Maamul Goballeedyada Dalka ayaa ku jira xaalad adag oo kala guur ah duruufaha amniga, dhaqaalaha iyo maamulka jilicsan ayey u dheertahay khilaaf siyaasadeed iyo doorashooyin kusoo fool leh, waxaase ugu nasiib daran maamulka Galmudug oo shirkii Kismaayo kaddib yeeshay laba Madaxweyne, baarlamaan kala qeybsan, laba xukuumadood, laba caasimadood iyo laba urur diimeed.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu yeeray reer Galmudug gogol-nabadeed dhawr jeer Xamar, isaga oo hormuud ka ahaa heshiiskii maamulka iyo ururka Ahlusunna, laakiin waxa ay ka door bideen shirkii Kismaayo iyo abaal-marintii Garowe! Waxaase is weydiin mudan:
A: Maxaa abaal marinta Garowe ee Nobel Peace Prize lagu siiyey Galmudug?
- In Madaxweyne Xaaf uu diyaarad ka raacay Dhusamareb kuna degay Galkacyo! Kaddibna gaari ka raacay kuna gaaray Garoowe?
- In uu nabadeeyey khilaafkii Gobalka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ama uu furay khadkii u dhexeeyey xaafadaha Gaalkacyo?
- In uu Shabaab ka xureeyey Galmudug ama uu xalliyey khilaafkii u dhexeeyey; Cadaado, Dhusamareb iyo Gaalkacyo?
- In uu xiriirka u jaray Cadaado, Cabuudwaaq iyo Xamar?
- In uu ka tegay maamul aysan jirin degma degma kale u gudbi karta Galmudug laakiin Gaari ay ku tegi karaan Puntland dhexdeeda?
B: Galmudug maxey ku diidday gogosha nabadda ee Xamar looga fidiyey?
- Madaxweynaha, R/wasaaraha iyo wasiirrada arrimaha gudaha oo ah reer Galmudug, Madaxweyne Xaaf miyaa ka yaqaan danta Galmudug?
- Xamar miyaan laga Biillin Maamulka?
- Xamar miyeysan deganayn madaxda, ganacsatada iyo siyaasiyiinta Galmudug?
- Xamar miyaan laga dhisin maamulka Galmudug! Isaga oo diidan maamulka Puntland ee uu madaxda ka ahaa M. Gaas?
Haddaba abaal marinta ay Gaas iyo Xaaf kala guddoomeen ma ku heli doonaan taageerada shacabka labada Gobal ? Maka badbaadin doontaa Gaas in uu ku dhaco doorashada laba bill kaddib? Ma gaarsiin doontaa Xaaf toddbo bill oo ka dhiman xilkiisa mise wuxuu mari doonaa waddadii uu maray Madaxweynihii ka horeeyey? Ma soo afjari doontaa abaal-marintaan xafiiltankii siyaasadeed ee ka dhexeeyey reer Mudug? Mise waa jug jug oo meeshaadii Joog?
Wixii aan la hureyn habaar laguma doorsado, lama huraanna waa cawska Jiilaal ee reer Galmudug yeysan ka daahin gogosha Xamar, nin aan u furi doonina yuusan u rarin???
W/Q: Dr Maxamed Nuur Gacal
Wasiir Dowlihii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya.