Xildhibaan Cabdi Cali Xasan (M) » Know Your MPs (Test Page)

Xildhibaan Cabdi Cali Xasan, (M)

Xildhibaan Golaha Shacabka Wuxuu ku dhashay Muqdisho – 1964-kii Deegaan-doorasho: Jubbaland Dhamaadkii 2016 ayaa lagu doortay Kismaayo Ph.D wuxuu ka diyaariyay siyaasadda dhaqaale ee beeraha iyo cuntada
Photo of Xildhibaan Cabdi Cali Xasan (M)

Biographical Info

Dr. Cabdi Cali Xasan oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1964. Deegaan-doorashadiisa waa Jubbaland. Mudanahan oo ay tahay markii saddexaad oo uu kursi ku yeesho baarlamaanka Soomaaliya waxaa mar kale sanadkii 20016 lagu doortay magaalada Kismaayo.

Waxbarashada iyo takhasuska

Sanadkii 1971 ayuu dugsiga hoose ka billaabay iskuulka 21-ka Oktoobar ee Muqdisho. Dugsiga dhexe wuxuu sanadkii 1978 uga baxay iskuulka Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, isagoo dugsiga sare ku dhamaystay iskuulka sare ee Afgooye sanadkii 1982.

Wuxuu ka soo qeyb-qaatay ololihii gurmadka ee mashaariicda horumarinta qaranka intii u dhaxeysay 1983 ilaa 1984, wuxuuna ka soo shaqeeyay degmada Gabiley ee gobolka Waqooyi-galbeed. Wuxuu ahaa macallin xisaabta ka dhiga dugsiga sare ee Timacadde ee Gabiley.

Kulliyaddii dhaqaalaha ee Jaamacaddii Gaheyr ayuu ka baxay sanadkii 1989. Kaaliye macallin ayuu ka noqday 1990 isla kulliyadda uu ka qalinjebiyay.

Oktoobar 1990 wuxuu ka mid noqday 39 arday oo deeq waxbarasho ka helay dalka Talyaaniga, kuwaas oo kala ahaa shahaadada heerka labaad iyo shahaadada heerka saddexaad ee waxbarashada jaamacadda (Master iyo Ph.D).

Jaamacadda Padua ee dalka Talyaaniga  ayuu ka qaatay shahaadada heerka labaad sanadkii 1992, isagoo ku takhasusay kobcinta dhaqaalaha. Jaamacadda kale ee Udine ee isla dalkaas ayuu sanadkii 1996 ka diyaariyay shahaadada ugu sarreysa ee Ph.D, siyaasadda dhaqaale ee beeraha iyo cuntada (Agro-food Economy and Policy).

Xilalka uu soo qabtay

Sanadkii 2000 ayuu ku soo biiray siyaasadda, xilligaas oo uu wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ka noqday xukuumaddii kumeel gaarka ahayd ee raysul wasaare Cali Khaliif Galleyr.

Wasiiru-dowlaha dhaqanka, hiddaha iyo tacliinta sare ayuu noqday sanadkii 2001, xilligaas oo uu raysul wasaaraha xukuumaddii kumeel gaarka ahayd ahaa Xasan Abshir Faarax.

Soddonkii Diseembar 2008 ayuu markii ugu horreysay noqday xildhibaan. Wuxuu xubin ka noqday baarlamaankii xilligaas lagu dhisay Jabuuti ee ay ku midoobeen garab ka mid ahaa isbaheysigii la baxay ‘Dib-u-xoreynta Soomaaliya’ iyo dowladdii kumeel gaarka ahayd.

Intii u dhaxeysay 2011 ilaa 2012 wuxuu noqday wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumaddii federaalka ahayd ee kumeel gaarka ahayd ee uu raysul wasaaraha ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sanadihii 2013 ilaa 2014 wuxuu noqday guddoomiyaha Guddigii Doorashada ee Baarlamaankii 9-aad ee federaalka kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya.

Cabdi iyo siyaasadda

Dr. Cabdi Cali Xasan muddo dheer ayuu ku jiraa siyaasadda Soomaaliya. Hay’ado kala duwan oo dowladda ah ayuu xilal ka soo qabtay 18-kii sano ee u dambeeyay. Wuxuu ka mid yahay xildhibaannada tirada yar ee haysta shahaadada Ph.D.

Wuxuu aad u xiiseeyaa akhriska buugaagta, taas oo xiriir la leh shaqadiisii ugu horreysay ee uu qabtay ay ahayd macallinnimo. Waa khabiir siyaasadeed iyo aqoonyahan, waana oday saaxiib la ah xubnaha ay ku wada jiraan baarlamaanka, gaar ahaan dhallinyarada oo uu la wadaago aragtiyo siyaasadeed iyo aqoon, sida uu u sheegay Kalfadhi.

Categories: political Party B