Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Abdi Barre, ayaa shalay la kulmay wasiirradda haweenka ee heer Federaal iyo heer dowlad-gobolleed, kuwaas oo uu ka dhageystay warbixinta ku saabsan wasaarradahooda.
Wasiirrada ayaa maalmihii la soo dhaafay kulan ku lahaa magaalada Muqdishu oo ay uga arrinsanayeen wadashaqeynta wasaarradaha.
Ra’iisul Wasaare Hamza ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqayntooda wasiirrada, isagoona ugu baaqay in ay dardargeliyaan doorkooda nabad dhiska dalka iyo dhiirigelinta haweenka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib-u-dhiska dowladnimada.