Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu furmo dhowaad, iyadoo markii ugu horeysay xildhibaannada ay uga qeyb-gelli doonaan kulanka adeegga internet-ka ee maqal iyo muuqaalka ah.
kalfadhiga ayaa lagu waday in la furo 20-kii bisha April balse waxaa dib loogu dhigay xanuunka COVID-19 iyo guddoonka labada Aqal oo dalka dibadiisa ku xayirnaa.
Maxamed Cabdillaahi Xasan oo ah hab-dhawraha golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in kulanka labada Aqal uu qabsoomo iyadoo la isticmaalayo aalada ZOOM-ka ee internet-ka madaama aysan suura-gelli doonin in lagu kulmo xarumihii lagu shiri jiray.
Baarlamaanka ayaa diyaariyay barnaamij gaar ah oo ilaa 500 oo qof ay hal mar ka qeyb-gelli karaan, waxaana kulamada hadda lagu qaban doono aalada ZOOM-ka ka qeyb-gelli doona shaqaallaha muhiimka ah iyo 275-ta xildhibaan.
Waxaa uu xusay in diyaar-garoow dheer kaddib la sameeyay in qof walba uu shirka uga qeyb-geli karo meesha uu joogo.
Shirarka Baarlamaanka ayaa noqon doona kulan ay ku qabsoomi doonaan najiijooyinka deg-dega loogu baahanyahay sida shuruucda hadda hortaalla oo kale ah.
Sharciyadda ahmiyada leh ee ugu horeeya ee hadda horyaalla golaha waxaa kamid ah sharciyada lugta ku leh doorashooyinka, haddii ay noqon laheyd sharcigii axsaabta, oo lagu sameyn doono dib-u-eegis iyo sidoo kale barnaamijka doorashooyinka oo laga sugayo gudiga doorashooyinka oo ay aheyd in wakhtigan ka hor ay yimaadaan golaha.
Ajandayaasha ugu muhiimsan ee ugu horeeya sidoo kale waxaa kamid ah in guddiga isku-dhafka ah ee loo xil-saaray in ay gacan siiyaan gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka ay imaan doonaan kulamada
Maxamed Cabdillaahi Xasan oo ah hab-dhawraha golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa xusay in halkeedii ay tahay muddadii lagu balansanaa in gudiga doorashooyinka soo gudbiyaan farsamadii doorasha ay ku dhaceysay, nooca ay tahay iyo qaabka loo qabanayo.
Kulamada Baarlamaanka in la qabto iyadoo la adeegsanayo adeegga internet-ka ee maqal iyo muuqaalka ah ayaa loogu goleeyahay in la dhowro bad-qabka Xildhibaannadda, Senatarrada iyo Shaqaallaha Baarlamaanka, madaama dalka Soomaaliya cudurka COVID-19 uu aad u sameynayo.
Hassan Istiila
Hassanistiila200@gmail.com