Soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay caan ku ahayd taageerada qabqableyaashii Soomaaliya iyo maamulladii rabitaankeeda ayidsanaa. Sidoo kale waxay door muuqda ku lahayd dhismaha dawlad Soomaaliya yeelato oo aan liddi ku ahayn danaheeda gobolka iyo haymanada jiritaankeeda.
Sidoo kale waxay dadaal badan ku bixisay in aanay Soomaaliya ka dhalanin dawlad iyada cadaw ku ah ama cadawgeeda saaxiib la ah. Taasi waxay dhalisay in Addis Ababa ay xarun u noqoto maamullada iyo hoggaamiyeyaashii ugu badannaa ee Soomaaliya. Muddadaas lama soo warinin, hoggaamiye maamul gobolleed Soomaaliya ka tirsan oo si muuqata u tagay Asmara. Itoobiya waxay arrimahaas taageero ballaadhan kaga heshay reer Galbeedka.
Eritrea dhinaceeda waxay soddonkaas sannadood si toos ah ama si dadban xarun ugu ahayd Soomaalida diiddan sandulleynta Itoobiya. Waxay taageero badan siisay ONLF oo ka dagaalamaysay Soomaali Galbeed, Midawgii Maxaakiimta Islaamka oo Xamar ka xoreeyey qabqableyaashii isku dhex haystay 15ka sannadood iyo markii dambe ururkii dib-u-xoraynta Soomaaliya oo ujeeddadiisu ahayd in la iska difaaco duullaanka Itoobiya ay ku qabsatay Soomaaliya. Eritrea arrimahaas waxay ku mutaysatay cunoqabatayn caalami ah.
Loollankii u dhexeeyey labadaas dawladdood iyo saaxiibbadoodii gudaha iyo dibadda, waxa uu udub dhexaad u ahaa kala daadsanaanta Soomaaliya. Sidoo kale, ilaa sannadkii 2000 oo Carta lagu soo dhisay dawlad kumeelgaadh ah, marna Soomaaliya iyo Eritrea may yeelanin wax xidhiidh ah.
2018kii waxa xukunka Itoobiya laga tuuray TPLF, waxaana la wareegay Abiy Axmed. Markiiba, Itoobiya waxay ka baxday dhulkii ay xoogga kaga haysatay Eritrea, sidoo kalena waxay hormood ka ahayd codsigii cunoqabataynta lagaga qaadaayay Eritrea. Waa laba guulood oo ay gaadhay Eritrea. Dhinaceeda, Itoobiya waxay liiska argagixisada ka saartay ONLF oo ay u aqoonsatay xisbi siyaaasi ah, ka dibna waxay Eritrea xidhay xarumihii ONLF ee gudaha Eritrea waxaanay ku wargelisay in ay u guuraan gudaha gobolkooda. Sidaa si la mid ah ayay ka yeeshay jabhadihii kale ee joogay gudaha dalkeeda. Taasina waa guul ay gaadhay Itoobiya.
Sidoo kale, malaha waxa lagu heshiiyay in Itoobiya iyo Eritrea ay yareeyaan loollankoodii saamaynta gudaha Soomaaliya. Si muuqata, Itoobiya waxay yaraysay xidhiidhkii tooska ahaa ee ay la lahayd maamullada gudaha Soomaaliya, waxaanay xidhiidhkeeda badankiisii u wareejisay dhinaca dawladda Federaaliga ah. Sidaa si la mid ah, Eritrea waxa suurtogal ah in ay yaraysay gacanteedii saddexaad ee gudaha Soomaaliya.
Silsiladdii meelahaas ka soo bilaabantay waxay keentay in markii ugu horraysay ay dawladaha Soomaaliya iyo Eritrea is arkaan iyaga oo laba dawladdood ah, waxna is dhaafsadaan. Wixii la is dhaafsaday, wali shacabku may ogaanin.
Nageeye Cali Khaliif