Culeyska kale ee deynta sii kordhiyay ayuu Dr Axmed ku sheegay inay tahay lacag dulsaar ah (Interest) oo dalka Soomaaliya fuushay sanadihii burburka, maaddaama aysan jirin dowlad bixisay lacagtii deynta.
“Fursadda ugu weyn oo ay hadda Soomaaliya haysato waa in laga cafiyo badi deyntii ku taagneyd ama gabi ahaanba, taasoo horseedi doonta labo faa’iido oo muuqda.
- In Soomaaliya loo arko dal hoggaansan oo sammeeyay dib-u-habeyn dhaqaale.
- In Soomaaliya lagu aamino deyn cusub oo loo adeegsan karo horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri.
Dr Axmed Khadar ayaa dhanka kale carrabaabay in caqabado ay imaan karaan haddii lagu guuleysto deyn-cafintaan, kuwaasoo lagu soo gaabin karo labo arrin oo kala ah:
- Deyn-cafinta kaddib inay suurtagal tahay qaar ka tirsan waddamadii iyo hay’adihii Soomaaliya siin jiray taageerada dhaqaale inay hakiyaan ama ay hoos u dhigaan, si ay deyn cusub u qaadato maaddaama hadda Soomaaliya loo arko dal aan deyn qaadan karin oo la hardamaya duruufo dhaqaale, balse deyn-cafinta kaddib uu isbeddalayo muuqaalka dhaqaale ee dalka, loona arkayo dal isku filan oo wax la deymin karo.
- Caqabadda labaad waa in ay noqonayso in la soo qaado deyn cusub, taasoo haddii aan looga faa’ideysan kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo meelaha waxtarka u leh dalka ay keeni karto in Soomaaliya mustaqbalka dhow lagu yeesho lacago badan oo saameeya siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaalaha dalka.
Dr Axmed Khadar ayaa yiri “Dhanka wanaagsan marka la eego, deynta cusub waxaa looga faa’idaysan karaa in lagu maalgeliyo wax-soo-saarka gudaha iyo horumarinta arrimaha waxtarka u leh dalka. Dhan kale waa inaan loo adeegsan kharash maalmeedka dowladda sida safarrada shaqo iyo waxa la midka ah.”