Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan » Know Your MPs (Test Page)

Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan

Xildhibaan Golaha Shacabka Wuxuu ku dhashay Laascaanood – 2dii Luulyo, 1985-kii Deegaan-doorasho: Puntland Waxaa lagu doortay Garowe, 11-kii Diseembar, 2016-kii Wuxuu la soo shaqeeyay Golaha Wakiillada Puntland 2014 ilaa 2016-kii Xiriirkiisa: https://www.facebook.com/goljano88
Photo of Xildhibaan Sharmaarke Garaad Saleebaan

Biographical Info

Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale, oo ka mid ah xildhibaannada
Golaha Shacabka ee Baarlamanka 10-aad ee Soomaaliya, waxa uu 2dii Luulyo,
sanadkii 1985 ku dhashay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Waxaa laga soo doortay maamul goboleedka Puntland, iyada oo 11 Diseembar,
2016kii lagu doortay magaalada Garoowe.

Waxbarashada iyo takhasuska

Waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa heer jaamacad waxa uu ku qaatay gudaha
Soomaaliya. Dugsiga Gol-khaatumo ee isla magaalada uu ku dhashay ee
Laascaanood ayuu ku qaatay waxbarashadiisa hoose iyo dhexe intii u dhaxeysay
1998-2006.

XIldhibaan Sharmaarke Garaad Suleeban oo u warramaya Kalfadhi, Luulyo 2018.

Waxbarashada dugsiga sare waxa uu qeyb ahaan ku qaatay isla magaalada
Laascaanood, waxuuse ku dhammaystay dugsiga sare ee Nuuradiin ee
magaalada Hargeysa, sanadkii 2010kii. Isla magaaladaas ayuu ka billaabay
waxbarashada heerka sare isaga oo ka qalinjebiyay jaamacadda Admas sanadkii
2013kii. Waxaa uu shahaadada heerka koowaad ee waxbarashada (Bachelor’s
degree) ku qaatay Cilmiga Horumarinta (Development Studies).

Shaqooyinka uu soo qabtay

Wuxuu xildhibaan Sharmaarke la shaqeeyay ururro arrimaha bulshada ka
shaqeeya oo ka howlgala gobollada Sool iyo Sanaag intii u dhaxeysay 2012-
2014kii. Kaddib waxa uu u wareegay magaalada Garoowe isaga oo ka shaqeeyay
xarunta Golaha Wakiillada Puntland oo uu ka noqday agaasimaha waaxda
maamulka iyo maaliyadda intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016kii. Waxa uu Xildhibaan
Sharmaarke sidoo kale muddadaas ahaa ku-xigeenka Xoghayeha Guud ee Golaha
Sharcidajinta maamul goboleedka Puntland. Waxa uu xilkaas hayay ilaa uu ku
guuleystay doorashada kursiga xildhibaannimo ee Baarlamaanka Federaalka ah 11
Diseembar, 2016kii.

Sharmarke iyo Siyaasadda

Sharmarke waa nin dhallinyaro ah, waana uu ku cusub yahay kursi la isu doorto iyo xil siyaasadeed labadaba. Aabbihii waxa uu ka mid yahay isimmada
waa weyn ee gobolka Sool ee wax ka go’aamiya arrimaha  dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka .

Sharmarke hadda waa habdhowre ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Xildhibaan Sharmaarke oo gudanaya howshiisa habdhowre-nimo gudanaya.

Xildhibaan Sharmaarke oo kursiga kula tartamay Aadan Cismaan Xaashi ayaa kaga
guuleystay 50 cod, oo ka mid ah 51 ergo ee codeynaysay.

Halkaan ka daawo wareysi uu Xildhibaan Sharmaarke Garaad siiyay Kalfadhi uuna uga hadlayay sababta uusan madaxaweyne Farmaajo u saxiixin “xeerka gobinimada”

Categories: Uncategorized