Xildhibaan Xuseen Shiikh Maxamuud Xuseen » Know Your MPs (Test Page)

Xildhibaan Xuseen Shiikh Maxamuud Xuseen

Xildhibaan Aqalka Sare Wuxuu ku dhashay Xudur- 1982-dii Deegaan-doorasho: Koonfur-galbeed Waxaa lagu doortay Baydhabo Nofeembar 2016 Waxbarashada iyo Bani\’aadannimada ayuu kasoo shaqeeyay, waana dhallinyaro ku cusub siyaasadda
Photo of Xildhibaan Xuseen Shiikh Maxamuud Xuseen

Biographical Info

Sanatar Xuseen Shiikh Maxamuud Xuseen waxa uu ka mid yahay xildhibaannada golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, waxa uu 2-dii jannaayo 1982-dii ku dhashay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Waxaa laga soo doortay maamulka Koonfur Galbeed iyadoo 19-keedii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii lagu doortay magaalada Baydhabo.

Waxbarashada iyo takhasuska

Waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa heer-ka koowaad ee jaamacadda waxa uu ku qaatay gudaha dalka.

Dugsigii hoose waxa uu kusoo qaatay iskuulkii  Garasweyne oo ku yaallay tuulada Garasweyne ee u dhaw magaalada Xudur , halka fasallada dhexe ilaa sarana uu ku qaatay iskuul Ceynaan oo ku yalla Muqdisho. Waxa uuna dhammeeyay sanadkii 2006-dii.

Isla sanadkaas 2006 ayuu heerka koowaad ee waxbarashada [Bachelor’s degree] ka billaabay jaamacadda SIMAD ( oo xilligaas aan aheyn Jaamacad) waxa uu ka baxay sanadkii 2010-kii isagoo ka bartay maareynta ganacsiga (Business Administration0.

Heer labaad ee jaamacadda (Master Degree) ayuu ka qaatay jaamacadda Kampala ee dalka Yugaandha 2013-kii isagoo bartay cilmiga Horumarinta (Development Studies ).

Shaqooyinka uu soo qabatay

Sanatar Xuseen ka hor inta aan loo dooran kurisga xildhibaannimo waxa uu kasoo shaqeeyay waxbrashada iyo arrimaha bani’aadannimada.

Waxa uu wax kasoo dhigay iskuullo ku yaalla magaalada Muqdishu oo uu ka mid yihiin iskuulka Dabaqeyn iyo Iskuul Al-anwaar.

Sidoo kale jaamacadda SIMAD oo uu horay uga baxay ayuu bare ka ahaa muddo lix sano ah.

Arrimaha bani’aadnnimada ayuu sidoo kale kasoo shaqeeyay isagoo markii kurisga loo dooranayay ahaa madaxa hay’adda Danish Demining Group (D D G) u qaabilsan Koonfur Galbeed.

Xuseen iyo Siyaasadda

Sanatar Xuseen waa uu ku cusubyahay siyaasadda. Waxa uu sheegay in sababta uu siyaasadda usoo galay ay tahay in rumeeyo rejo uu ku taami jiray oo ah in dhallinyarada gudaha dalka wax ku baratay ay qeyb ka qaataan dib u dhiska dalka.

Tan ugu muhiimsan ayuu sheegay in ay tahay in doonayo in tusaale uu u ahaado dhallinyaro badan oo doonaya in ay ka sameeyaan dalka isbeddel.

Senatar Xuseen waxa uu ka mid ahaa guddigii doorashada guddonka Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu ku jiray guddigii doorashadii madaxtinnimo ee Febraayo 2017-kii dhacday.

Sidoo kale hadda waa xoghayaha guddiga dastuurka ee labada gole.

Categories: Uncategorized