Xildhibaan Hani Maxamed Aadan » Know Your MPs (Test Page)

Xildhibaan Hani Maxamed Aadan

Xildhibaan Golaha Shacabka waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho sanadkii 1990-kii Deegaan-doorashadeeda waa Koonfur-galbeed Magaalada Baydhabo ayaa lagu doortay bishii Nofeembar ee sanadkii 2016 Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Guddiga Haweenka ee Golaha Shacabka.
Photo of Xildhibaan Hani Maxamed Aadan

Biographical Info

Hani Maxamed Aadan oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho sanadkii 1990-kii. Waa markii ugu horreysay oo ay kursi ku yeelato Baarlamaanka. Deegaan-doorashadeeda waa Koonfur-galbeed. Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo bishii Nofeembar ee sanadkii 2016 ayay ku soo baxday.

Waxbarashada & Takhasuska

Muqdisho oo ay ku dhalatay, kuna barbaartay ayay wax ku baratay. Intii u dhaxeysay sanadihii 2001 ilaa 2006 waxay dhigatay dugsiga hoose-dhexe ee Al-Subeyr. Sanad-dugsiyeedkii 2006-2007 waxay sidoo kale dugsiga dhexe ka dhameysay dugsiga Cabdullaahi Ciise, iyadoo 2007 ilaa 2010 dhiganeysay dugsiga sare ee Al-Xikma.

Kulliyadda maamulka guud (Public Administration) ee jaamacadda SIMAD ayay ka baxday sanadkii 2017.

Xilalka ay soo qabatay

Sanadkii 2016 waxay sheegtay inay hormuud u ahayd urur u ololeeya ka qeybgalka siyaasadda ee haweenka (Somalia Women Initiative).

Waa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Guddiga Haweenka ee Golaha Shacabka. Xilkaas waxaa loo doortay sanadkii hore ee 2017.

Waxay sishii Jannaayo ee sanadkii 2017 ka mid ahayd 15-kii xubnood ee qabtay doorashadii guddoonka baarlamaanka, waa guddigii ugu horreeyay ee la magacaabay markii la soo dhameystiray xildhibaannada Golaha Shacabka.

Dhamaadkii sanadkii 2017 waxay xogheyn u noqotay guddi loo xilsaaray inay warbixin ka keenaan kiiskii dhiibistii Qalbi-dhagax.

Hani iyo Siyaasadda

Xildhibaan Hani waxay hammi weyn oo dhinaca hoggaaminta ah ka leedahay Soomaaliya. Waxay si gaar ah u daneysaa wax ka qabashada arrimaha qoyska iyo sidii ay haweenka qeyb muuqata ugu yeelan lahaayeen siyaasadda dalka.

Categories: Uncategorized