Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa shalay magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirkii hore ee amniga dowladda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Maxamed Cumar Barrow, ayaa ku tartamay kursiga HOP011, balse waxaa ku guuleystay wasiir Cabdirisaaq oo helay 55 cod, halka Maxamed Cumar uu helay 46 cod.
Dhinaca kale gudiga hirgalinta doorashooyinka ee Hirshabelle, ayaa maanta shaaciyay jadwalka doorashada afar kursi oo kala ah HOP#058, HOP#019, HOP#059 iyo HOP#039.
25-ka bishan ayaa la bilaabi doonaa diiwaan-gelinta, tababar iyo shaacinta guddiyada xulista ergada, halka 27-ka bishan Maarso la qaban doono doorashada kuraastan.
Habeen ka hor magaalada Beledweyne waxaa ka dhacay labo qarax oo ay ku dhinteen 48 qof, halka 108 kalana ay ku dhaawacmeen balse madaxweynaha maamulka ayaa sheegay in doorashada ay dhammeystiri doonaan.