Wasiirrada maaliyadda dowlad federalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa shalay heshiis ku gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo lagu soo afjaray wada-shaqeyn la’aan todobaadyadii la soo dhaafay ka dhexeysay labada dhinac.
Shirka wasiirrada ayaa laga soo saaray 11 qodob oo ay kamid ahaayeen in aan la siyaasadeynin arrimaha maaliyadda iyo sharuucda dayn-cafinta Soomaaliya, lana dhiirri-galiyo hufnaanta, maamul wanaaga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.
Qodobada kale ee lagu heshiiyay waxaa kamid ahaa in la ansixiyo hab ku saleysan qaacido ku aaddan qaybsiga deeqaha dibadda, si loo dhiirageliyo wax-wada-qaybsi.
Wasiirrada maaliyadda dowlad gobolleedyada oo 31-kii bishii Agosto shir ku yeesha aalada Zoom-ka, ayaa hakiyay wada-shaqeyntii wasiirada maaliyadda dowlad federalka, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay ku xab-gudubtay heshiisyadii qeyb-siga deeqaha ka yimaada caalamka.
Halkan ka akhriso qodobada heshiiska: