Hay’adda Somali Public Agenda (SPA) oo ka shaqeysa cilmibaarista arrimaha jaangoynta iyo maareynta siyaasadaha dalka Soomaaliya, ayaa Khamiistii magaalada Muqdishu ku qabatay madal lagu falanqeynayay masuuliyadda maamulka iskuullada waxabarshada ee loo daadajiyay maamulka gobolka Benadir.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib is-afgarad dhexmary guddoomiyaha Banaadir iyo Wasaarada Waxbarashada oo iyadu markii hore gacanta ku haysay maamulkeeda. Heshiiska waxaa saxiiyay guddoomiyaha gobolka Cumar Filish iyo wasiirkii hore ee waxbrashada Cabdullahi Godax Barre.
Cabdiraxmaan Maxamed Cali oo ka socday Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre ee Dowladda Federaalka oo marki ku ahaa madashada, ayaa sharraxay geedi-socodkii wareejinta masuuliyadda waxbarashada, kaddib ka jawaabayay su’aallaha ka qeyb-galayaasha.
Martida madasha oo u badneyd bahda waxbarashada ayaa ka dooday caqabahada iskuullada maamulka gobolka Banaadir, heerka tayada waxbarashada iyo xalka arrimaha taagan ee quseeya mustaqbalka waxbarashada carruurta ku nool caasimadda.
Khilaaf iyo aaminaad la’aan ayaa la soo wariyay in uu ka dhex taaganyahay gobolka Banaadir iyo Wasaarada Waxbarashada tan iyo markii masuuliyadda waxbarashada lagu wareejiyay gobolka Banaadir. Khilaafka ayaa bannaanka u soo baxay, kaddib markii uu harreeyay maamulka iyo maclimiinta oo markii hore ka yimid iskuullada gaarka loo leeyahay.
Shaqaallaha ayaa khilaafkaasi ku kala qeybsamay, waxaana su’aalo badan ay ka dhasheen habraaca shaqaaleysiinta maclimiinta, maamulka iyo tayada waxbarashada.
Mid kamid ah ka qeyb-galayaasha ayaa sheegay in wada-shaqeyn la’aan ay dhexeyso maclimiinta, maamulka iyo agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir. Wuxuu xusay in maclimiin badan aysan helin mushaaraadkooda, ayna jiraan nidaam maclimiinta loogu kala eexdo dhinaca musharaadka.
Ka qeyb-gale kale ayaa raaciyay “Mmaamulka waxbarashada gobolka Banaadir ayaa u muuqday in wali uusan si sax ah ugu soo jeesanin maamulka waxbarashada waxaana lagu garan karaa sida madaxda ugu sarreysay gobolka Banaadir aysan wali talaabo ugu qaadin maaraareynta cashada kasoo yeertay shaqaallaha.”
Tallooyinkii la soo jeediyay:
- Waxaa la soo jeediyay in dib-u-eegis lagu sameeyo masuuliyaddaha maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, lana xoojiyo tayashada shaqaallaha. Isla markaana Wasaaradda ay taageero buuxda siiso maamulka waxbarashada ee gobolka Banaadir.
- In la qeexo caqabadaha jira, lana saxo xiriirka labada dhinac.
- In la sameeyo guddi u qareema tayada waxbarashada, miisaaniyaddana lagu caddeeyo qoondo lacageed oo gaar ah waxbarashada gobolka Banaadir.
- Maamulka gobolka Banaadir in uusan dhaqaalle ka raadinin waxbarashada, maclimiintana ay hubaan mushaarkooda.
- Saamileyda in laga qeybgeliyo tayada waxbarashada.
- In xal loo heli maqaamka magaalada Muqdisho.
- Shaqaallaha in lagu xusho tayo.