Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale iyo Sanatar Xuseen Shiikh Maxamuud oo u warramay warbaahinta Kalfadhi ayaa sheegay in fasaxii Baarlamaanku galay kaddib ay ku laabteen deegaannadii laga soo doortay isla markaana ay kasoo aruuriyeen xog ay la wadaagi doonaan Golayaasha Baarlamaanka.
Xildhibaan Afaraale waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee dadka reer Koonfur Galbeed ay qabaan ay tahay maciishadda nololeed oo qaali ah.
Kala xirnaashada deegaannada maamulka iyo dhibaatada ka jirta jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo ayuu sheegay in ay sababtay in wax walbaa qaaliyoobeen. Magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ayuuna sheegay in dhibaatadaas uu kusoo arkay, magaalooyinka kale ee Shabaabku heystaan ama go’doonsanna ay qabaan baahiyo ka badan kuwa uu kusoo arkay magaalooyinka uu tagay.
“ cabshada ugu weyn ee dadkaas ay qabaan waa sidii loo furi lahaa jidka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo oo lacago aad dheeri u ah lagu qaado gabdhana lagu kufsado. ” ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.
Waxa uu sheegay in cabashadaan ay wax badan soo jirtay isla markaana ay marar badan kala hadleen madaxada ugu sarreeysa dowladda.
Sh.hoose ayuu sheegay in dhibaatada ugu weyn ay qabto “ Qaybna ay shabaab heystaan, qayb kalana ay heystaan maleeshiyaad wata dharka ciidanka dowladda ”.
Horraanba ayuu sheegay in qoraal ay ka sameeyeen guddiga difaaca Golaha Shacaba ee uu ka tirsanyahay. Qoraalkaas waxaa xeer ilaalinta iyo wasiirka gaansaandhigga loo gudbiyay 22-kii bishii 6-aad ee sanadkan, waxa uuna sheegay in ballanku in laba toddobaad gudahood wax looga qabto walise aan talllaabo la qaadin.
Sidoo kale sanatar Xuseen Shiikh Maxamuud oo isna la hadlay Kalfadhi waxa uu sheegay in fasaxiisa uu hadda ku qaadanayo deegaan doorashadiisa Koonfur Galbeed.
Arrimaha dhallinyarada ayuu sheegay in uu muhiimad gaar ah siiyay isla markaana kulamo kala duwan la qaatay.
Hannaanka shaqaleysiinta oo musuq-maasuq uu ka jiro, fursadaha shaqada oo yar iyo dowladda oo aan wali shaqo abuur muuqda aan dhallinyarada u sameyn ayuu u sheegay in ay tahay caqadaha ugu weyn ee heysta dhallinyarada Koonfur Galbeed.
Waxa uu ugu baaqay dhallinyarada in iyagu ay marka hore bartaan xirfado ay ku shaqeystaan beddalkii ay dowladda ama cid kale wax ka sugi lahaayeen.
Waxa uu sheegay marka uu golaha Aqalka Sare furmo in uu ka jeedin doono waxii uu ku arkay deegaannadiisa.