Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal » Know Your MPs (Test Page)

Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal

Xildhibaan Golaha Shacabka waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho sanadkii 1986 Deegaan doorashadeedu waa Galmudug Sanadkii 2012 ayay kusoo biirtay baarlamaankii sagaalaad Gabar dhallinyaro ah laba marna loo doortay ka mid noqoshada baarlamaanka
Photo of Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal

Biographical Info

Xildhibaanad Naciima Maxamed Gacal oo xubin ka ah baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdisho sanadkii 1986. Isla magaalo-madaxda ayay ku barbaartay oo ay waxbarashadeeda ilaa heer dugsi sare ku qaadatay.

Heerka hoose ee waxbarashada waxa ay ku qaadatay Dugsiga Bustaale, halka dhexe iyo sarena ay ku dhammaysatay dugsiga Al-Masal. Cilmiga caafimaadka bulshada ayay ka baratay jaamacadda haweenka ee Ahfad ee dalka Suudaan.

Isla sanadkii 2012 oo ay jaamacaddaas ka qaadatay shahaadada heerka koowaad ayay ku biirtay baarlamaankii sagaalaad oo markaas ay xuliddiisa socotay.

Markii ay muddo xileedkeedii dhammeysatay ayay mar labaad sanadkii 2016 ka mid noqotay baarlamaanka tobanaad. Waxaa laga soo doortay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanaddu waxay Kalfadhi u sheegtay in ay xiriir dhow la leedahay dadka deegaanka laga soo doortay, mar kastana ay albaabbada gurigeeda u furan yihiin si ay ula socoto baahiyahooda iyo waxyaabaha deegaanka ka soo cusboonaada. Himiladeeda siyaasadeed waa inay si wanaagsan ugu adeegto dadka iyo dalka

Categories: Uncategorized