Baarlamaanka Senator Warar 

Aqalka Sare oo Bulshada Rayidka ah ka qayb gelinaya dood ku saabsan Sharci ay usoo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka

Guddiga Adeegga Bulshada ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay kulamo wadatashi ah oo lala-yeelanayo Bulshada Rayidka ah si looga talo geliyo Sharciga Mihnadleyda Caafimaadka oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Shacabka hadana horyaala Aqalka Sare. Kulankii ugu horreeyay ayaa waxay la qaateen dhaqaatiirta Caafimaadka, Ururada Bulshada Rayid ah iyo dadka baahiyaha gaarka qabo waxaana looga hadlay hindise Sharciyeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka ee ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya iyagoo la dhageestay talooyinkii ay soo jeediyeen. Prof Cusmaan Maxamud Dufle, oo ka mid ah guddiga adeegga bulshadda ee…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator Warar 

Abshir Bukhaari “ 26ka Juun waxay bidhaan u aheyd gobanimadeynii iyo Israaca labada gobal”

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Abshir Bukhaari ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad loogu dabaal dagayo maalinta Xorriyadda Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya. Munaasaadda ayaa ka dhacday magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud waxaana sidoo kale goob joog ahaa Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” Xildhibaan Saabir iyo mas’uuliyiin kale. Khubad uu jeediyay Senator Abshir Bukhaar ayaa waxa uu kaga hadlay muhiimadda ay maanta oo kale u leedahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu soo jeediyay talo ku…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator Warar 

Madaxda Dowladda oo ka qeybgalay Munaasabad loogu dabaal dagayo 26-ka Juun oo Muqdisho lagu qabtay  

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay xuska sannad-guurada 59-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay Xorriyadda qaateen Gobollada Waqooyi ee dalka waxaana munaasabadaasi lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo marka hore hadlay ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Gobalada Waqooyi maalinta Xorriyadda Soomaaliya, waxa uuna Soomaali u rajeeyay in ay israacdo. “Hambalyo ayaa leeyahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed, 26ka Juun waa maalin nagu weyn waana markii ugu horreysay…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator Warar 

Madaxweyne Xaaf iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo shir ku yeeshay Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”, ayaa xalay kulan Saacado badan socday waxa uu la qaatay Xildhibaano katirsan labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo shalay gaaray magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud. Wafdiga Xildhibaanada ah ee kulamada la qaatay Madaxweynaha Galmudug Xaaf, ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Abshir Bukhaari, waxaana kamid ah Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa iyo Xildhibaan Saabir. Madaxweyne Xaaf iyo Wafdiga Xildhibaanada ah ayaa kawada hadlay xaaladda jahwareersan ee Galmudug iyo muranka xooggan…

Akhriso Faahfaahinta
Senator Warar 

Kulankii Golaha Aqalka Sare ee BFS oo Kooram la’aan u baaqday

Waxaa maanta baaqday kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu waday inuu ka qabsoomo xarunta fadhiyada Aqalka Sare ee BFS. Kulanka maanta oo Ajendihiisa ahaa akhrinta 3aad ee wax ka bedelka Xeer hoosaadka Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaaney iman inta badan Senetorrada Aqalka Sare. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si kulul uga hadlay Kooram la’aanta kulankii Aqalka Sare waxa uuna ku tilmaamay nasiib darro iyo wax aan loo dulqaadin karin. Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaannada…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator 

Akhriso:-Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo ka digay marin habaabin sharciyeed oo la sheegay in ay sameysay Shirkadda Spectrum

Senator Abshir Axmed Bukhaari Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dood sharciyeed dastuuri ah ka keenay qoraal Shirkadda Spectrum ku faafisay bogga ay ku leedahay Interneedka, kaasoo ay uga hadleysay ansixintii Baarlamaanka ee Sharciga Batroolka iyadoo sidoo kale sheegtay in Sharcigaas sugayo saxiixa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xildhibaanada Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Shirkadda Spectrum ay sameysay marin habaabin sharciyeed. Mr Bukhaari ayaa soo bandhigay habraaca dastuuriga ah ee uu marayo meel marinta sharcigaas…

Akhriso Faahfaahinta
Senator Warar 

Sen Nuuro Faarax “Magacaabista duqa Beladweyne waxay ka dhigantahay in dumarka siyaasadooda soo kabanayso”

Senator Nuuro Faarax Jaamac oo katirsan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay duqa cusub ee loo magacaabay magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan taas oo ah Haweeney aqoonyahaan qurba joog ah. Duqa cusub ee magaalada Beladweyne waxaa dorraad loo magacaabay Safiya Xasan Cali (Muniika) oo hore u aheyd Guddoomiyaha degmada Shibis ee gobalka Banaadir waxaana lagu maacaabay digreeto ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle. Senator Nuuro Faarax Jaamac ayaa sheegtay in ay tallaabo wanaagsan tahay magacaabista duqa Beladweyne oo ah dumar waxayna sidoo kale sheegtay in ay soo…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator Warar 

Senator Ayuub oo kulamo wadatashi ah la qaadanaya dhalinyarada gobalka Awdal ee Soomaaliland

Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo katirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana laga soo doorto gobalka Awdal oo katirsan degaanada maamulka Soomaaliland ayaa lagu wadaa in uu kulan Caawa la qaato qaar kamid ah dhalinyarada gobalkaasi. Dhalinyaradaan oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulanka ay la qaadanayaan Senator Ayuub waxa uu dhici doonaa 30-ka bisha May ooo Caawa ku beegan waxaana Senator-ku sheegay in ay isaga iyo dhalinyarada ay kawada hadli doonaan xaaladda Soomaaliya. “Waa kulan wadatashi ah oo aan uga arinsan doono xaaladda Soomaaliya iyo is arag…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator Warar 

Saddex Senator oo kismaayo uga dhawaaqay in ay difaacayaan madaxbanaanida doorashada Jubbaland

Senatorro katirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, degaan doorashadoodana ay tahay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay door wayn ka qaadanayaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacday degaanada maamulka Jubbaland. Senatorradaan oo kala ah Axmed Xaashi, Iftin Xasan Baasto, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),  ayaa magaalada Kismaayo ka sheegay in ay jirto faragelin dowladda Soomaaliya ay ku heyso doorashada Jubbaland islamarkaana ay dooneyso in ay dad geysato sidii ka dhacday doorashadii Koonfur Galbeed Soomaaliya. “DF-ka Soomaaliya waxay dooneysaa in ay faragelin ku sameyso doorashada…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Senator Warar 

Senatarro, Wasiir ku xigeen iyo mas’uuliyiin kale oo goordhow lagu soo celiyay magaalada Muqdisho

Senator Ilyaas Cali Xasan, Senator Zam Zam Daahir iyo Wasiir Kuxigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim oo xalay ku xanibnaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ayaa saaka dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho sida uu goordhow shaaciyay Senator Ilyaas. Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in ay ku soo nabad noqdeen magaalada Muqdisho islamarkaana uu faah faahin ka bixin doono waxyaabihii ay la kulmeen mudadii ay ku sugnaayeen Kenya. “Alxamdullilaah Muqdisho ayaa nabad ugu soo guryo noqonay aniga…

Akhriso Faahfaahinta