(KALFADHI) – Golaha Wasiirrada ee Xumuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 11-kii May 2023, meel-mariyay Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha.
Siyaasaddaas ayaa ka hadleysa 10 mowduuc iyo 5 ujeeddo oo ku wajahan horumarinta iyo kobcinta awoodaha dhallinyarada, waxayna ku dhisan tahay toban tiir oo kala ah:
- Shaqo-abuurka dhallinyarada, curinta fekradaha iyo hal-abuurka.
- Waxbarashada dhallinyarada, xirfad-siinta iyo tababarrada ganacsi.
- Ka qeybgalka dhallinyarada ee arrimaha bulshada iyo hoggaaminta.
- Dowrka dhallinyarada ee nabadda iyo amniga.
- Arrimaha jinsiga iyo dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba.
- Caafimaadka dhallinyarada iyo bad-qabkooda.
- Dhallinyarada iyo deegaanka – wax ka qabashada cimilada.
- Tahriibka dhallinyarada iyo dhallinyarada qurbe-joogta ah.
- Dib-u-heshiisiinta iyo iskaashiga dhallinyarada
- Cayaaraha, dhaqanka iyo sooyaalka
Haddaba warbaahinta Kalfadhi ayaa falanqeyn cinwaankeedu ahaa ‘Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada ma abuureysaa fursado shaqo? ku qabatay “Twitter Space” 17-kii Juun 2023. Waxa lagu casuumay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud.
Wasiir Maxamed ayaa sheegay inuu ugu yimid wasaaradda siyaasad dhallinyaro oo aan la jaan-qaadi karin xukuumadda uu ka tirsan yahay markii uu xafiiska la wareegay 13-kii Agoosto 2022. Wuxuu xusay inay ahayd siyaasad aan ka tarjumeyn mudnaanta dhallinyarada, maaddaama ay qortay shirkad Kenyaan ah, markii uu raadiyay sababta loogu baahday Kenyaanna loo sheegay in la waayay dhallinyaro Soomaali ah oo awood u leh qoritaankeeda.
Wasiirka ayaa yiri “Billowgiiba waxaan xiriir la sammeynay dhiggeenna dowlad-goboleedyada. Waxaan isku keennay wasiirrada dhallinyarada ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Kulan socday 5-7 bishii Oktoobar 2022 waxaan ku gorfeynay sida laga yeelayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada. Dood maalmo qaadatay kaddib waxaan isla qaadannay inaan qorno siyaasad cusub oo ka tarjumeysa baahiyaha aasaasiga ah ee dhallinyarada dalka.”
Wuxuu intaa ku daray: “Waxaan raadinay dhallinyaro Soomaaliyeed oo khubaro ah. Waan isku xirnay si ay u soo diyaariyaan qabyo-qoraalkeeda. Waxaan ku jaan-goynay yoolalka Qaramada Midoobay si ay ula jaan-qaaddo waaqaca, waqtigeedana waan kordhinnay oo waxaan ka dhignay 7 sano, maaddaama ay tii hore ahayd 4 sano.”
Wasiir Maxamed Barre ayaa ku dheeraaday sharraxaadda 10-ka tiir ee lagu qotomiyay siyaasadda qaran ee dhallinyarada iyo tiir walba mudnaantiisa, isagoo xusay inay yihiin baahiyaha ugu muhiimsan oo ay ka calaamadeeyeen dhallinyaradii ay la kulmeen inta ay wadeen xog-uruurinta iyo qoritaanka siyaasadda. Wuxuu la yaab ku tilmaamay in kharashaad malaayiin gaaraya lagu qaatay magaca dhallinyarada Soomaaliyeed, balse aan ka muuqan, “taasoo ku qasabtay wasaaradda,” ayuu yiri “inay sameyso hab lagu korjoogteyn doono mashaariicda iyo kharashaadka ku baxa magaca dhallinyarada Soomaaliyeed.”
“Siyaasaddii hore waxaa ku baxay in ka badan labo boqol oo kun oo doollar ($200,000), balse Siyaasadda Qaran ee iminka oo dhan kasta ka muhiimsan tii hore kuma bixin hal doollar ($1) oo ay leeyihiin hay’ado caalami ah,” ayuu yiri. Wuxuu tilmaamay in ay sidaas u sameeyeen si ay u tusaan ajaanibta inay jiraan dhallinyaro Soomaali ah oo aqoon u leh soo-saarista siyaasad ay iyaga leeyihiin.
Wasiirka ayaa sheegay in ay wasaaraddu qorshe adag ka leedahay dhallinyarada hal-abuurka leh, iyadoo dhammaadka sanadkaan qaban doonta ‘Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Hal-abuurka leh (Somali National Youth Innovation Summit), kaasoo ay ka soo qeyb geli doonaan hay’adaha maalgelinta ee taageera dhallinyarada, loogana gol leeyahay isku beegidda fikradaha hal-abuurka iyo ciddii maalgelin lahayd.
Badi dhallinyaradii ka qeyb qaadatay Twitter Space-kii ay furtay warbaahinta Kalfadhi uuna martida ku ahaa Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Maxamed Barre Maxamuud ayaa wasiirka weydiinayay su’aalo furan oo aan xiriir la lahayn mowduuca, balse fursad aan isku siinnay dhallinyarada iyo wasiirkooda ayaa keentay in ka qeyb galayaashu helaan jawaabahooda.
Wasiir Maxamed Barre ayaa Kalfadhi u sheegay in Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada uu ansixiyay Golaha Wasiirrada ay sidaas dhaqangal ku tahay oo aysan u baahan doonin in la horgeeyo baarlamaanka. Wuxuu carrabka ku dhuftay in la isku garab wadi doono fulinta sagaalka tiir ee lagu dhisay Siyaasadda Qaran marka laga reebo tiirka tobanaad oo ah dabagalka, si loo fuliyo inay madliyeen dhammaan hay’adaha kala duwan ee arrimaha dhallinyarada ka shaqeeya, kuwaasoo la isku keeni doono shirweyne qabsoomaya bartamaha bisha Luulyo ee nagu soo aaddan.
Tiirarka Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada
10-ka tiir ee siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada
Discussion about this post