(KALFADHI) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta oo Arbaco ah (14/06/2023) shir-guddoomiyay kalfadhiga 3-aad, kulankiisa 5-aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa kulanka goobjoog ahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo ku dhowaad 145 xildhibaan iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Biixi Iimaan Cige.
Ajendaha kulanka ayaa ahaa hadal-jeedinta/warbixinta guddoomiyaha ee kulamadii aan caadiga ahayn oo uu yeeshay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka iyo akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liil-tirka shaqaalaha rayidka ah oo ay soo gudbisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka warbixiyay kulan ay la qaateen Raysul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay isla meel dhigeen qodobbo dhowr ah oo ay ku jiraan dhowridda xasaanadda xildhibaannada iyo isla-xisaabtan lagu sameyn dooono hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, xildhibaanada ayuuna ku booriyay inay u diyaar garoobaan.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Biixi Iimaan Cige ayaa xildhibaannada ka hor akhriyay hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liil-tirka shaqaalaha rayidka ah. Wuxuu sheegay in hindise-sharciyeedkaan uu wax ka beddel ku sameynayo sharcigii liil-tirka iyo howl-gabka shaqaalaha rayidka ah ee la meel-mariyay sanadkii 1969.
Wuxuu xusay in hindise-sharciyeedkaan uu ilaalinayo mabaadii’da dastuurka iyo shareecada, lagu dhaqayo qof kasta oo dowladda dhexe looga shaqaaleysiiyay adeeg howl-gab leh, isla markaana ku jira diiwaanka rasmiga ah ee shaqaalaha rayidka ah marka uu hirgalayo sharcigaan.

Wasiir Biixi wuxuu sheegay ujeeddada hindise-sharciyeedkaan inay tahay qof kasta oo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda dhexe ku jira inuu helo daryeel howl-gab, si loogu abaal gudo shaqaale kasta oo ugu yaraan 10 sano oo xiriir ah ka shaqeeyay hay’adaha dowladda marka uu gaaro da’da howl-gabka oo ah 65 sano. Wuxuu carrabaabay in lagu dhammeystiray hindise-sharciyeedkaan sifaha iyo shuruudaha lagu muteysanayo daryeel howl-gab.
“Dhanka kale hindise-sharciyeedkaan wuxuu sugayaa xuquuq liil-tir oo ay yeelanayaan shaqaalaha rayidka ah {Liil-tirku waa xuquuq uu muteysanayo shaqaale marka uu ka baxo shaqada dowladda – hase-yeeshee aanu gaarin da’da howl-gabka}. Hindisahaan ayaa abuuraya sunduuqa howl-gabka iyo liil-tirka oo ay kor joogteyn doonaan guddi ka kooban 5 xubin oo ka kala imaanaya hay’ado kala duwan. Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda waxaa mushaarkooda laga jari doonaa 5% oo noqon doonta dhigaal u aruura, iyadoo dowladdunaay 5 % ku kabi doonto dhaqaalahaas. Qiimeyntii ugu dambeysay ee aan sammeynay waxa inoo soo baxday in bisha December ee soo socota ay howl-gab noqon doonaan 1094 qof oo ka tirsan shaqaalaha rayidka ah, taasoo dowladda looga baahan yahay inay siiso daryeelkii ay u baahnaayeen,” ayuu yiri wasiir Biixi.
Qodobka xiisaha lahaa ee uu ka dhawaajiyay wasiirka ayaa ahaa in hindise-sharciyeedkaan uu fursad siin doono mustaqbalka jiilka cusub ee shaqo-la’aanta ah, “kuwaasoo,” buu yiri “hal-abuur cusub ku soo kordhin doona maamulka iyo adeegga guud ee hay’adaha dowladda.”
Xildhibaano dhowr ah ayaa ka aragti dhiibtay hindise-sharciyeedka ay soo gudbisay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Xildhibaan Faa’iza Jeyte ayaa sheegtay sharcigaan haddii la meelmariyo inuu ku dhiirragelinayo dhallinyarada shaqo-la’aanta ah inay si bilaash ah dowladda ugu shaqeeyaan, mustaqbalka marka ay shaqaale noqdaanna ay og yihiin inay helayaan xuquuqdooda howl-gabka ama liil-tirka shaqaale.
Xildhibaan Maxamed Nadiif ayaa waydiiyay wasiirka in hindisahaan ay ku jiraan ciidamada dowladda? Xildhibaan Cagaweyne ayaa sidoo kale wasiir Biixi su’aalay sharcigaan cidda lagu dhaqayo?. Wasiir Biixi ayaa ugu danbeyn ku warceliyay in hindise-sharciyeedka uu yahay mid aan shaqo ku lahayn ciidamada ama siyaasiyiinta, haddii la meelmariyana lagu dhaqi doono keliya shaqaalaha rayidka ah ee federaalka.
Hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liil-tirka shaqaalaha rayidka ah wuxuu ka kooban yahay 5 cutub iyo 23 qodob, waxaana loo gudbin doonaa guddiga horumarinta adeegga bulshada ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Discussion about this post